Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Fiiro gaar ah: Sheekadan waxay xambaarsan tahay tiiraanyo iyo naxdin. Waa dhacdo aad u xanuun badan, ayna yar yihiin dadka la kulma qaddartan oo kale. Allaha u naxariistee Aasiya Cabdi ayaa geerideeda si weyn loogu baahiyay baraha ay bulshadu ku kulanto ka dib geeri xanuun badan oo ku timid iyada iyo xubno ka tirsan qoyskeeda. Aasiya waxa ay ku nooleyd magaalada Doolow ee gobolka Gedo, ka dib muddo badan oo ay xiriir wadaag ahaayeen wiil lagu magacaabo Maxamed Xasan Khaliif waxa ay ugu dambeyn ku heshiiyeen guur. Asiya oo maalmo fasax ah ku tagtay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxa…
Garsoore Soomaaliyeed ayaa caawa markii ugu horraysay dhexdhexaadin doona ciyaar ka tirsan Koobka Qaramada Qaaradda Afrika 2023-ka. Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa caawa dhex dhexaadin doona ciyaarta adag ee u dhaxeysa Tunisia iyo Namibia, taasi oo ka dhaci doonta dalka Ivory Coast. Cayaartan ayaa abbaaro 18:00 xilliga dalkaas ka dhacaysa Garoonka Amadou Gon Coulibaly ee magaalafa Korhogo ee dalka Ivory Coast. Cumar ayaa khibrad ballaaran u leh garsoorenimada, iyadoo cyaaartanna aad loo wada sugayo. Iyadoo kooxaha Tunisia iyo Namibia ay isu siyaarinayaan kulanka, indhaha caalamka ayaa waxay ku wajahan yihiin Cumar oo laga doonayo inuu si caddaalad ah garsoore uga…
Beryahan waxaa aad u soo badanaya rag Soomaaliyeed oo dhallinyaro u badan, kuwaasoo oo baraha bulshada isku weydaarsanaya sheekooyin la xiriira inay u socdaan dalka waqooyiga Afrika ku yaalla ee Morooko si ay calafkooda uga raadsadaan. Qaar ka mid ah ragaas oo da’doodu kala duwan tahay ayey BBC la xiriirtay muddo bil iyo xoogaa laga joogo si ay u ogaato waxa ka jira arrintaas. Cabdiraxaman Nuur Qanyare oo ah 72 jir, howlgab ah oo ka yimid Ingiriiska, ayaa sheegay inuu dagay waddankaas sanadkii 2014 kii. Hadda waa ganacsade ku leh goob ay ku soo dagaan dalxiisayaasha. “waxaan Marrocco u doortay…
Dukumiintiyo ay hayso Britain ayaa muujinaya in Britain ay ku baaqday in la sameeyo khad cas oo loogu talagalay xaqa ay Israa’iil u leedahay in ay is difaacdo, iyo in la xakameeyo si looga hortago in ay sii kororto aargoosiga hawlgallada Falastiiniyiinta. Dukumentiyadan oo uu dhawaan daaha ka qaaday Ra’iisal Wasaaraha Britain, ayaa sidoo kale muujinaya wada hadallo caro leh oo dhex maray mas’uuliyiin reer Yurub ah iyo hoggaamiyihii Falastiin Yaasir Carafaat, kaas oo uu ku muujiyay dareenkiisa “Niyad jabka ah” ee Israa’iil iyo inuu aaminsan yahay in aysan ku jirin cabsi ah in ay dilaan. Dukumeentiyadu waxay ka sheekeynayaan…
Rio Ferdinand ayaa ku booriyay Arsenal inay wax walba u sameeyaan sidii ay u dhamaystiri lahaayeen saxiixa xiddiga Alexander Isak inta lagu jiro suuqa January. Newcastle ayaa ku qasbanaan karta in ay iibiso xiddigaha kooxdiida kadib markii ay xaqiijisay in ay khasaartay 150 milyan oo euro warbixintii dhaqaalaha ee ugu dambaysay. Isak ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkan isaga oo xiddiga reer Sweden u diiwaan gashan 10 gool oo Premier League ah 16 kulan oo uu saftay. Alexander Isak waxa uu ka daba baxayay daafacyada Man City waliba si joogto ah, hadii aan Arsenal ahaan lahaa wax walba waxan u samayn…
