Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa taageero u muujisay Shiinaha, ayada oo sheegtay in Taiwan ay u aqoonsan tahay qayb ka tirsan Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha. Bayaan kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu xusay “u hoggaansanaanta mabda’a fara-gelinta la’aanta”, iyada oo hoosta ka xariiqday sida ay Soomaaliya uga go’an tahay kobcinta wada noolaanshaha caalamka iyo ixtiraamka madax-bannaanida. “Soomaaliya iyada oo ka duulaysa ka go’anaanshaha mabaadi’da ku qeexan Axdiga Qaramada Midoobay, waxay u dooddaa inaan la faragelin arrimaha gudaha ee dhammaan ummadaha,” ayaa lagu yiri bayaanka Soomaaliya ay garab istaaga ugu muujisay Shiinaha. Tallaabada ay qaaday Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug, iyada oo halkaas uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ujeedka socdaalkan lagu sheegay sii ambaqaadid dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargalinaya howgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia. Socdaalka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli gobollada dhexe uu ka socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo ciidanka…
Dowladda Itoobiya ayaa olole culus ka bilowday gobolka Gedo, kaas oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, qorshahaan ayaa daba socda damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya. Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Gedo ayey dowladda Itoobiya isugu yeertay, kadibna waxaa la faray in gobolkaas aysan ka dhici karin wax banaanbaxyo dadweyne ah oo looga soo hor jeedo heshiiskii qar iska tuurka ahaa ee badda. Sidoo kale Itoobiya ayaa heshiis hoose la gashay Axmed Madoobe oo damac weyn uga jiro inuu mar kale ku soo laabto xukunka, waxayna xogo hoose sheegayaan inay Itoobiya heshiisyo qarsoodi ah la geleyso madaxda dowlad goboleedyada qaar. Dhinaca…
Ciidamada Somaliland ayaa caawa xiray wasiirkii hore ee beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, kadib markii uu dhawaan si cad uga horyimid damaca Muuse Biixi uu Itoobiya ku siinayo qeyb ka mid ah badda Soomaaliya. Wasiirka caawa la xiray ayaa wareysi uu siiyey MM TV wuxuu ku soo qufay taariikh fog oo qarnigii hore ay sidaan oo kale Itoobiya u damacday inay dhacdo badda Soomaaliya, isagoo sheegay in qarnigii hore gumeystihii Talyaaniga uu Boqorkii Itoobiya weydiistay inuu ku wareejiyo badda Seylac. “Damaca Itoobiya ay badeena ku dooneyso waa qarniyo jirsaday, 136 sano ayaa ka soo wareegtay markii ay Talyaaniga weydiisanayeen badeena…
Xaafada Masayla oo ka tirsan magaalada Doxa ee dalka Qadar – halka ay ka mudan tahay teendhada tacsida alaha u naxariistee Cabdixamiid Sheekh Cabdirishiid Cali Suufi, ayaa waxaa tagaya dad maqaam ku dhex leh bulshada oo u badan culimo Balse dadkii soo muqday goobta tacsida ayaa waxaa kamid ah nin ay aad u doondoonayaan sirdoonka waddanka Israa’iil – Ismaaciil haniyaha oo ah madaxa garabka siyaasadda ee Ururka Xamaas, sida uu BBC u xaqiijiyay Cabdixakiin Sheekh Cali Suufi oo ku sugnaa goobta. “Wuu noo yimid goobta loo fadhido tacsida, wuu noo tacsiyeyey gaar ahaan Sheekh Cabdirishiid iyo qoyska oo dhan iyo…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta ee loo soo magacaabay Soomaaliya, kuwaas oo kala ah; Namgya Choden, Okaniwa Ken, Miroslav Kosek iyo Abdullahi Mutlaq Al Otabi. Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin Dowladahoodu, waxa uuna…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay u sharaxan tahay xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) ee Sanadaha 2025-2028, kaas oo loo sharaxay Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Fowsiya Yusuf Haji Adam. Qoraal kooban oo koo soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay, “Iyadoo laga duulayo qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee xoojinta doorka aan ku leennahay Ururada Caalamiga iyo kuwa Gobolka, ayaa waxaa Xildhibaan Fawzia Yusuf Haji Adam, ay ku matali doontaa dowladda Soomaaliya tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) ee Sanadaha 2025-2028.” Xildhibaan Fawzia Yusuf Haji Adam oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan sagoontin ah kula qaatay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisse iyo Marwo Sanaa Omer oo ah ku-xigeenka wakiilka UNHCR ee dalka, maadama uu dhamaaday mudo xileedkii ay ku joogeen Somaaliya. Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska warfaafinta ee guddoomiye Aadan Madoobe oo lagu yiri, “Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Hay’adda UNHCR uga mahadceliyay shaqada wanagsan oo ay ka qabteen dalka, waxaana uu sheegay in Hay’adda UNHCR ay caawiso kumanaan Barakacyaal ah oo ku nool dalka gudahiisa.” Sidoo kale warka ka soo baxay xafiiska…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Pier Mario Dacco’ Coppi. Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka cusub ee dowladda Itoobiya ayaa diiradda waxaa lagu saaray, “Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal Soomaaliya iyo Talyaaniga,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sii yiri, “Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab joogaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is-garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo…
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Cumaan oo marti qaad rasmi ah ka heysta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar. Wafdigaan oo uu hogaaminaayo Xoghayaha Guud ee Madxafka Qaranka Cumaan Jamaal bin Xasan bin Xuseen Al-Muuse iyo Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay soo nooleynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii Dowladda Cumaan ay gacan ugu geysan laheyd dib-u-dhiska goobaha taariikhiga ah ee Magaalada Muqdisho. Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada…
