Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Ilo wareedyo ayaa BBC u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu todobaadka soo socda hor imaan doono baarlamaanka dalkaas, isla markaana uu jawaabo iyo sharaxaad ka bixin doono su’aalaha ay waydiiyaan xubnaha baarlamaanku. Ilaha BBC-da la hadlay ayaa sheegay in sida uu qabo hab-raaca golaha shacabku, dadweynaha laga codsaday in ay su’aallohooda u gudbiyaan Ra’iisul Wasaaraha sabtidii todobaadkii hore. Ilo xog ogaal ah oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa intaasi ku daray in galinkii dambe ee isniinta ay ku ekeyd in su’aalaha la soo gudbiyo. Xubin ka tirsan golaha ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in…
Maxkamadda G/Banaadir ayaa xirtay gal-dacwadeed ka furnaa maxkamadda oo ka dhan ahaa Eedeysanayaasha kala ah Abshir Maxamed Cali iyo Maxamed Idiris Axmed. Labada xubnood waxaa lagu soo eedeeyey Musuq maasuq waxaase hadda maxkamaddu caddeysay in aysan dambi lahayn. HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAXKAMADA
Waxaa dil toogasho ah lagu fuliyay lamaane aroos ahaa oo lagu eedeeyey iney si xun u dileen labo caruur ah iyagoo ka tuuray daaqadda guri dabaq ah. Zhang Bo aabaha dhalay laba carruurta ah iyo Ye Chengchen ayaa horay loogu helay dambiga ah inay dileen gabar laba jir ah iyo wiil hal sano jir ah sanadkii 2020-kii. Ninkan ayaa xiriir jecel la bilaabay Ye, ka dibna waxa uu furay xaaskiisii hore, isagoo dilay labada caruur ah oo ay dhashay xaaska uu ay soo kala tageen Maxkamadda Sare ee Shiinaha oo xukunka dilka ah fulisay ayaa ku tilmaantay lammaanaha kuwa naxariis…
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa shir ku qabsoomay qadka Taleefoonka la qaatay wasiiradda Maaliyadda dowlad goboleedyada dalka ka jira. Shirkan ayaana looga wada-hadlay arrimo badan oo ku saabsan horumarinta maaliyadda dalka, maadaama dowladda Federaalka Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa, kuwaa oo cuuryaamiyay dhaqaalaha Soomaaliya. Halkan ka AKhriso War-saxaafadeed laga soo saaray shirkan.
Guutada Qassam oo ah garabka hubeysan ee kooxda Xamaas ayaa sheegatay weeraro dhowr ah oo lagu qaaday ciidamada Israel ee ku sugan magaalada Gaza War ay soo saareen Qassam ayay ku sheegeen inay ka qeyb qaateen dagaallo culus oo ka dhacay magaalada oo dhan. Dagaalyahannada Qassam ayaa sheegay in ay la beegsadeen dhowr baabuur oo ay wateen ciidanka Israa’iil oo uu ku jiro mid ka mid ah kuwa cagafta, gantaallada Yasin-105, iyadoo weerarkan uu ka dhacay duleedka xaafadda Sheekh Radwan ee magaalada Gaza. Kooxda ayaa sheegtay in ay ku garaacday galbeedka magaalada Gaza madaafiic “culus” oo hoobiyeyaal ah goob ay…
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday wareeggii koowaad ee cunaqabateyn sida uu dhigayo amar fulineed cusub oo lagu beegsanayo kuwa rabshadaha ka wada Daanta Galbeed. Cunaqabataynta cusub oo xannibaysa hantidooda maaliyadeed kana mamnuucaysa inay yimaadaan Maraykanka ayaa bartilmaameedsaday afar qof oo Israel u dhashay. War qoraal ah oo uu soo saaray Khamiistii, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken waxa uu ku sheegay in “Israa’iil ay tahay inay wax badan ka qabato sidii ay u joojin lahayd rabshadaha ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ku sugan Daanta Galbeed ayna la xisaabtanto kuwa mas’uulka ka ah. Talaabadan ayaa…
Xafiisyada Gaza ee hay’adda horumarinta Belgium ee Enabel, ayaa lagu burburiyay wax ay mas’uuliyiinta Belgium ku tilmaameen duqeyn ay geysteen ciidamada Israel Wasiirka arrimaha dibadda Belgium Hadja Lahbib ayaa la wadaagay warbaahinta sawirada dhismaha xafiiska oo dhulka lala simay. “In la beegsado dhismayaasha rayidka waa wax aan la aqbali karin,” ayey tiri Lahbib, iyadoo intaa ku dartay in iyada iyo wasiirka horumarinta Belgium Caroline Gennez ay u yeeri doonaan safiirka Israel si ay u caddeeyaan wax walba. Hadafka koowaad ee wakaaladu waa “in la hirgeliyo mudnaanta siyaasadda iskaashiga dawladda Belgian iyo in kor loo qaado horumar caalami ah oo waara,”…
Maraykanka ayaa si taxader leh uga fekeraya, inuu qunsuliyad ka furto dalka Afghanistan, isaga oo aan wax aqoonsi ah u fidinin xukuumadda Taliban ee dalkaas maamusha, sida ku cad warbixin istaraatejiyadeed oo ay baahisay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanku. Tallaabadan uu qaadayo Maraykanku ayaa u muuqata, isbedel weyn oo ku yimi siyaasaddii Maraykanka ee ku wajahnayd ururka Taliban, iyada oo haatan uu Maraykanku ka fikirayo inuu maamulkaas kula macaamilo, siyaasad xadidan, oo looga danleeyahay lagu gaadho arrimo dhinaca amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha la xidhiidha. Warbixintan oo loogu magacdaray, istareetejiyadda isku dhafan ee dalka Afghanistan, oo la meelmariyey bishii October ee…
Dhalinyaro Muslimiin ah oo kasoo jeeda UK ayaa baaskiil ku goynaya fogaan dhan 550 km, waxa ayna dhallinyaradan doonayaan in indhaha caalamka kusoo jeediyaan xaalada Gaza ,sidoo kale u sameeyaan yabooh dhaqaale. Labadan dhalinyarada oo da’da 40 jirka jooga waxay qorsheynayaan inay si fudud hiigsigooda ku gaaraan kahor bisha Ramadaan. Hadafka iyo ujeedka ay ka leeyihiin socdaalkan ayay ku sheegeen inay rabaan yabooh inay ugu sameeyaan Muslimiinta Gaza ee xilligan la joogo wajahaya xaalado adag oo dhinaca bani-aadannimada ah. Dagaalkii ay Yuhuuddu ku qaaday Gaza wuxuu naafeeyey nolosha Muslimiinta reer Falastiin, waxaana – ka sokow dhimashada iyo dhaawaca – uu…
Waddamada caalamka qaarkood ayaa sirdoon ahaan u adeegsada xayawaano nuucyo kala duwan si ay xoggo u helaan, waxaana xayawannadaasi qaarkood soo helaan xoggo sirdoon oo looga diro dalal ama meelo kale oo la qorsheeyay. Dowladad Hindiya ayaa muddo ku dhaw sannad waxa ay meel gaar ah ku xabistay Qooley nooca loo yaqaanno Xamaam , waxa ayna Qoyleydaan Hindiya uga shakisay in ay sirdoon u tahay dalka ay dariska yihiin ee Shiinaha. Baaritaano dheer kaddib ayaa dowladda Hindiya oo shimbirtan ku heysay isbitaalka xayawaanada ee dalkaas u oggolaatay in ay duusho, waxaana la waayay tuhunkii horey looga qabay shimbirta. Qooleydan laga…