Author: radiohalgan.com

Rasmus Hojlund waa in uu ka fogaadaa in uu isku adkeeyo ciyaarta isla markaas uu u baahan yahay in uu noqdo mid xoogan si uu dhinaca kale ugu rogo nasiibkiisa goolka hortiisa. Taasi waa sida uu qabo Dimitar Berbatov, kaas oo qirtay inuu dareensanyahay dhibaatada xiddiga reer Denmark ku dhibaatoonayo goolasha xilli ciyaareedkan. Hojlund ayaa lix jeer shabaqa soo taabtay tan iyo markii uu kooxda ugu soo biiray 72 milyan laakiin waxa uu dhaliyay hal gool oo premier League ah. Goolka Premier League ayaa ka yimid kulankii ay Man United guusha soo laabashada leh ka gaadhay Aston Villa. Xiddiga 20…

Read More

Koonfur Galbeed ayaa gabi ahaanba isaga baxday koobka Maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Wasiirka dhalinyarada & ciyaaraha KGS mudane Salmaan Shuceyb Cali ayaa shir jaraa’id uu qabtay goor dhaweyd ku sheegay iney isaga baxeen tartanka Arintan ayaa imanaysa kadib markii weerar lagu qaaday baskii ay saarnaayeen xiddigaha Koonfur Galbeed kadib kulankii ka dhacay garoonka Muqdisho Staduim. Waxa jira dhaawacyo soo gaadhay xiddigaha Koonfur Galbeed kadib weerar lagu qaaday baskii ay saarnaayeen kadib ciyaarta. Haatan Wasiirka dhalinyarada & ciyaaraha KGS mudane Salmaan Shuceyb Cali ayaa sheegay in kooxda Koonfur Galbeed gabi ahaan isaga baxday tartanka.

Read More

Mikel Arteta ayaa hogaamiyay Man City Hal kulan waxana uu dhigay rikoodh aan fiicnayn oo ilaa haatan jira. Waa arin la yaab leh in laga fikiro, marka loo eego guusha uu u soo hooyey tababaraha Arsenal isaga oo da’yar ah, laakiin Arteta ayaa xirfadiisa tababarenimo ka bilaabay City. Waxa uu ka hoos shaqeeyay tababaraha City Pep Guardiola ka dib markii uu ka fariistay ciyaaryahan ahaan intii u dhaxeysay 2016 iyo 2019 ka hor inta uusan ku laaban Emirates Stadium. Doorka Arteta wuxuu ahaa kaaliyaha macalinka, inkastoo uu u muuqday inuu aad ugu dhow yahay Guardiola marka loo eego caawiyayaashii kale.…

Read More

Waxaa gabaldhicii maanta weerar dhagxaan loo adeegsaday lagu qaaday gaari bas ah oo ay la socdeen ciyaartoyda maamulka Koonfur Galbeed ku matelaya tartanka ka socda Muqdisho, xilli ay lasoo ciyaareen dhigooda Galmudug oo ay guul darro kala soo kulmeen. Wasiirka Ciyaaraha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo caawa warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa shaaciyay in ay isaga baxeen tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socda Stadio Muqdisho. Waxa uu sheegay wasiirka in laamaha ammaanka gobolka Banaadir iyo wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ku fashilmeen ilaalinta bad-qabka ciyaartoyda  mataleysa xulalka tartankan ka qeyb galaya gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed. Wasiirka…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Khudbadii Jimcaha ka jeediyay masaajidka Madaxtooyada ayaa ku dhowaaqay in Itoobiya ay iska dhicinayaan, kadib xad-gudubka ay ku kacday. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay cadowga ugu weyn ee Soomaaliya, islamarkaana ay ka difaacanayaan dalka, haddii ay isku deydo meel-marinta xad-gudubkii ay xukuumadda Abiy Axmed ku kacday, kulana saxiixatay Somaliland heshiis beenaadkii badda. “Maanta haddii dhul la isku sheeganayo anaga ayay tahay in Itoobiya maanta dhul ku sheegano, naguma sheegan karto anaga. Cadow hal ayuu ahaa oo Shabaab, laakiin maanta waa labo, waa iska celinayna Shabaabka oo duulimaadka dibadda-na waa iska…

