Author: radiohalgan.com

Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu ayaa qaatay go’aan qaraar oo muddo u qarsanaa Xukuumaddiisa oo ah in ay si cad u diidan yihiin Dowlad Falastiin leedahay oo ka Talisa Dhulka ay xoogga uga haystaan Shacabkaas. Netanyahu ayaa Maraykanka ku wargeliyay in uusan aqbali doonin hadallo in muddo ah ay wadeen waddamo Carbeed iyo kuwo reer Galbeed ah oo Luuqad jilcan kula hadlay Yuhuudda oo ah in ay doonayaan Dowlad dhinac taalla Israaiil oo Falastiin leedahay. Benjamin Netanyahu oo aad uga carooday dhiig-baxa xooggan ee kusoo gaaray dagaalka uu libinta ka waayay ee dhulka Falastiin uu ku qaaday 7dii Oktoobar 2023…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay halista uu heshiiska is-fagaradka Itoobiya iyo maamulka Somaliland ku keeni karo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya. Hadalka ayaa waxaa shirkii IGAD ee shalay ka dhacay Kampala ka sheegay ergeyga gaarka ah ee Mareykaka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer, halkaasi oo Mareykanka uu si buuxda garab is-taag ugu muujiyey dowladda federaalka ee Soomaaliya. “Maraykanka waxa uu aqoonsan yahay madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland. Waxaan aaminsannahay in maqaamka Somaliland ay tahay arrin u taalla Soomaalida oo ay ku jiraan reer Somaliland,” ayuu…

Read More

Howl-galkaan ayaa ka dhacay deegaanka Fiidow oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Shexe. Wararka ayaa sheegaya in howl-galkan ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka, ayna iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka Si rasmi ah weli looma shaacin horjoogayaashada la beegsaday iyo waxa kasoo gaaray howl-galkan dhanka cirka ah, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya in kooxda lagu gaarsiiyay khasaare xooggan. Waa tallaabo kale oo dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Saaxiibada Caalamiga ay qaadeen oo qeyb ka ah dhabar-jabinta Al-Shabaab ee khatarta ku ah nabadda iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka intaba. Dowladda federaalka…

Read More

Dowladda Itoobiya ayaa mar kale qaaday tallaabo kale oo ka dhan ah Soomaaliya kadib markii ay kusoo fasaxday biyo fara badan oo wata daadad xoogan, sida uu shaaciyay guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA. Maxamuud Macallin Cabduulle oo maanta Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in tani ay uga sii dareyso cadaawadda ay Itoobiya u qabto Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay inay kusoo deysay biyo xoogleh, maadaama ay wabiyadu ka yimaadaan dalkeeda. “Waxaan rabaa Ummadda Soomaaliyeed inaan la wadaago dowladda Itoobiya oo aad aragteen cadowtinimada iyo culeyska ay hadda nagu hayso waxay maalmahan dhoweyd billowday inay soo fasaxdo haaman waa…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku gacan seertay dalab culus oo uga yimid guddiga nabadda iyo ammaanka AU, kaas oo ku aadanaa dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan isku haya heshiiska badda. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in aaney jirin wax dhex dhexaadin ilaa inta ay Itoobiya dib uga laabaneyso is afgaradkii sharci daradaa ahaa ee ay la gashay Somaliland. Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliyeed aysan wax gorgortan ah ka geli doonin baddeeda, ayna lama taabtaan tahay madax bannaanida Soomaaliya. Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda waxaa qoraalkeeda lagu soo dhoweeyay guddiga aabadda…

Read More

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta shil diyaaradeed oo khasaare gaystay uu ka dhacay degmada Ceel-barde ee gobolkaasi, kadib markii ay ku dhacday diyaarad sidday deeq gargaar ah oo ka baxday Muqdisho. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in diyaaraddu ay ka baxday dhabaha garoonka, taas oo keentay inay shilka gasho. Diyaaradda ayaa sidoo kale ka baxday gebi ahaan garoonka, waxayan dhex gashay guryo ka agdhowaa oo ku yaalla halkaasi, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka. Wararka ayaa intaasi ku daraya in duuliyaha diyaaradda uu geeriyooday, sidoo kalena dhaawac uu soo gaaray caawiyihii diyaaradda oo…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale maanta hawada dalka ka celisay diyaarad ka diiwaangashan dalka Thailand, isla markaana ku socotay dhinaca magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland. Diyaaradda oo aheyd Cargo registration P4-JAG P4-JAG ayaa xilliga la celinayay kasoo duushay magaalada Sharjah ee dalka Imaaraadka, ayada oo ku socotay Hargeysa. “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo maanta oo Khamiis ah. 18/01/2024 waxay dib ugu celisay hawada Soomaaliya diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo) oo ka diiwaangashan waddanka Thailand (registration P4-JAG), taasoo isku dayeysay inay u kala duusho Sharjah iyo Hargaysa” ayaa lagu yiri warxaafadeed ay soo saartay Hay’adda…

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow ayaa kulan la qaatay maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha gobolka oo maalintii Labaad ku sugan degmada Matabaan warbixin ku aadan amniga Mshaariicda Dhaqaalaha ka dhageestay maamulka degmada Matabaan. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa bogaadiyay howlaha shaqo ee maamulka amniga degmada ka jira, waxuuna ballan qaaday in bulshada degmada Matabaan heli doonaan Mashaariic badan. Ugu dambeyn guddoomiyaha gobolka ayaa xusay muhiimadda leedahay Mideynta Canshuurta gobolka iyo la dagaalanka kooxaha Jidkooyada dhigta.

Read More

War rasmi ah oo naadir ah ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay heleen diyaarad nooca Su-30 ah oo ah jiilka 5-aad iyo kuwa istaraatiijiga ah ee dagaalka. Wareejinta diyaaradan ayaa ah kii kowaad kuwo dagaal oo ay ku jiraan diyaaradaha droneska. Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Itoobiya Marshal Berhanu Jula iyo Taliyaha guud ee ciidamada cirka Itoobiya Jan. Yilma Merdassa ayaa ka qayb galay munaasabad wareejinta waji kowaad ee diyaaradahan oo ay la socdaan kuwa iskood is wada ee droneska loo yaqaa. Marshal Berhanu ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Su-30 iyo kuwa istiraatijiyadeed ee dagaalka aan duuliyaha lahayn…

Read More

Miraha qoondarka oo afka qalaadna lagu yiraahdo flaxseeds (ama linseeds) waxay ka yimaadaan dhirta flax, oo saynis ahaan loo yaqaanno Linum usiatatissium. Waxaa jira labo nooc oo mirahan ah: dahabi iyo bunni. Nafaqada ku jirtaa waa isku mid, balse wax yar ayay midab ahaan ku kala duwan yihiin, iyadoo labaduna ay sida looska u dhadhamaan, haddana qoondarka dahabiga ah ayaa yara macaan halka kuwa bunniga ah ay leeyihiin dhadhanka sida in la dubay. Qoondarka ama flaxseeds caadi ahaan waxaa la helaa iyagoo miro dhan ah, la shiiday amaba bur laga dhigay. Sidoo kale waxaa jirta saliid laga sameeyay. Qoondarka ayaa…

Read More