Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Ciidamada Jabhadda Amxaarada ayaa isku gadaamay xerada Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiyaha ee deegaanka Ensaro Shewa oo qiyaastii 93km u jirta magaalada Addis Ababa, ee Caasimadda Itoobiya, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Jabhadda. Dagaalamayaasha Jabhadda Amxaara ayaa hadda Kaabiga ku haysa magaaladda Addis Ababa ee uu ku shaqeeyo R/wasaare Abiy Axmed. Gobalka Maamulka Axmaarada ayaa waxaa ka socda kacdoonkii ugu xooganaa, waxaana maanta laga maqlay rasaas dabaal deg u muuqatay markii uu is casilay R/wasaare ku xigeenkii Itoobiya ahaana wasiirkii Arrimaha Dibadda. Source: Amhara News Service
Maxaa cusub maanta: Madaxwaynaha JFS Mudane Xasan Sh. Maxamuud, ayaa maanta dib ugu laabtay Muqdisho isagoo shalay kaga qeybgalay Garoowe caleemasaarka Hogaanka Cusub Puntland iyo Madaxweyne Deni oo dib loo doortay. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu u safri doono Dubai- UAE 🇦🇪. Ka dibna wuxuu u socdaali doonaa Talyaaniga oo uu shir uga qeyb gali doono, shirkaas waxaa ku casuuman madaxda geeska qaar ka mid ah sida RW Ethiopia 🇪🇹 Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea 🇪🇷 Isais Afweerki. Madaxwayne Xasan Sheekh oo aqbalay inuu ka qeyb galo shirkaas waxaa macquul ah in Haweeneyda Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ah ay dhexdhexaadiso Somalia…
Dawladda Talyaaniga ayey wararku sheegayaan inay marti galin doonto shir madaxeed ay isugu keenayso madaxda dalalka Afrika. In ka badan kala bar dalalka qaaradda ayaa la filayaa inay ka qayb galaan shir madaxeedkaas oo maalmaha soo socda lagu wado inuu ka billowdo magaalada Roma, waxaana la filayaa inay ka qayb galaan oo ilaa hadda casumaadda aqbalay 15 madaxweyne iyo 8 ra’iisul wasaare. Waxaa kaloo jira wakiillo ayagana ka socda dalal kale oo Afrikaan ah, iyo wufuud guud ahaan tiradooda lagu sheegay 57 wafdi. Ilaa hadda waxaa la ogyahay in madaxda ka qayb galaysa shir madaxeedkaas ay ka mid yihiin madaxweynaha…
Maxay diintu ka qabtaa in ilmaha la siiyo caanaha naaska ee lagu deeqo ee laga lisay haweeneey kale?
Wadamada horumaray ayaa ciyeelka ku dhasha dhiciska la siiyaa caano haween kale oo la keydiyay, si ay uga badbaadaan xanuuno dhimasho sababa. Balse caruurta dhiciska ku dhasha ee qoysaska muslinka ah ayaa sidaas sameyn karin sababo la xariira diinta, taas oo horseeday in aysan ka soo kabsan dhicisnimada. Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegtay in 2019kii ku dhawaad 900,000 oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 5 sano ay ugu dhinteen adduunka oo dhan dhibaatooyin la xiriira in ay dhicis ku dhasheen. In carruurta ay dhashaan waqtigooda saxda ka hor waxay keeneysaa in ay nuglaadaan. Dhicisnimada waa dhibaato adduunyada…
Dhaqtar ayaa ku dhintay isku dhac la sheegay in uu dhexmaray dadka deegaanka Yamaarugley ee Dawlad Deegaanla Soomaalida, iyo ciidamo ka tirsan ismaamulka Soomaalida. Nasteex Maxamed jaamac, oo ahaa dhaqtar ka howlgali jiray xarun caafimaad oo ku taal deegaanka Yamaarugley oo hoostagta degamada Gallaadi ee gobolka Doollo, ayaa la sheegay in rasaas ooda laga qaaday dad uu kamid ahaa waxay uga dhacday madaxa iyo neefmareenka, sida uu noo sheegay, Axmed Gooni, oo ah adeerkiis goobjoogana ka ahaa dhacdada. “Qaybta sare ee jirkiisa gaar ahaan madaxa ay ka haleeshay raasaastu, wuuna u geeriyooday…runtii waxaan ku tilmaami karaa dhacdo xanuun leh oo…
