Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar lagu laayay dad shacab ah oo mar kale ka dhacay gobolka Mudug. Weerarkan oo ay gaysteen maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay ka dhacay agagaarka degmada Saaxo ee gobolkaasi, waxaana lagu beegsaday dad isku qoys ahaa. Ugu yaraan 5 qof ayaa lagu dilay weerarkan, halka lagu dhaawacay 6 kale, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali. Dadka la laayay ayaa isugu jiray rag iyo dumar, kuwaas oo la socday gaari, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyuhu. Waxa xanuunka leh labada arrimood weeye mar waa hal qoys dadka halkaas lagu laayay…
Faahfaahino dheeraad ah iyo macluumaad ayaa waxaa laga helayaa wada-hadal foolka fool ah oo ay muddo kadib yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni. Kulankan oo dhacay intii ay socotay xafladda caleema saarka ee Deni ayaa waxaa diiradda lagu saaray mad-madowga u dhexeeya labada dhinac. Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khilaaf oo kamid ahaa mas’uuliyiinta tegay Garoowe ayaa xog ka bixiyay kulankaasi, wuxuuna sheegay inuu gaar u ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Deni. Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in labada nin ay si hoose uga wada-hadleen khilaafka dhexdooda ah,…
Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare ayaa raalli-galin buuxda ka bixiyay hadal gef ku ahaa madax-bannaanida Soomaaliya oo dhowaan uu jeediyay kadib wareysi uu siiyay warbaahinta dalkiisa. Danjire Mukhtaar Maxamed Waare oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in si khaldan loo dhigay wareysigiisa ayada oo ujeedka uu yahay marin habaabin, balse wuxuu sheegay inuu raalli-galinayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. “Raali iga ahaada walaalahayga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wareysigii aan dhawaan siiyay warbaahinta gudaha wuu gaabiyay (sidii la rabay uma dhameyn), taasi oo keentay in aan ku qanacsanayn. Waxaan si kal iyo laab ah u raali-gelinayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”…
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda Soomaaliyaiyo Itoobiya, gaar ahaan damaca Abiy ee badda, kadib wareysi uu siiyay Universal Tv. Prof. Samatar ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay waligeed ku hamineysay badda Soomaaliyeed, isla markaana qorshahan uu soo socday muddo aad u dheer. Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii ay Itoobiya la wareegto badda hadda loo saxiixay inay dhici dhici doono inay kusii darsato qaybo kale oo horleh, sida uu hadalka u dhigay. “Haddii ay qaybtaan qaadato, waxaa ballana inay qaybaha kale ku darsan doonto, marka damac…
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay tallaabadii u dambeysay ee ay qaaday dowladda Itoobiya, ayaa ku baaqay laba arrin oo muhiim ah. Cabdiraxmaan ayaa waxa uu hoggaanka dowladda ugu baaqay in uu aragtidii iyo dhaqankii hore wax ka beddelaan, islamarkaana ay garaystaan in aan maanta ugu baahi badanahay laba arrin oo kala ah; 1. Midnimo iyo wadajir dhinacna la iska dhigo khilaafka, xafiiltanka iyo rag iska dhicinta. 2- In dadka qaranka u adeegaya lagu xulo karti iyo hawlkarnimo, meeshana laga saaro hebel qancinta, kooxaysiga iyo qof jeclaysiga. “Waxaan ku celinayaa Itoobiya qof iyo qabiil dirac nagama celin karo ee Qaran…
–Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya qeybta Galmudug ayaa maanta lasoo taagay 27 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo lagu riday xukuno adag. Askartaan ayaa ka soo baxsatay furimaha dagaalka, waxaana lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, iyagoo baxsad u ah deegaano u badan koonfurta dalka oo ay ka soo jeedaan. Markii laga reebo hal askari oo qori BKM ah oo uu lunsaday loogu diray xukunka xabsiga, dhammaantood waxay maxkamaddu ku xukuntay shan sano ee xabsi ciidan ah. Askartaan ayaa sheegtay inay u adkeysa waayeen dagaallada, duruufaha yaalla duurka fog iyo furimaha dagaalka, isla markaana ay…
Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowlada Jubaland ahna ku simaha Madaxwaynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kormeer ku tagay dugsiga Tababarka Ciidamada daraawiishta Jubbaland ee xerada (Ma dhammaato). Waxaa uu halkaas kula hadlay Ciidamo cusub oo ka mid ah Ciidamada Darawiishta Jubbaland oo uu tababar u socday mudooyinkii lasoo dhaafay Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa u sheegay Ciidamadan cusub inay qeyb ka yihiin dadaalka xoogga leh ee loogu jiro sidii amaanka dalkeenna u sugi lahaayeen isla markaana shaqadaas baaxada leh ay tahay inay ka soo dhalaalaan. Waxaa uu intaas ku daray in macalimiinta iyo tababarayaasha dugsiga…
Howlgal galinkii dambe ee maanta ay si wadajir ah Gobolka Hiiraan uga fuliyeen ciidanka sirdoonka Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah ayaa khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay sida ay sheegtay NISA. War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey xarunta keydka hubka Al shabaab. ”Hawlgal ay iska kaashadeen Hay’adda NISA iyo Saaxiibada Caalamka ayaa lagu burburiyay Xarunta kaydka Gaadiidka iyo Hubka Khawaarijta ee Buq-aqable, waxaana jira Khasaaro badan oo la gaarsiiyay cadowga” ayaa lagu yiri warka NISA. Qoraalka NISA laguma sheegin inay jiraan dagaalyahano lagu dilay howlgalkaas iyo…
Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen nin labo sano ka hor toorey ku dilay nin kale ka dib muddo badan oo la baadi goobayey. HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA 27/01/2024 abaaro 11:30 am, Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan ciidanka saldhigga boliiska degmada Hodan ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanaha sawirkiisu hoos idinkaga muuqdo, kaasoo ku eedeysan inuu tooreey ku dilay muwaadin Soomaaliyeed 12/07/2022. Baadi goob dheer kadib waxaa ciidanka boliiska u suura gashay in gacanta lagu soo dhigo, waxaana la hor geyn doonaa maxkamadda awoodda u leh hadduu alle idmo. bOLHaddaba muwaadin, haddii aad aragtid…
Shan ruux oo hal qoys ka soo jeeda ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu dilay weerar dabley hubaysan ka fulisay nawaaxiga degmada Saaxo ee galbeedka gobolka Mudug. Dadka la dilay ayaa waxaa ku jira haween iyo carruur sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland oo warbaahinta u xaqiijiyay dhacdadaasi ayaa tacsi u diray guud ahaan qoyskii iyo eheladii ay ka baxeen dadkii ku dhintay weerarka. Warar qaar ayaa sheegaya in weerarkan uu salka ku hayo aanooyinka qabiilka. Kooxda weerarka geysatay oo aan weli lagu guulaysan in gacanta lagu soo dhigo ayaa sida la…
