Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Waxa laga daahfuray Dagmada jalalaqsi Xafiiska iskaashatooyinka beeraha Degmada jalalaqsi xaflada daahfurka Waxaa kaso qeyb galay Beeraleyda Degmada jalalaqsi odayaal Waxgarad iyo maamulka dagmada jalalaqsi. Sido kale waxaa goob joog ahaa Waziiru dowlaha Wazaarada Beeraha Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Wakiil Ka Socdo Wazaarada Beeraha & Warabka dowlada federalka Somalia
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufuroow) ayaa xilka ka qaaday Afhayenka maamulka gobolka Hiiraan Liibaan Cabdi Cumar. Guddoomiyaha gobolka ayaa faray Howl-wadeenada Xafiiska Warfaafinta gobolka in aay shaqada sii wadaan inta masuul cusub looga magacaabayo xilka Afhayeenka maamulka.
Xildhibaan hore Cabdulqaadir Sheekh Xanafi ayaa yiri Soomalaiya iyo marxaladaSiyasadeed ee geeska, Somaliya maanta waxay mareysaa marxalad xasaasi ahOo u baahan in si qoto dheerLoo darso lana iftiimiyo qatarahaCadowga gudaha oo sameyn weyn ku yeelan kara midnimadaIyo madaxbanaanida dalka. Waxaa tusaale cad noogu filanHashiis beenaadkii lagu sheegay is-afgarad ee laguSaxiixay Adis Ababa 5/1/202Oo ah halis soo wajahday qaranimada somaliyaHadaba aqriso qodobada halista ah ee dhaawici KaraMadaxbanaanida dalka-: Qodobka: 1aadMaamulada dalka sida somaliland puntland jubalandHirshabeele, konfurgalbeed iyoGalmudug intaba waxay xiriirToos ah iyo mid qarsoon lawadagaan cadawga umaddaSoomaaliyeed ee Itoobiya ayagaOo ku xadgudbaya shuruucdaIyo dastuurka dalka uyaal. Wazaradda arimaha dibada iyo iskaashiga…
9 Daqiiqadood ka hor Madaxweynaha Jamhuuriyadda goonni isu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Golaha Guurtida dib ugu celiyay xeerarka doorashooyinka oo ay hore goleyaasha wakiillada iyo guurtidu u meelmariyeen. Madaxweynaha ayaa soo celintiisa ku sababeeyay in qoraal ay Golaha Guurtidu usoo direen oo ay kaga codsadeen in uu usoo celiyo. Tallaabadan ayaa dib usoo noolaysay khilaafkii doorashooyinka ee u dhexeeyay xukuumadda iyo mucaaradka. Kahor inta uusan Madaxweyne Biixi xeerkan kusoo celin Golaha Guurtida, cabashada way taagneyd, iyadoo mucaaradku ay hore u qabeen dareen ah in madaxweynuhu uu xeerkan dib usoo celin doono. Mucaaradka Somaliland ayaa…
Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Madaxweynaha ayaa kulan ku saabsan xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar waxa uu la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad. Soomaaliya iyo Qatar ayaa wadaaga iskaashi walaalnimo iyo xiriir dhow oo salka ku haya danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal iyo sooyaalka Labada Shacab. Madaxweynaha ayaa kasoo duulay dalka Masar, halkaasi oo uu shalay kulan mira-dhal ah kula qaatay dhiggiisa dalkaasi Cabdulfataax Al-Siisi. Kuanka gaarka ah ee…
Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal culus oo dhanka cirka ah oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab. Howl-galkaan oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibada Mareykanka ayaa ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab. Weerarka oo ay fuliyeen ciidanka xoogga oo kaashanaya ciidanka cirka ee Mareykanka ayaa ka dhacay deegaan 45KM waqooyi berri kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ee dowlad-goboleedka Jubbaland, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Howl-galkan ayaa waxaa lagu dilay ilaa afar xubnood oo mid ahaa koox ka tirsan Shabaab oo isku abaabulayay goobta la…
Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay wax ka beddelka dastuurka ayaa dowladda uga digay inay xilligaan xasaasiga ah isku deydo meel-marintiisa. Shariif ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in arrimaha wax ka beddelka Dastuurka loo raaco hab raaca uu tilmaamayo Dastuurka kumeel-gaarka ah, si looga fogaado buu yiri khilaaf cusub iyo kala aragti fogaansho uusan dalku marxaladdaan qaadi karin. “Dowladda, waxaan kula talinaynaa in ay ku mashquulaan arrimaha horu-tabinta u leh danaha Qaranka Soomaaliyeed, waqtigaan la joogana uga shaqeeyaan si taxaddar leh,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in maanta ay…
Mudane Madaxweyne, Aqoonta aan kuu leeyahay, waxaan si buuxda u oran karaa inuu dhab kaa yahay dareenkaada iyo khudbadaha kala duwan ee aad jeedisay. Waxaan hubaa, inay run kaa tahay caadifaadaas. Marqaati ayaan u ahay, muddo xilaadkaadii koowaad in damac kasta laguu sheegay si aad tanaasul uga sameeyso qodobo taabanayey dhulka iyo badda Soomaaliya, maantana kalsooni taas lamid ah baan ku qabaa inaadan saxiixeynin wax taabanaya gobonnimada qaranka. Mudane Madaxweyne, Aqoonta kale ee aan kuu leeyahay waxay tahay inaad si saaid ah gaabis u tahay, go’aannadaadu jilicsan yihiin, culayska khudbadahaaga iyo cagajiidka tallaabo qaadkagana isma lahan. Soomaalidu waxay ku maahmaadaa,…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa walaac xooggan ka muujiyay qorshaha wax ka beddelka Dastuurka, oo la filayo in maalmaha soo aadan la horgeeyo baarlamaanka. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in xilligaan lagu jiro difaaca dalka ay dib usoo celinta doodda wax ka beddelka dastuurka ay abuureyso qalalaase siyaasadeed oo wax u dhimi kara midnimada umadda Soomaaliyeed ee ay ku wajahayaan cadowga dibadda. “Marxaladdan xasaasiga ah ee aynu ku jirno ma xamili karo dalkeennu in la abuuro khilaaf siyaasadeed iyo kala qeybin bulsho,” ayuu Farmaajo ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxweyne…
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Garowe ee Caasimada Dowladda Puntland oo uu uga qeybgalayoCaleema-saarka Madaxweynaha La doortay ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir ee Garowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha la doortay ee Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweynaha ayaa markale u hambalyeeyay Madaxweyne Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo 8-dii bishaan markale loo doortay Madaxweynaha Dowladda Puntland.