Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
1)Eedeeysane Fahad Yaasiin (Abu Camaar) waa in laga qaado BAASABOORKA SOOMAALIYA maxaa yeelay Tuuladii kaligeed ay beeshiisha ku la’heeyd dhulka Soomaaliya ee Aabaaleey oo ka tirsan Gobolka Hiiraan Ayuu Fahad siiyay Ethiopia oo 20sano waxaa ka taagnaa Aabaaleey Calanka Ethiopia 2) DULUCDA QORAALKAAN YAR: Marka hore waxaan Mahad aan la’soo koobi karin u dirayaa Raiisulwasaarihii qaranka iyo doorashadii qaranka ee 2022 toosiyay oo waddo Fiican ku hagay doorashada Maxamed Xuseen Rooble oo u diiday Eedeeysane Fahad Yaasiin (Abu Camaar) in uu Barlamanka qaranka Soomaaliyeed ku soo galo musuq iyo si mugdi ah kaddibne uu Edeeysane Fahad (Abu Camaar) uu WASAQEEYO…
Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ee dowladda Hirshabelle ku qabatay barnaamijka Kalsooni-dhisidda Hayádaha Dowladda iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ee Degmada Maxaas. Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray sidii Maamulka Degmadu ugu baahin lahaa bulshada nidaamka dowladnimo si kalsoonida bulshadda guud loo kasbado, dowladdana ugala shaqeyn lahaayeen horumarkooda gaar ahaan adeegyada asaasiga ah iyo amniga. Waxaa kulankaas ka qeyb galay agaasimo waaxeedyo ka socday wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose, Maamulka Degmada Maxaas iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada. DHAMAAD . XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA ARIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE HIRSHEBELLE .
Gudomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow iyo Saraakiisha Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan Gudoomiyaha dagmada jalalaqsi nuur dheere ayaa kormeeray Saldhiga Booliska Degmada jalaqsi oo Bur Bur xoogan ka muuqdo. Daawo:-Xabsiga Degmada Jalalaqsi oo ay ka baxsanayaan Dambiilayaasha ku xeran iyo Codsi loo diray Hirshabelle.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya, Valentin Zellweger. Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Sida lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada. Intii uu socday kulanka oo ka dhacay xarunta Xalane ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Danjire Valentin Zellweger waxa ay si wada jir ah uga wada hadleen arrimo badan oo heer gobol iyo heer caalami ah oo khuseeya labada dal. Warbixin kooban oo ay soo saartay Villa Somalia,…
Joseph Lungu oo xubin ka ah Kooxda Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka ee Gulewamkulu ee dalka Zambia (The Gulewamkulu traditional dance group) ayaa u geeriyooday qaniinyada Mas ka mid ah noocyada masaska ugu Khatarta badan ee Black Mamba. Shilkaasi ayaa waxa uu dhacay abaarihii 6-dii Fiidnimo ee Arbacadii la soo dhaafay (January 24, ee sanadkan 2024), xilli ay Kooxda u diyaar garoobaysay Bandhig Dhaqameedka. Joseph Lungu waxa uu u dhintay Waabaayda ama Mariidka Maskii qaniinay, waxaana Jimcihii shalay ee ay taariikhdu ahayd 26-kii January ee sanadkan 2024 lagu aasay Tuullada Pemba Village ee hoosta tagta Deegaanada Chief CHIKUWE ee Degmadda Chipangali…
Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) ayaa maleeshiyada Al Shabaab ku eedeeyay inay hurinayaan dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday Hirshabelle. Wasiirka ayaa sheegay in Shabaabku ay ka masuul yihiin colaadda u dhaxeysa labada maleeshiyo beeleed ee maalmihii ugu dambeysay ku dagaalamayay xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. “Nimankii Shabaabka ee laga adkaaday ayaa sameynaya inay beelaha isku diraan, si culeyska la soo saaray ay isaga yareeyaan, waxayna ku mashquulsan yihiin in dadkii ay ka dhex adeegtaan, ayna isu jiheeyaan, si dagaalka ayaga ku wajahan uu gaabis u galo.” Ayuu yiri Wasiirka. Wasiirka oo sii hadlayay ayaa yiri “Shabaabku…
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Saciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baari Shire iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shirguddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Puntland. Kulanka maanta ayaa ajandihiisu waxa uu ahaa akhrinta codsi kordhin dhismaha Golaha Xukumadda iyo soo jeedinta warbixinta guddiga loo xil-saaray arrimaha deegaanka Sheerbi ee gobolka Karkaar. “Xildhibaannada Golaha Wakiillada dowlad gobaleedka Puntland ayaa cod aqlabiyad ah Oggol ugu codeeyay codsi Madaxweyne, kaas oo ahaa in muddo 30 cishe la siiyo si uu u soo dhiso Golaha Xukummadda,” illaa February 28, 2024, sida lagu…
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga hadashay damaca dowladda Itoobiya ee Badda Cas, iyada oo sheegtay in xilligaan Biyaha Soomaaliya aan la iska qaadan Karin. Ilhaan Cumar oo ka hadashay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa tiri, “Inta aan anniga Congress-ka jooga Badda Soomaaliya dad kale ma qaadanayaan.” Sidoo kale Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka uusan taageereenin in uu dal kale dhaco Soomaaliya, “Waddanka Mareykanka kuma taageerayo dad kale in ay annaga na dhacaan, marka taas ka seexda.” Ilhaan oo hadalkeeda sii wadata ayaa sii sheegtay in Soomaaliya ay…
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wajahaya cadaadis sii kordhaya, kadib maalintii ugu darneyd ee khasaaraha ciidamada Israa’iil kasoo gaaray dagaalka Gaza, iyo sidoo kale dibadbaxyada isa soo taraya ee ka dhashay inuu ku guuldareystay inuu soo celiyo dadkii la qafaashay. Istaraatiijiyada ciidamada ee dhulka falastiiniyiinta ayaa si weyn isha loogu hayaa kadib markii la dilay 24 askari maalintii isniinta, waana khasaarihii ugu badnaa ee soo gaara Israel hal maalin gudaheed tan iyo markii uu bilowday duullaanka dhulka ee Qaza dabayaaqadii October. Dadka dhintay waxaa ka mid ah 21 askari oo kayd ah, kuwaas oo lagu dilay hal weerar. Weerarkan…
Mar walba istiraatiijiyadda Madaxweynaha Jabuuti waxay ku salaysantahay balaayo waa la iska moosaa, wuxuuna awood walba galiyaa sidii Soomaaliya ay qalalaase joogta ah ula noolaan karto oo dib loogu dhigi karo dhismaha dowlad ka caga dhigata Soomaaliya. Markii uu Abiy Axmed bilaabay inuu ka hadlo sidee Itoobiya ku gaari kartaa badda, waxaa u caddaatay Ismaaciil Cumar Geelle inuu daad culus kusoo wajahanyahay, wuxuuna dajistay qorshe sirdoon iyo mid diblomaasi oo uu isaga leexin karo mawjaddan kusoo jeeda Jabuuti, wuxuuna qaaday tallaabooyin wax tar u leh dalkiisa. Koow: Wuxuu Itoobiya kala hadlay inuu ku qanciyo Soomaaliya ayaan idin la qalqaalinayaa inaad…
