Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa soo qaadatay hadal uu jeediyay Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane (Kulane Jiis), kaasi oo u muuqda mid ay uga dhuumaneyso jabka lagu gaarsiiyay gulufka socda. Kulane ayaa wareysigaas oo uu siiyay Daljir wuxuu ku sheegay in ciidamada dowladda uu ku socda bur-bur horleh, halka Al-Shabaab uu sheegay inay sii xoogeysaneyso, isaga oo soo qaatay weeraro ay kooxda hub uga furatay ciidanka dowladda. “Ciidanka dowladda bur-bur ayaa ku socda, Gorgor iyo Danab oo ahaa ciidamo aad u tababaran waa la bur-buriyay. Al-Shabaab-kii waxaad mooda inay sii xoogeysanayaan oo waxay la wareegeen hubkii loogu tala-galay in lagu qalabeeyo ciidanka,”…
Hay’adda Nabad-sugida iyo Amniga Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay goordhoweyd in ay bur-burisay 20 koox oo shacabka ka cabsi gelin jiray baraha kala duwan ee Internet-ka. Bayaan kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in xayiraad la saaray dhamaan lambaradii xubnahaasi isticmaalayeen, kuwaasi oo gaaraya illaa 2,500, lagana mamnuucay gebi ahaanba adeegyada ku hadalka OTT, sida WhatsApp iyo wixii lamid ah. “Xafiiska amniga Internet-ka ee hay’adda NISA ayaa soo afjaray ku dhawaad 20 koox oo isticmaalayey Group-yo ay lahaayeen Khawaarijta kuwaasi oo ay u isticmaali jireen cabsi galinta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Sidoo kale waxay shaacisay…
Waxaan aqriyey Qormo dheer oo uu qoray Fahad Yaasiin, cinwaanna uu uga dhigay CIIL WALAAL taas oo xambaarsaneyd waxyaabo badan oo isugu jiray macluumaad, eedo culculus iyo wax aan u arkay meel ka dhacyo uu qoraaga qormadaasi uu si toos ah ugu geysanayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Ugu horreyn waxaan qirayaa Fahad Yaasiin inuu yahay Saxafi hore oo aan is leeyahay dhammaan shuruucda saxaafadda iyo isdhaliilidda waa ku khabiir, welina waa uu xusuustaa. In kastoo uu soo maray siyaasad majare adag oo awood badan uu lahaa muddo xileedkii Farmaajo, markaas oo lagu eedeynayey inuu sharciga…
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Axadii lagu guddoonsiiyay magaalada Rome billad sharafeedka hay’adda cunnada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee loo yaqaanno Agricola. Abiy Axmed ayaa lagu abaal-mariyey aragtida dawladdiisa, hoggaaminta, sida ay uga go’an tahay haqab-beelka cuntada iyo nafaqeynta iyo sidoo kale raadinta xalal cusub oo isku filnaansho, gaar ahaan in isku filnaansho laga gaaro qamadiga, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa Axaddii. Hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladda Roma ka dib markii abaalmarinta la guddoonsiiyay ayuu Abiy Axmed wuxuu ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay billada ay siisay hay’adda Cuntada iyo Beeraha.…
Taliyaha hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa magaalada Mombasa ee dalka Kenya uga qayb galaya shirka hey’adaha Sirdoonka ee Bariga Afrika. Shirkaan ayaa looga hadlayaa iskaashiga dhinaca ammaanka iyo isdhaafsiga macluumaadka muhiimka u ah xasiloonida dalalka Geeska Afrika. Madaxda sirdoonka dalalka gobolka ayaa qorsheynaya in la gaaro Bariga Afrika oo nabad ah, kana caagan wax kasta oo wax u dhimi kara xasiloonida umadaha ku nool. Madaxda ka qaybgalaysa shirkaan ayaa ka kala socda dalalka Somalia, Kenya, Tanzania, Uganda, Ethiopia, Burundi, Rwanda, Eritrea, Mozambique, Comoros, the Democratic Republic of Congo, Djibouti, Malawi, South Sudan, iyo Seychelles. Hay’adda…
Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in duqeyn culus oo iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka lala beegsaday kooxda Al-Shabaab. Duqeyntan oo ka dhacday deegaanka Jeex-jeexa ayaa lagu dilay horjooge ajnabi ah oo kamid ahaa madaxda ajaanibta ah ee kooxda Al-Shabaab. Howl-galkaan ayaa u dhacay sidii loogu talo galay, ayada oo taliska ciidanka xoogga dalka uu sheegay in lagu guuleystay, islamarkaana lagu dilay horjaagaha ajnabiga ah oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Lubnaan. “Howl-galkan guulaystay ayaa waxaa lagu dilay horjooge ajaanib ah oo la sheegay inuu ka soo jeedo dalka Lubnan kaasi oo Khawaarijta arxanka daran u…
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa ka hadlay guusha xulkiisa Galmudug uu kasoo hooyay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socday magaalada Muqdisho. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa codsaday in sanadka dambe ee 2025 uu maamulkiisa marti-geliyo tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka. “Hambalyo Habmalyo dhallinyaro. Waxaan idin daawaday dhammaan daqiiqadihii ciyaarta, waxaad u ciyaarteen si cajiib ah, waxaad muujiseen akhlaaq wanaag iyo xirfad sarreysa,” ayuu Qoor-Qoor ku yiri qoraal kooban oo uu madaxweynaha soo dhigay bartiisa Facebook. Sidoo kale waxa uu qoraalka ku yiri “Koobkiina waad keenteen. Waa inoo dabbaal degga idinka Ilaahey.” Xulka Galmudug ayaa…
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyeeyay xulka Galmudug iyo taageerayaashooda guushii ay maanta kasoo hooyeen ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho. Galmudug ayaa markii ugu horreysay maanta ku guuleysatay koobka ciyaaraha maamullada dalka, ayada oo dhiggeeda HirShabeelle uga adkaatay Gool laag, kadib markii ay ismari-waayeen. Madaxweynaha oo qoraal kasoo saaray guushaan ayaa wuxuu guusha Galmudug ku tilmaamay mid saldhig u ah ciyaar wanaag, tababar fiican, anshax wanaagsan iyo isku xirnaan. “Xulka Kubadda Cagta Galmudug, Macalimiin, maamul ciyaartooy iyo taageerayaalba, waxaan ugu hambalyeynayaa guusha hanashada Koobka Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir,” ayuu…
MW Cosobleayaa Yiri Madaxweyne Deniyow waxaan aaminsanahay qodob ka mid ah dastuurka Puntland inuu farayo madaxda Puntland iney la dagaasho dowladda federaalka, laakin waxa aad sameysay waa xeer dhaaf. Goor la wada hadlo oo la xisaabtamo wey imaan, laakin wexey aheyd inaadan ka tagin akhayaarnimada. Xasan Shekh waa madaxweynihii dalka, wuxuu huwan yahay karaamadii shacabka Soomaaliyeed, dunida meeshuu tagana waa loo istaagaa waxaana loo tumaa musikada astaanta u ah qaranka Soomaaliya. Adigoo gurigaaga laguugu yimid si looga qeyb qaato xafladda caleema saarkaaga markaad sida bilaa ixtiraamka ah ula dhaqanto madaxweynihii dalka umaadan gafin Xasan Shekh ee waxaad u gaftay guud…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyay xukuumaddiisa, taasi oo saameysay laba wasaaradood oo keliya. Wasiiradda wasaaradda beeraha iyo waraabka iyo wasaaradda howlaha iyo guryeynta ayuu ra’iisul wasaaraha xilka ka qaaday, halka uu u magacaabay wasiiro cusub. Taasi oo ay ka dhalatay fal-celin niyad-jab iyo lama filaan u muuqata oo bulshada Soomaaliyeed uga dareen celiyeen tallaabada uu maanta qaaday ra’iisul wasaare Xamza. Caasimada Online oo indhaha la raacday fal-celinta ay bulshada Soomaaliyeed ka bixiyeen markii wareegtadan lasoo dhigay bogga Facebook ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayaa qaarkood ku noqotay lama filaan maadaama ay dadka baddi…
