Author: radiohalgan.com

Ergeyga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray qoraal uu kaga jawaabay gef uu sheegay in Fahad Yaasiin uu u geystay Madaxweynaha iyo shacabka reer Jabuuti, isagoo Fahad ku tilmaamay nin warkaan loo soo dhiibay. Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu wax badan ka ogaa heshiiska badda ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen 1-dii bishaan, sidoo kale Fahad ayaa Madaxweyne Ismaaciil ku tilmaamay nin jecel jabka Soomaaliya. Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in reer Jabuuti aysan Soomaaliya ka mudneyn…

Read More

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba qaadacday qodobadii kasoo baxay shirka 32-aad ee dalalka Bariga Afrika ee ciidamada heeganka. Shirkaan oo lagu soo gaba-gabeeyay dalka Kenya, uuna shir guddoominayay wasiirka Gaashaandhigga Kenya ayaa waxaa looga hadlayay qorshaha iyo Istaraatiijiyadda shanta sano ee soo socoto, ayada oo qeybaha hore diirada lagu saaray sidii tababaro joogto ah loo siin lahaa ciidamada heeganka ee qeybta ka ah dalalka bariga Afrika. Waxaa ka qeyb-galay wasiirada gaashaandhigga dalalka Bariga Afrika, ayada oo dhanka Soomaaliya ay uga qeyb-galeen wafdi uu hogaaminayay taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka iyo xubno sar-sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, oo…

Read More

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Raisedon Zenenga oo reer Zimbabwe ah in uu noqdo Ku-xigeenka cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing. Mr. Zenenga ayaa xilkan kala wareegaya Anita Kiki Gbeho oo reer Ghana ah oo dhawaan waqtigii ay ka howl-galeysay dalka uu soo dhammaaday. Anita Kiki Gbeho ayaa bishii December 30-keedii 2020 loo soo magacaabey inay noqoto ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka arrimaha siyaasadda iyo amniga. Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ayaa uga mahad-celiyey Ms. Gbeho shaqadii iyo…

Read More

Gabar 25 jir ah ayaa u dhimata y buskud ay cuntay. Gabadhaan ayaa la sheegay in gashay xaalad xun kadib xasaasiyad ku kacday. Baakadda buskuka ay cuntay ayaan lagu xusun in uu ku jiro laws, kaas oo ay ku qabtay xasaasiyad. Magaceda ayaa ahaa Orla Baxendale waxayna sameyn jirtay qoob ka ciyaar. Buskudka ayaa waxay la oibsatay tukaanka Stew Leonard mid kamid ah laamihiisa ku yaalla Maraykanka. Waxaa ku kacay xasaasiyad aad u daran. Daawaynta la siiyay ayaan lagu guuleysan in ay ku badbaado. Waaxaha maamula bakhaarada, cuntada iyo dawooyinka ee Maraykanka ayaa joojiyay iibinta buskudkii ay ku xanuunsatay gabadhu…

Read More

Maraqan adag, ee laga sameeyay yaanyo iyo caanaha garoorka oo adag, laguna daray subag iyo dhir aan badneyn, ayaa aad loogu iibiyaan maqaayadaha dalal badan, iyadoo Soomaalida dhexdeedana uu caan ka yahay. Balse maraqan ay dad badan oo daafaha dunida ku nool ay aad u jecel yihiin ayaa haatan ah arrin muran dhalisay oo ay maxkamad iskula tiigsadeen maqaayadaha qaar. Dacwad ku aaddan cidda asal ahaan uu fekerka maraqan ka yimid ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee Delhi ee dalka Hindiya. Kiiskan ayaa waxaa ku lug leh labo maqaayad oo tartan uu ka dhaxeeyo iyo qoysas, mid…

Read More

Ammaanka garoomada adduunka ayaa ah kuwo adag mana ahan wax sahlan in la iska maro, gaar ahaan marka uu qof safarayo oo uu aadayo waddan kale. Laakiin nin ayaa ku guulaystay in uu ka baxo gagida dayaaradaha ee Copenhagen ee Denmark isaga oo ku wajahan magaalada Los Angeles ee dalka Mareynkanka, isagoo aan wadan baasaboor, dal ku gal iyo tikid diyaaradeed midna. Ninka oo lagu magacaabo Sergei Uchigawa ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha ee Los Angeles ee dalka Mareykanka bishii November ee sanadkii hore, ma uusan haysan dal ku galka Mareykanka, baasaboor, iyo tikid diyaaradeed. Maalintii Jimcaha isbuucii hore, maxkamad…

Read More

Muddo 45 maalmood ayaa laga joogaa markii la waayay dooni ka baxay dalka Lubnaan, kuna sii jeeday jasiirada Qubrus, iyadoo aan la helin wax rakaab ah. Doontan oo ay la socdeen 85 rakaab ayaa la waayay 11-kii bishii December, dhacdadan oo noqonaysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo ka dhacda shilalka doonyaha socdaalka sharci darrada ah ee ku sii jeeday qaaradda Yurub. Waxaa wararku sheegayaan in rakaabka ay haysteen dhalashooyinka dalalka Suuriyaan, Falastiiniyiin iyo Lubnaaniyiin ah, waxaana tirada haweenka iyo carruurta ku jira ay ahaayeen ilaa 50. Arrinta ku cusub kiiskan ayaa ah in maamulka Turkiga ay maalmo ka…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay kaga qeyb-geli doonaan Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub. Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, “Shirkan waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ka jeedin doonaa khudbad uu diiradda ku saarayo iskaashiga dhaqaale, fududeynta isu-socodka iyo arrimaha amniga, sidoo kale, waxa uu ku soo bandhigi doona muhiimadda xasilloonida gobolka, ixtiraamka mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, isagoo si gaar ah u dul istaagi doona xad-gudubka ka dhanka madax-bannaanida…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay mashaariic la xiriirta dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo Gargaarka oo ay ka hirgelineyso Soomaaliya, Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, kuwaas oo ay ku baxayso lacag dhan 40 milyan oo dollar. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in mashaariicdani ay wax weyn ka tari doonaan baahiyaha adeegyada bulshada ee ka jira dalkeenna, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha oo kamid ah adeegyada aasaasiga ah ee ay baahida weyn u qabaan shacabkeena. La-taliyaha Boqorka Sacuudiga, ahna Kormeeraha Guud ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha…

Read More

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Bixi Imaan Cige ayaa kulan la yeeshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson. Shirka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa looga hadlay taageerada farsamo iyo maaliyadeed ee Bangiga Adduunka uu siiyo Soomaaliya. Waxa sidoo kale shirkaa diirada lagu saaray arrimaha dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo xoojinta hannaanka Maamulka Maaliyadda Guud. Shirka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee uu Bangiga ka waddo Soomaaliya iyo sidii ay si dhaw ugu wadashaqeyn la hayeen Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Hey’addaha ku shaqada leh dhaqangelinta Mashaariicda. “Waxa aan ku faraxsanahay…

Read More