Author: radiohalgan.com

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyay ee is casila, kadib khilaafkii ka dhashay heshiiska muranka badan ka dhaliyay Geeska Afrika. Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa sheegay in uu is casilay, waxaana uu tilmaamay in ay ahayd in golaha wasiirrada lagala tashado heshiiska ay Somaliland la gashay Itoobiya oo ah dal daris ah oo aan bad lahayn. Soomaaliya oo u aragta Somaliland inay ka tirsan tahay dhulweynaha Soomaaliya ayaa si caro leh uga jawaabtay heshiiskii 1-dii Jannaayo, waxayna ku tilmaantay faragalin arrimaha gudaha Soomaaliya lagu sameeyay. Mareykanka iyo Midowga Afrika…

Read More

BBC-da ayaa daaha ka qaadday caddeymo cusub oo muujinaya in hoggaamiyihii kaniisadda Nigeria ee geeriyooday, TB Joshua, uu qariyay meydad sidoo kalena uu cabsi geliyay qoysas si uu u qariyo doorkii uu ku lahaa dhismo dumay oo ay ku dhinteen ugu yaraan 116 qof kaniisaddiisa sanadkii 2014-kii. Burburka ayaa ah mid ka mid ah musiibooyinkii ugu xumaa ee abid soo mara goob cibaado oo ku taalla qaaradda Afrika. Baaritaan ay sameysay BBC-da markii ugu horreysay ayada oo xignaysa dad u dhuun daloola kaniisadda TB Joshua’s Synagogue Church ee ku taal magaalada Lagos, ayaa lagu soo dhabnigay caddeymo muujinaya waxa sababay…

Read More

Afhayeenka ciidamada Israa’iil Avichay Adraee ayaa ka warbixiyay duqeymo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay marinka Qasa. Wuxuu sheegay in ciidamada IDF ay “si qoto dheer” ay gudaha ugu galeen Khan Younis ayna “ka takhaluseen 40 xubnood oo argagixisiso ah”. Dhanka badda, Adraee wuxuu sheegay in ciidamada badda Israa’iil ay weerareen goobo ciidan, bakhaarro iyo doomaha badda ee Xamaas ay isticmaalaan. Hadalkaan ayaa imaanaya xilli dad ka badan toddobaatan qof oo rayid Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen duqaymihii dhacay 24-kii saac ee la soo dhaafay isla markaana ay gaysteen diyaaradaha Israa’iil. Isha: BBC

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo shalay dib-loogu doortay xilka Madaxweynaha Puntland 2024-2029, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan Qado Sharaf ah ugu sameeyay Musharixiintii u tartamay xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland. Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri, “Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor iyo Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland.” Kulankaan oo ahaa khado sharaf ayaa badi waxaa ka soo qeyb galeen musharaxiinta la tartantay Saciid Deni, kuwaas oo ay ku jiraan Wasiirradii hore ee arrimaha dibadda ee Huruuse iyo Cawad, sidoo kale kulanka waxaa goobjoog ka ahaa…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumad ka helay dhiggiisa dalka Masar, Abdel Fattah el-Sisi. Wafdi sare oo ka socday dawladda Masar oo 7-dii bishan booqasho ku tagay Muqdisho, ayaa madaxweynaha Soomaaliya u geeyay casuumad uga timid madaxweynaha dalka Masar. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masar gaari doona maalmaha inagu soo aaddan halkaas oo uu kulan kula qaadan doono dhiggiisa Masar, iyagoo diiradda saari doono xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal. Madaxtooyada Soomaaliya waxay caddaysay in labada dal ay kawada hadli doonaan xaaladda gobolka ka soo cusboonaatay ee la xiriira damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya. Masar ayaa safka hore kaga…

Read More

Muqdisho, janaaya, 09, 2024:- Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Hir-shabelle oo Magaalada Muqdisho ugu qeybgalay Shir looga hadlyay quudinta Ardyada. Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Dowladda Hir-shabelle Mudane Amin Muqtaar Axmed, ayaa Magaalada Caasimada Muqdisho maanta ugu qeybgalay shir muhiim ah oo looga hadlyay quudinta Ardyada Hir-shabelle (feeding Students School of Hirshabelle) Shirkaan oo sido kale ay kaqeybgaleen masuliyiin kale oo Wasaaradda kamid ah ayaa si xoog ah looga doodayay horumarinta Adeega quudinta Ardyada si gaar ah degaanadii dhawaan kooxada Argagaxisada laga kiciyay ee Hir-shabelle oo siweyn ay Ardyada ugu baahanyahiin iyo waxii ka qabsoomay sanadkii hore mashruucaan.…

Read More

Odayaasha Dhaqanka Afarta Aadan Xagaleey Nabadoono ka kala socday beesha Cali Madaxweyne Aqoonyahanno Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay Munaasabad ka dhacday deegaanka Gadoomo oo hoostada degmada Teedaan ee gobolka Hiiraan. Nabadoonka cusub Beesha Guuleed AadanNabadoon Maxamuud Xaaji Xuseen (Cadoow) ayaa ballan qaaday in uu la imaan doono wax qabad muuqda waxuuna ugu baaqay bulshada beesha Guuleed aadan in aay garabkiisa noqdaa.

Read More

Xadgududbka ay Itoobiya kula kacayso Soomaaliya waa mid iyada u daran, sababtoo ah waa dal kala socda oo ay dagaallo sokeeye ka socdaan. 1- Qowmiyadda Tigreega horay ayaa ku dhowaaad hal milyan oo qof looga dilay, dib isku diyaarin bay ku jiraan. 2- Gobolka Amxaarada bandow baa saaran, laakiin jabhaddoodu mararka qaar Addis-Abbaba ayey ilaa 100km u soo jirsataa. 3- Heshiiskii dawladda iyo Jabhadda Oromada wuu burburay, Wasiiru dawlihii Wasaaradda Nabadda Mr Taye Dandea ee dawladdu ku eedeyey in ay ka danbaysay fashilka heshiiska Xabsiga ayaa la dhigay, jabhadduna duleedka Caasimadda ayay ka dagaalantaa. 4- Dagaalladaasi waxay dalka geliyeen qarash…

Read More