Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa xaqiijisay geerida muwaadin haysta dhalashada Dalkaas oo lagu dilay Marinka Rafax waxaana loo badinayaa in ay ka dambeeyeen ciidanka Israaiil oo muddooyinkii dambe toogasho gaysanayay. Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa Israaiil hordhigay in ay xog ka siiso muwaadinkaan la dilay, waxa uu afhayeenku walaac ka muujiyay muwaadiniinta kale ee ameerikaanka ah ee bariga dhexe ku sugan. Warbaahinta Maraykanka ayaa aad u hadal haysa arrintaan iyada oo warbixinno isdaba-joog ah ka qoraya halka ay iska indha-tirayaan kumanaanka kale ee Falastiiniyiinta ah ee aanay haysan dhalashada Dalkaas ee sida joogtada ah ugu dhinta duqaynta…
Hay’adda NISA oo sheegtay in 7 xubnood oo katirsan AS lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeelaha Dhexe.
War kooban oo kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda & sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu faah-faahiyay howlgal duqayn ah oo ka dhacay Deegaanka Fiidow Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle. Howlgalkaan ayaa dhacay Jimcihii 19ka Janaayo 2024 waxa ay Hay’adda NISA Tilmaamtay in lagu beegsaday xubno katirsan ‘AS’ isla markaana lagu dilay todobo xubnood balse aysan shaacin magacyadooda & waxyaabaha ay u qaabilsanaayeen ‘AS’. NISA ayaa shaacisay in howlgalkaan ay ka gacansiiyeen saaxiibada caalamiga ah ee ka garabsiinaya dhinaca weerarrada cirka ah sida lagu muujiyay qoraal kooban oo Hay’addu soo dhigtay barteeda X ee horay loo oran jiray Twitter. Gobolka Shabeelaha…
Janaraal Gadi Eisenkot oo ah sarkaal howlgab ah oo u dhashay Israaiil oo ka xog-warramay go’aanka Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ee ah in uu sii soconaya Dagaalka ka dhanka ah Xamaas ilaa ay kasoo afjarayaan uusan runta ka hadlin. Waxa uu dhalanteed iyo kaftan ku tilmaamay in Israaiil ay guullo muhiim ah ka gaari karto iyada oo aanay jirin horumar muuqda ay ka samaysay dagaalka socda illaa 7diii Oktoobar 2023 keliyana ay ka dhaxleen dhiig-bax badan & niyad-jab xooggan. GEN. Gadi ayaa sheegay in Wiilkiisa lagu dilay Magaalada Gaza uuna kamid noqday qoysaska xubnaha ehelkooda ku waayay dagaalka aan dhammaadka…
Kulanka oo dhacay maalintii khamiista 18kii Bishan ayaa la taliye Redwan Hussein hadalkiisa ku billaabay “Itoobiya waxay u baahan tahay dekado baddan oo kale si ay u ilaaliso dhaqaalaheeda kobcaya, Isagoo warbixin kooban ka siiyay u-qaybsanayaasha ciidamada Safaaradaha ku sugan Addis Ababa; heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay dhawaan wada saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland, waxa uu lataliyuhu xusay in Itoobiya ay marin u lahayd badda muddo qarniyo ah, balse ay noqotay dal aan bad lahayn muddo haatan laga joogo 30 sano. “uma noolaan karno sida wakhti hore, laakiin waa inaan wax ka qabannaa dhibaatada hadda Itoobiya soo food saartay,” ayuu yiri,…
Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo u magacawday in uu madax ka noqdo wadahadallada Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo xiisaddooda cirka gashay wixii ka dambeeyay 1dii Janaayo 2024. Khilaafka ayaa bannaanka usoo baxay kaddib markii Xukuumadda Itoobiya ay ku dhawaaqday heshiis ay la gashay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi si ay u helaan qayb kamid ah Badda Soomaaliya oo Itoobiya damacsan tahay in ay saldhigato. Tallaabadaas waxaa go’aan adag oo diidmo ah kala hortagtay Dowladda Federaalka Soomaaliya maadaama heshiiskaas uu yahay mid baalmarsan sharciga, Dastuurka Dalka, madaxbannaanida iyo wadajirka Soomaaliyeed balse Addis dheg jalaq…