Read More

Maraykanka iyo Britian ayaa bilaabay weerarro ballaaran oo ka dhan ah, kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran, iyaga oo uga aargudanaya, in ka badan labaatan weerar oo dhowaan uu ururkaasi la beegsaday maraakiibta isaga kala gooshta marinka caalamiga ah ee Badda Cas. Saraakiil Maraykan ah, oo ka gaabsaday inay magacooda sheegaan, maadaama oo aan loo ogolayn inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay in ciidamada milateriga ee Maraykanka iyo Ingiriisku, inay weerar ku qaadeen, in ka badan toban bartilmaameed oo ay leeyihiin kooxaha Xuutiyiintu, kuwaas oo isugu jira, goobo tababar, iyo meelo lagu kaydiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waa markii ugu…

Read More

Ciidanka Itoobiya ayaa dilay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland iyo qof shacab ah sida ay sheegeyso qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland. Falkan ayaa ka dhacay deegaanka xadka ku yaala ee Qoolbuulalle oo ka tirsan degmada Sallaxlay. Labada Marxuum ayaa u dhintay toogasho ay ku sameeyeen Ciidanka Itoobiya ee xadka ku sugan. Weli lama hayo faahfaahin ku saabsan sida uu falkaas u dhacay iyo sababaha keenay, sidoo kale, ma jiro war ay arrintaas ka soo saareen Booliska Somaliland iyo ciidanka Itoobiya

Read More

Kooxo aan wali heybtooda la garan ayaa galabta weerar dhagxaan loo adeegsaday ku qaaday gaarigii baska ahaa ee garoonka Muqdisho Stadiom ka qaaday ciyaartoydii mataleysay xulka maamulka Koonfur Galbeed. Weerarka dhagxaanta loo adeegsaday ayaa bur buriyay miyaaradihii gaariga, waxaana dhaawacyo kala duwan uu soo gaaray qaar kamid ah ciyaartoyda maamulka Koonfur Galbeed matalkeysay ee baska saarnaa. Wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada Xukuumadda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin weerarkan lagu qaaday ciyaartoyda Koonfur Galbeed, laamaha ammaanka gobolka Banaadir ayaan wali sidoo kale ka hadlin weerarkan. Weerarkan ayaa imaanaya xilli galabta ciyaartii u dhaxeysay ciyaartoyda kala mataleysay Koonfur Galbeed iyo Galmudug looga adkaaday…

Read More

Qiimaha saliida ceyriin ee caalamka ayaa kor u kacay in ka badan 2.5% Jimcihii maanta ka dib markii Mareykanka iyo UK ay si wadajir ah u bilaabeen duulaan ka dhan ah Xuutiyiinta ee Yemen. Ilaa hadda sanadkan, Brent crude, oo ah halbeegga shidaalka adduunka, ayaa kor u kacay 3.1%. Dhaqaalaha adduunka ayaa laga bixiyey digniin taxane ah oo muujinaya muhiimadda ay leedahay khalkhal gelinta Badda Cas, taasoo 12% ganacsiga adduunka uu maro, oo ay ku jiraan 30% konteenarada adduunka. Weerarada Xuutiyiinta ayaa ku qasbaya maraakiibta in ay maraan waddo aad uga fog qaaradda Afrika, waxaana laga yaabaa in qarashka caymiska…

Read More

Dowladaha Masar, Somalia iyo Eritreya ayaa qorsheynaya iney sameystaan isbaheysi cusub oo ka dhan ah Itoobiya kaasoo la filayo in looga dhawaaqo magaalada Qaahira sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa shalay la gaarsiiyey casuumad uu ka helay Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi ka dib booqasho uu Asmara ku tagay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh H. Shoukry. Intii lagu guda jiray kulan ka dhacay Asmara xalay fiidkii, Madaxweyne Isaias iyo Mudane Sameh H. Shoukry waxay ka wadahadleen muhiimadda wadatashiga u dhexeeya Erteriya iyo Masar caqabadaha hadda jira ee gobolka iyo…

Read More