Author: radiohalgan.com

Maamulaha shirkadda Ethiopian Airlines ayaa BBC-da u sheegay in mid ka mid ah diyaaraddooda oo u duushay caasimadda Somaliland ee Hargeysa dib loo celiyay ka hor intii aanay ka bixin hawada Itoobiya. Sida uu sheegay madaxa shirkadda Ethiopian Airlines Mesfin Tasew Bekele diyaarada oo ka duushay Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Hargeysa ayaa lagu qasbay inay dib ugu laabato Addis Ababa si ay u caga dhigato, maadaama aanay fasax ka heysan Soomaaliya. Madaxa Ethiopian Airline Mesfin Tasew Bekele ayaa yidhi:- “Diyaaraddii Hargeysa u socotay way soo noqotay. Sababtoo ah markii ay duushay, waxay su’aali ka timi in aanay ogolaansho…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta khudbad ka jeedin doona shir deg deg ah oo ay isugu imanayaan Ururka Jaamacadda Carabta. Shirka oo ay codsatay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayaa xadgudubka gurracan ee dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah madaxbannaanida, gobonnimada iyo midnimada Soomaaliya. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Somalia Kulan ku qabsoomaya Muuqaalka Fogaan-aragga ayuu maanta Ururka Jaamacadda Carabta ka yeelanayaa xadgudubka ay Itoobiya ku samaysay Madaxbannaanida, Wadajirka & damaceeda gurracan ay ku doonayso in ay ku qaadato qayb kamid ah biyaha Soomaaliya. Ku xigeenka Xoghayaha…

Read More

Qaar ka mid ah Madaxdii hore oo uu ku jira Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaarayaal hore ayaa taageero u muujiyey dowladda Soomaaliya, ka dib xadgudubkii dowladda Itoobiya ay ku sameysay Soomaaliya, iyada oo damac kaga jira Badda Cas. Warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxdii hore ee dalka ayaa lagu yiri, “taageerada aan kala go’a lahayn iyo garab istaagga dadaalka ay dowladda federaalka Soomaaliya ugu jirto ilaalinta madaxbanaanida, madaxbanaanida, iyo wadajirka dhuleed ee qaranka.” Mawqifkan wadajirka ah ayaa soo ifbaxaya iyada oo ay sii kordhayso xiisadda kala dhaxaysa Itoobiya, taas oo muujinaysa go’aan adag oo ku aaddan danaha qaranka, waxaana…

Read More

Waxaa sii dhammaanaya muddo sharciyeedka sanadka ah ee Ciidamada Ilaalida Xeebaha Turkiga eek u sugan Gacanka Cadmeed, Biyaha Soomaaliya & Badda Cas oo ku siman 10ka Bisha soo socota Febaraayo ee sanadka 2024. Baarlamaanka Turkiga ayay Ciidamadaan ka sugayaan muddo kordhin sanad ah sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Ankara oo la hadlay Warbaahinta ka howlgasha Dalkaas oo arrintaan ka xog-warrantay. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Baarlamaanka u gudbiyay mooshinka waqti kordhinta waxaana lagu wadaa in Fadhi gaar ah uu ka yeesho si loogu codeeyo soo jeedinta Madaxweynaha ee waqtiga dheeraad ah la siinayo ciidamada Badda. Haddii Baarlamaanka Turkiga…

Read More

Pakistan ayaa si caro leh ugu eedaysay Iran inay fulisay weerar ka dhacay gobolka Baluchistan oo ee dalkaasi Pakistan. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Islamabad ayaa ka digtay suurtagalnimada cawaaqib xumo ka dhalan karta wax ay ugu yeertay xadgudub aan gabi ahaanba la aqbali karin oo lagu sameeyay hawadeeda. Pakistan ayaa sheegtay in labo caruur ah ay ku dhinteen halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo ay geysatay dalkan ay deriska yihiin. Iran ayaa dhankeeda sheegtay in ay bartilmaameedsatay laba saldhig oo lala xiriirinayo kooxda xagjirka ah ee Jaish al-Cadl, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee xiriirka la…

Read More

Kulan ku qabsoomaya Muuqaalka Fogaan-aragga ayuu maanta Ururka Jaamacadda Carabta ka yeelanayaa xadgudubka ay Itoobiya ku samaysay Madaxbannaanida, Wadajirka & damaceeda gurracan ay ku doonayso in ay ku qaadato qayb kamid ah biyaha Soomaaliya. Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Hossam Zaki ayaa sheegay in shirkaan oo dhacaya maanta oo Arbaco ah 17ka Janaayo 2024 looga arrinsanayo khilaafka & xiisadda salkeedu yahay xadgudubka Itoobiya ay ku samaysay Soomaaliya. Ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhowr dhinac ka fiirinaya tallaabooyinka iska soo horjeeda ee Muqdisho iyo Addis Ababa ay wadaan, go’aanka adag Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadatay damaca gurracan ee Itoobiya…

Read More

Wararka ka imaanaya Waqooyiga Magaalada Gaza ayaa kusoo warramaya in uu halkaas ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Yuhuudda iyo dhalinyarada wax iska caabbin ee diidan dhibaatooyinka ay ku hayaan Dadka Magaaladaas ku nool. Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in ciidanka Yuhuudda muddo ka badan 72 saac ay wajahayaan dagaal xooggan oo aan kala joogsi lahayn waxaana dagaalladaas ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti Qaar kamid ah Dadka kooban ee Magaalada Gaza ku haray ayaa Warbaahinta u sheegay in xabbaddu iyo duqayntu aanay kala joogsi lahayn iyaga oo arkay maydadka & dhaawacyada Dad rayid ah oo ku…

Read More

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo nolol iyo geeri lagu waayay xilli uu ku sugnaa dalka Kenya ayaa waxaa haatan arrintiisa ay yeelatay weji cusub, waxaana soo farogeliyay xildhibaano ka tirsan dowladda Somalia. Senator Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo kamid ah xildhibaanadaas oo kasoo jeeda Jubbada, gaar ahaan gobolka Gedo ayaa si adag uga hadlay xaaladda wasiir Janan. Fartaag ayaa farriin u diray dowladda Kenya, isaga oo ka codsaday inay si deg-deg ah usoo dayso Janan oo haatan xaaladdiisa walaac xoogan laga muujinayo, maadaama la waayay. “Waxaan ugu baaqeynaa dowladda Kenya oo uu ugu horreeyo wasiirka gaashaandhigga Aadan Barre…

Read More

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo dhan ah Itoobiya ayada oo goordhow hawada Soomaaliya ka celisay Diyaaradda Ethiopia Airlines, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah . Wararka ayaa sheegaya in amarka uu kasoo baxay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, taas oo dib u celisay diyaaraddan oo wafdi Itoobiyaan ah u waday magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland. Diyaaradda ayaa ugu dambeyn ku laabatay magaalada Addis Ababa oo markii hore ay ka soo kacday, sida uu xaqiijiyay maareeyaha hay’adda duulista Axmed Macallin oo la hadlay Shabelle Tv. Axmed Macallin ayaa sheegay in…

Read More