Saraakiil katirsan Dowladda Suuriya ayaa sheegay in Ciidamada Yuhuudda ay duqayn xooggan ka gaysteen xaafadda Mazzeh ee ku dhow caasimadda Dalkaas ee Dimishiq maanta oo sabti ah sida hadalka loo dhigay. Suuriya ma sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaan duqaaynta ah, cidda sida gaar ah lagu bartilmaameedsaday & jawaabta ay dhankooda ka bixiyeen weerarkaan xadgudubka ah ee caasimadda dalkaas ka dhacay. Wakaaladda Wararka Reuters ayaa daabacay qoraal kooban oo ay ku xaqiijisay in duqayntaan lagu beegsaday mid kamid ah guryaha ku yaalla deegaankaan u dhow caasimadda Suuriya balse qudheedu masoo warin khasaara ka dhashay. Militariga Israaiil ayaa kordhiyay weerarrada duqaynta ah…
Wararka ku saabsan in dhaqdhaqaaqa Xamaas uu ahaa mashruuc Israa’iil ay horey u abuurtay ayaa baraha bulshada iyo warbahintaba la wareejinayay – tan iyo markii ay kooxda ay weerareen Israa’iil 7 October . Hadaba maxaa ka run ah sheekadaasi? Xubno badan oo Xamaas ka tirsan ayaa diiday oo beeniyay sheegashadaas si la mid ah saraakiisha sarsare ee Israa’iil. Balse warkani waxaa mar si cad u sheegay madaxweynihii hore ee Masar, Xusni Mubaarak. Sidoo kale, Senetarka Jamhuuriga ee Congress-ka Maraykanka ayaa isna mar soo hadal qaaday arrintan waxaana sidoo kale lagala hadlay saraakiisha amniga gudaha ee Israel,ee Shin Bet. Akhwaan Muslimiinta…
Masawir muujinaya in ay wada joogaan madaxweynaha dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen iyo nin kamid ah wafdi ka socday Itoobiya oo socdaal ku tagay qaar kamid ah deegaanada Soomalaida ayaa hadal hayn ka dhaliyay baraha bulshada. Masawirka ayaynaan xaqiijin karin dhabnimadiisa. Ninkaan hadalhaynta dhaliyay ayaa qayb ka ahaa wafdi ka socday dalka Itoobiya, gaar ahaan gobolka Oromia, kuwaas oo horay u sheegay in ay u yimaadeen dhulka Soomaalida si ay qayb uga qaataan nabadeynta gobolka Geeska Afrika. (Lafti Nagaa) – Naaneys caan baxday oo ka timid duco ay wafdigaan Itoobiyaan ka ah horay u mariyeen ayay dad badan ugu…
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda, isagoo ku sii jeeda magaalada Qaahira ee dalka Masar. Xasan Sheekh ayaa aaday magaalada Qaahira kaddib casuumad uu isbuucii hore ka helay dhigiisa dalka Masar Cabdifitaax Al Siisi, waxa uuna madaxweynaha kulan gaar ah kula qaadan doonaa Qaahira inta uu joogo madaxweyne Al Siisi iyo masuuliyiin kale. Casuumadda madaxweynaha dalka Masar u fidiyay dhiisa Soomaaliya ayaa timid ,kaddib markii dowladda Itoobiya ku xad-gudbtay midnimadda Soomaaliya ayna heshiis beenaad la gashay maamulka Somaliland. Dowladda Masar oo khilaaf kala dhaxeeyo Itoobiya ayaa…
Gaari dameer lagu soo xiray bam ayaan shalay ku qarxay bar kontorool oo ku taalla xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ku dhintay hal askari oo ka tirsan booliska Kenya afar kalena way ku dhaawacmeen, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Warbixin ka soo baxday Booliska Kenya oo ay aragtay Wakaalladda Wararka AP, ayaa lagu sheegay in Gaariga uu watay Labo Dameer uuna la socday Nin uu ka gudbay Koontaroolka ay Soomaalidu ku leedahay Buula Xaawo, kadibna uu galay Dhulka Kenya, halkaasoo ay ku joojiyeen Askarta si ay u hubiyaan rarka saaran. Wararka ayaa intaa ku daraya in ninkii waday uu ka booday…