Maxkamada Cadaalada Caalamiga ah ayaa ku amartay Israa’iil inay qaado dhamaan talaabooyinka lagu joojinayo falalka xasuuqaa ee Qasa ka dib kiiskii ay maxkamadda u gudbisay dalka Koonfur Afrika ee ka dhan ahaa Israa’iil. Maxkamada ayaa sidoo kale amartay in Israa’iil fasaxdo gargaarka bini’aadanimo ee dadka Qasa balse maxkamadu kuma amrin joojinta dagaalka. Israa’iil ayaa ka caroortay go’aanka maxkamada iyadoo Koonfur Afrika oo ah dalka gudbiyey dacwada ay ugu baaqeen Israa’iil inay ixtiraamto go,aanka. Hase yeeshee go,aanka ka dib waxaa dad badani wali hadal hayaan Julia Sebutinde, oo u dhalatay Uganda, ahna garsooraha kaliya ee ka tirsan17-ka garyaqaan ee maxkamadda caalamiga…
Xidhiidhka kubadda cagta Ivory Coast ayaa ku dhawaaqay tababarahooda cusub ee hoggaamin doona, kaddib markii ay shaqada ka caydhiyeen Jean-Louis Gasset oo sababsaday markii uu xulkiisu kaalinta saddexaad kaga dhamaystay Group A, laakiin uu nasiibku u hiiliyey oo ay ka mid noqdeen afar xul oo ahaa kuwa ugu dhibcaha badan ee kaalmaha saddexaad galay, isla markaana lagu buuxiyey wareegga 16ka. Emerse Fae ayaa loo magacaabay tababaraha cusub ee xulka qaranka Ivory Coast, waxaanu u dhashay isla waddankaas. Sannadkii 2007, ayaa uu tegay horyaalka Premier League waxaana £2.5 milyan oo Gini kusoo iibsatay Reeding oo waqtigaas kala soo wareegtay kooxda horyaalka…
Karim Benzema waxa uu haystaa lix maalmood oo kaliya si uu uga dhaadhiciyo kooxdiisa Al-Ittihad in loo ogolaado inuu dib ugu laabto Yurub qaybta dambe ee xilli-ciyaareedkan socda, kaddib markii markii uu Sucuudiga kusoo qaatay lix bilood oo ku adkaa. Real Madrid ayaa la sheegay inay sugayso go’aanka Karim Benzema iyo inay ogaato booska ay arrintan ka taagan tahay kooxda Al-Ittihad, waxaana mar kale u gacan haadinaya tababarihiisii hore ee Carlo Ancelotti oo doonaya inuu kusoo celiyo garoonka uu laacibkani muddada 14ka sannadood ah ka ciyaarayay. Arsenal, Manchester United, Chelsea iyo Olympiuqe Lyon ayaa dhamaantood lala xidhiidhinayaa Benzema, waxayse caqabadda…
Qisooyinka Afrika way badan yihiin, waxaana xilliyada ay tartamadu ka socdaan laga diiwaangeliyaa arrimo cajiib ah. Maanta waxa ay dunidu ka sheekaynaysaa xul ka mid ah dalalka ka qayb-gelaya Koobka Qaramada Afrika ee ka socda waddanka Ivory Coast oo ka dalbaday dal kale inuu amaahiyo tababarihiisa, si uu u hoggaamiyo inta uu socdo tartanku. Waxaynu maqli jirnay ciyaartoy la kala amaahdo ugu yaraan muddo lix bilood ah, laakiin waligaa ma maqashay tababare la kala amaahdo muddo 20 maalmood ah oo ah inta ka hadhay waqtiga uu tartanku dhamaanayo. Tartanka qaramada Afrika oo Arbacadii lasoo gabogabeeyey wareeggii koowaad ee Group-yada ayaa…
Jurgen Klopp ayaa lagu maamusayaa in taalo looga dhiso garoonka Anfield ka dib markii uu ka dhawaaqay inuu isaga tagayo shaqada tababare ee kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan. Ka dib sagaal sannadood oo koobab u qaaday kooxda, Klopp ayaa ka yaabiyay dunida kubada cagta maanta oo Jimce ah markii uu xaqiijiyay bixitaankiisa lama filaanka ah. 56 jirkaan ayaa sheegay in go’aankiisa uu la xiriiro inay ka dhamaatay tamartii uu Liverpool ugu hogaamiyay Champions League, Premier League, FA Cup, Carabao Cup iyo Club World Cup. “Waan ogahay inaan shaqadaan sameyn karin marba marka ku xigta” ayuu yiri. Ka dib markii uu faafay…
