Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
WAR SAXAAFADEED Madaxda Urur-Goboleedka IGAD oo dhagaystay mowqifka adag ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyey mowqifkooda ku aaddan faro-gelinta Dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah Madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa bayaanka wadajirka ah ee Shir-madaxeedka IGAD oo lagu sheegay sida ay u ilaalinayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba, heshiis kastana ay aas-aas u tahay ogolaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga ku wehelinaya shirkan ayaa usoo bandhigay Hoggaamiyeyaasha IGAD iyo diblumaasiyiinta Gobolka xadugudbka Itoobiya ay ku sameysay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya iyo dhibaatada ay ku…
Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Jalalqasi ee Gobolka Hiiraan Mudane Maxamed Cismaan ayaa ka laabta Warqad Magacabis ah, oo Xalay u soo saaray asigoo dhankale Raaligalin ka bixiyay qaladkaas ka dhacay.
Culuma-udiinka Gobolka Hiiraan oo ka qeeyb gashay Xaflad lagu dhiiragaliyay Arday Baratay Shareecada oo Beergadiid lagu qabtay.
Abuukaate Dudaaye ” Waxaan waydiisaneynaa ayada oo la ilaalinayo xaquuqda eedeysanaha in ay diido codsiga Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka “
Generaal Sulub “Waxaa inoo qorshaysan Sanadkaan in aan sameeno xarumo badan oo Dabdamis ah iyo ciidamadii loogu talagalay madaama marka laga soo tago Arrimaha amniga dhacdooyinka dhaca ay u badanyihiin Dabka kuwaas oo qasaara geysta.”
Musharax Nabadoon Cabdi Faraah Sharaawe ayay u garteen Beesha Xaruun Cali in u noqdo Nabadoonka guud ee Cali Madaxweyne Kadib Shir ka dhacay Degaanka Cali Ganeey. ugu Danbeentii Shirkan ayaa ka dhacay Degaanka Cali ganeey oo u shir ugu soo dhamaaday maanta Beesha Xaruun Cali.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay wax ka qaban Doonaan Baahiya Bulshada Degmooyinka iyo Degmada khawaarijta All-shabaab laga Xoreeyay.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Muwaadin Maxamed Mahdi Muuse “Kuusoow” oo kasoo muuqday baraha bulshada ku xiriirto isagoo fariin codsi ah u diraya Madaxweynaha. Madaxweynaha oo ka jawaabayay codsiga muwaadinkaan ayaa ku wareejiyay mootadii uu codsaday si uu ugu maareeyo nolosha qoyskiisa.
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali ayaa maanta ka qeyb-galay shir ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda. Shirkaan oo ahaa shir-madaxeedkii 19-aad ee dalalka dhex-dhexaadka ah ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Abiy oo diiday ka qeyb-galka shirkii looga hadlayay damaciisa ku wajahan badda Soomaaliya, kuna marmarsiyooday inay jiraan balamo kale oo uga muhiimsan shirkaasi ayaa gaaray Kampala si uu maanta uga qeyb-galo shirkaan. Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna maanta ka baaqsaday inuu galo sawirka loo dhan yahay (Photo Group) ee shir-madaxeedka 19-aad ee dalalka dhex-dhexaadka ah ee ka dhacay Kampala. Inkasta…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii meesha ka saartay in la dhex-dhexaadiyo ayada iyo Itoobiya illaa Addis-Ababa ay ka laabato is-afgaradka ay la gashay Somaliland. Xiisadda labada dal ayaa cirka gashay kadib markii dalka aan badda laheyn ee Itoobiya uu is-fagarad la galay Somaliland 1-dii Janaayo, kaasi oo siinaya marin badeed. Taa beddelkeed, Somalilad — oo si iskeed ah madax-banaani ugu dhowaaqday 1991-kii — ayaa sheegtay in Itoobiya ay siin doonto aqoonsi rasmi ah. Tani ma aysan xaqiijin Addis-Ababa. “Ma jirto dhex-dhexaadin haddii aysan Itoobiya ka laaban is-afgaradkii sharci-darrada ahaa oo aysan dib u xaqiijin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,”…