Chelsea ayaa dalab qaali ah oo dhan 73 milyan ka gudbisay weeraryahanka Sporting Lisbon Viktor Gyokeres laakiin waxa ay u baahan doonaan inay si weyn u kordhiyaan dalabkooda si ay u helaan xiddiga reer Sweden, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Portugal. Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa isha ku haysa inay xoojiso weerarkooda suuqa January ka dib markii ay soo bandhigeen qaab ciyaareed liita dhinaca weerarka xilli ciyaareedkan. Gyokeres ayaa ahaa xiddig diirada u saarnaa kooxda chelsea kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo qaatay Sporting. Xiddiga 25 jirka ah oo Sporting kaga soo biiray Coventry City…
Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Christopher Nkunku ayaa la filayaa in uu ku soo laabto tababarka kooxdiisa todobaadkan. Xiddiga xagaagii ku soo biiray Stamford Bridge ayaa si weyn ugu dhibaatoonaya kooxda isaga oo dhaawac ku seegay 4-tii bilood ee ugu horaysay ee xilli ciyaareedka. Xiddiga Christopher Nkunku ayaa ku soo laabtay shaxdiisa kulaamdii dhamaadka sanadka cusub waxana uu wax fiican ku soo kordhiyay kooxda. Intii u dhexaysay 19 December ilaa 30 December xiddiga reer Fracne ayaa kooxda u ciyaaray 4 kulan. Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaan wali wax kulan ah uma ciyaarin kooxda chelsea sanadka cusub ee…
Manchester United ayaan wax qorshe ah u haynin saxiixa Karim Benzema, sida laga soo xigtay talkSPORT. United ayaa lala xiriirinayaa weeraryahanka reer France xilli Erik ten Hag uu doonayo inuu xoojiyo weerarkiisa. Marcus Rashford iyo Rasmus Hojlund ayaa ku dhibaatoonaya goolka hortiisa xilli ciyaareedkan xilli uu Martial ku dhibaatoonayo dhaawacyo. Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa intaa ku dartay in United aysan aaminsaneyn in Benzema uu yahay dookh macquul ah iyadoo la tixgelinayo da’diisa iyo mushaarkiisa 86 milyan ginni xilli ciyaareedkii. Benzema ayaa ku biiray Al-Ittihad suuqii xagaaga isaga oo si xor ah ugaga biiray kooxda Real Madrid waxan uu…
Garsooraha somaliyeed ee Omar Abdulkadir Artan ayaa hogaamin doona kulanka caawa ee dhexmari doona xulalka Tunisia iyo Namibia kulan ka tirsan koobka Africa. Xulka Tunisia ayaa la ciyaari doona xulka Namibia kulan ka tirsan wareega Group-yada koobka Africa ee ka socda dalka Ivory Coast. Omar Abdulkadir Artan Ayaa sameeyay taariikh waxana uu noqday Goorsoorihii ugu horeeyay ee Somali ah ee hogaamiya kulanka koobka Africa ah. Tartanka koobka Africa ayaa si habsami leh uga socda Ivory Coast iyada oo ilaa haatan la ciyaaray kulamo xiiso leh.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Shacbaan Ibraahim oo maanta shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiis 6-aad. Kulanka maanta ayaa ajandihiis waxa uu ahaa; Akhrinta Seddexaad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka iyo Akhrinta labaad hindise-sharciyeedka Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowalda. Ugu horrayn, waxaa la guda galay ansixinta sharciga Qaxootiga iyo Magangalyo doonka kaddib markii Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Gudaha Senator Deeqa Xasan Xuseen iyo xubnaha kale ee Guddigu ka soo shaqeeyeen sharciga, waxayna Sanatarrada la wadaagtay xogta akhrinta saddexaad iyo sida ay isu waafajiyeen aragtida Sanatarrada, waxaana codka kalsoonida siiyay 28…