Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ku furan seddax furimood oo midba mida kale ka culustahay, waxaase ugu daran tan taabaneysa madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee qaranimada Soomaaliya. Xasan Sheekh ooo dalka xukumaya muddo ku dhow labo sano, wuxuu ku jiraa marxalad uu Madaxweyne maro tii ugu adkeed, waxayna guushiisu ku xiran tahay sida uu u maareeyo seddaxdaan caqabadood: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxay hadda la daalaa dhacayaan sidii ay u maarey lahaayeen damaca guracan ee Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, inta badan dadaallada looga hortegayo damaca Itoobiya ayaa ka socda Muqdisho. Maamul goboleedyada dalka…
Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulan kamid ah fadhiyadooda caadiga ah maanta ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, kaas looga doodayay hindise sharciyeedka beeraha oo la horgeeyay golaha. Inta aysan bilaaban doodda ayaa waxaa kulanka ka dhacday arrin fool-xun, kadib markii mid kamid ah gabdhaha xildhibaanada ah oo careysan ay biyo ku rusheysay Hab Dhowraha Baarlamaanka xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux), taas oo keentay buuq xoogan. Muuqaal ay duubtay warbaahinta ayaa waxaa laga arkayay gabadha xildhibaannada ah oo qaylineyso, isla markaana la cel-celinayo, kadib markii ay firdhisay biyaha oo xittaa gaaray miiska iyo kuraasta ay fadhiyaan xubnaha guddoonka sare ee…
Wasiirkii hore amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa maanta dib loo helay, kadib markii horay loogu waayay magaalada Niarobi ee caasimada dalka Kenya, taas oo keentay walwal xoogan. Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo hadda ah wasiirka amniga Jubbaland ayaa xaqiijiyay in isaga oo nool Nairobi la gelay Janan, kadib maalmo warkiisa la la’aa. Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay inuu gadda nabad qabo Janan, isla markaana ay faahfaahin ka bixin doonaa arrimihiisa iyo xaaladda uu hadda ku sugan yahay. Wali ma jirto faah-faahin rasmi ah oo laga helay cidda uu ku maqnaa, balse waxaa la xaqiijiyay in xalay…
Heung-min Son waa kabtanka xulka qaranka South Korea ee ka qayb-gelaya Koobka Qaramada Asia ee ka socda waddanka Qatar, waxaana uu in muddo ah ka maqnaanayaa kooxdiisa Tottenham oo uu iyagana kabtan u yahay. Son oo xilli-ciyaareedkan bandhig fiican ku jira isla markaana 20 ciyaarood oo uu saftay u dhaliyey Tottenham 12 gool iyo shan uu caawiye ka noqday, ayaa waxa uu ka maqnaanayaa kulamo adag oo uu tababare Ange Postecoglou la dhibaatoon doono sidii uu beddelkiisa u heli lahaa. Tartanka qaramada Asia oo soo bilowday 12kii January, ayaa socon doona illaa bisha dambe ee February oo labada usbuuc ee…
Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dhamaystirtay saxeexii koowaad ee ay samayso suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January, kaas oo hadda ay shaacinta oo kali ahi ka hadhsan tahay heshiiskiisa oo ay dhinacyada oo dhan isla dhamaystireen. Real Madrid oo sannadihii u dambeeyey beddeshay falsafaddeeda suuqa oo soo urursanaysay ciyaartooyo da’yar ah oo ay u carbinayso mustaqbalka, sida ay sameeyeen Vinicius Junior, Rodrygo Goes, Arda Guler, Fede Valverde, Eduardo Camavinga iyo da’yarka soo socda ee Endrick ayaa waxa ay maanta gacanta ku dhigtay dheeman kale oo muddo kooban lagu carbin doono kulliyadda Castilla ka hor inta aan kooxda koowaad loosoo…
Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara xulka qaranka Masar iyo Liverpool ee Mohamed Salah ayaa in muddo ah ka maqnaan doona garoomada, kaddib dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii uu xulka qarankiisa Masar barbarraha 2-2 ah la galay Ghana. Salah ayaa ka baxay qaybta hore ee ciyaarta markii uu xanuun ka dareemay muruqa dambe ee bowdada, waxaana caawiyey dhakhaatiirta ka hor intii aan beddelkiisa la samaynin. Jurgen Klopp ayaa hore u xaqiijiyey inuu ka naxay dhaawaca Salah, waxaase uu xusay inuu ka war sugayo natiijada baadhitaannada ay ku samaynayaan dhakhaatiirta Masar. War-saxaafadeed maanta uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Masar ayaa lagu sheegay…
DEG-DEG: Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Dalab Laga Soo Gudbiyey Xiddig Lama-taabtaan U Ah Mikel Arteta
Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ka jawaabtay dalab amaah ahaa oo ay kooxda horyaalka Premier League ee ay isku magaalada London ka dhisan yihiin ee West Ham United ay kasoo gudbisay xiddiga khadka dhexe ee reer England ee Emile Smith Rowe. West Ham ayaa usoo bandhigtay Arsenal dalab ahaa in illaa dhamaadka xilli-ciyaareedkan amaah lagu siiyo kubbad-sameeyaha reer England ee da’yarta ah, laakiin tababare Mikel Arteta oo ay kooxdiisu daalaa-dhacaysay usbuucyadii ugu dambeeyey ayaa albaabada bixitaanka ka xidhay laacibkan. Emile Smith-Rowe ayaa uu Mikel Arteta ku tilmaamay ciyaartoy muhiim u ah kooxdiisa oo aanay jirin sabab ay waqtigan amaah ugu…
Kooxda Rugby-ga ee Old Christian Club oo ka socday Montevideo, Uruguay ayaa u kiraystay diyaarad Ciidanka Cirka ee Uruguay si ay ugu safraan Santiago, Chile13 October, 1972 . Waxay u safreen si ay ula ciyaaraan kooxda kale ee lagu magacaabi jiray Old Boys ee magaalada. Diyaaradda FH-227D, oo ay la socdeen 45 rakaab ah, ayaa mareysay buuraha Andes, halkaasi oo ay ku burburtay isla markaana waxaa ka dhashay dhimashada 12 qof. Ilaa 17 kale ayaa u dhintay maalmihii xigay dhaawacyo, cunto la’aan iyo daryeel xumo soo wajahday. Shilkan ayaa waxaa loogu magac daray “Mucjisada Andes” waxaana laga sameeyay filimka lagu…
Gabadha yar ee hoggaamiyaha Kuuriyada Waqoyi, waa qofka “aadka loogu maleynayo” inay isaga beddesho, sida laga soo xigtay hay’adda sirdoonka Koofurta, ee NIS. Marka maxaan ka naqaannaa Kim Ju Ae, sidee ayayna ugu muuqataa inay maalin un aabbaheed beddeli doonto? Kim Jong Un ayaa aad u qariya qoyskiisa taasna waxay keentay inaan wax badan laga aqoon. Xitaa xaaskiisa, Ri Sol Ju, oo muddo qarsoodi ahayd kadib guurkooda – lama arag ilaa sanadkii 2012. Warbaahinta Kuuriyada Koofureed ayaa ku warrantay inay is guursadeen sanadkii 2009 ayna cunug isu dhaleen 2010. Waxaa sidoo kale loo maleynayaa inay tahay hooyada Kim Ju Ae,…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka safray Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda oo labadii maalin lasoo dhaafay uga qaybgalay shirar ka dhacay ayaa gaaray Xarunta Dalka Masar ee Qaahira. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa martiqaad lasoo gaarsiiyay todobaadkii tagay ka helay dhiggiisa Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Cabdifitaax Al-Siisi si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labo geesoodka ah, Iskaashiga faca wayn & xaaladaha ka taagan Geeska Afrika. Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Villa Somalia ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Masar ay diiradda saarayaan xaaladaha Gobolka & Danaha wadajirka ah ee labada Jamhuuriyad…