Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Nin dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jirey Maxamed Maxamuud Diiriye (Caafi) ayaa maanta duhurnimadii lagu dilay Magaalada Cape-town ee Dalka Koonfur Afrika. Maxamed Caafi ayaa asal ahaan ka soo jeeda Magaalada Muqdisha gaar ahaan Degmada Kaaraan oo reerkiisu degan yihiin. Kooxo hubeysan oo burcad koonfur afrikaan ah ayaa toogtay xili uu watay gaari nuuca Dukaamada ay ku soo adeegtaan ah sida dad goob joogayaal ahi sheegeen. Dhawaan ayuu qorsheynayay Maxamed inuu dalkiisa ku soo laabto sida ay sheegeen eheladiisa hase ahaatee waxaa ka soo hor martay ajashiisa. Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta lagu dilay marxuumka halkaasoo ay baaritaano ka…
Maamulka Hirshabelle ayaa ku guuleystay in uu xabbad joojin kala dhex dhigo maleeshiyo beeleed ka soo kala jeedo goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo uu dagaal ku dhex maray xadka labada gobal. Warbixintan waxaa soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.
Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu oo ka hadlay Wararka sheegaya in heshiis xabbad-joojin ah ay Xukuumaddiisa la galayso Xamaas ayaa durba lasoo booday in aanay marnaba ciidanka Yuhuudda dib uga bixi doonin Magaalada Gaza. Benjamin Netanyahu oo dareensan culayska dhinacyada kala duwan uga imaanaya ayaa kasii afeeftay qorshaha ciidamada Yuhuudda dib looga saarayo goobaha cusub ay difaacyada ka dhigteen wixii ka dambeeyay 7dii Oktoobar 2023. Netanyahu oo maanka ku haya dhibaatada kasoo gaartay dagaallada socda 117ka cisho kuna waayay saraakiil iyo xubno muhiim u ah isla markaana khasaaraha maaliyadeed ee xooggan kasoo gaaray dagaalladaas ayaa ku madax adag in ciidankiisu…
oo lagu horumarinayo lagu sameeyay waxaana si isdaba-joog ah loo dheelaa kulamada heerarka kala duwan ee horyaalka Dalka, Koobka Dowlad-Goboleedyada, Degmooyinka & tartamo kale. Wasiirka Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay in ay Dalka ku martiqaadeen xulka Qaranka Jamhuuriyadda Jabuuti oo fure u noqonaya in Xulal kale iyo Kooxo kubadeed ay dalka yimaadaan.
Dowladda Itoobiya ayaa ka codsatay IGAD in la qabto shir madaxeed aan caadi ahayn, inkastoo ay Itoobiya horay u diiday inay ka qaybgasho shirkii ay dowladda Soomaaliya codsatay. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa looga codsaday Jabuuti iyo Itoobiya qabashada shir madaxeed aan caadi ahayn si ay Itoobiya u sharaxdo arimaha gobolka ee taagan. Warka kasoo baxay Itoobiya ayaa kusoo beegmay, iyadoo Itoobiya ay cadaadis iyo cambaarayn kala kulantay heshiiskii xadgudubka ku ahaa madax bannaanida Soomaaliya ee ay la hashay Somaliland. Xidlhibaan Cabdishakuur oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in Itoobiya ay ku jirto xaalad go’doon ah,…
Xoghayaha arrimaha debedda ee Britain David Cameroon ayaa sheegay in ay u badan tahay in Britain ay u aqoonsato Falastiin wadan madaxbanaan, Cameroon waxa uu soo jeediyey in loo baahan yahay in Falastiin la siiyo dowladnimo si loo dhiiri geliyo xasilooni ka dhalata gobolka. Warbxin ku saabsan ammuurtan waxaa magaalada London ka soo direy Wariyaha VOA ee qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail.
Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka HirShabelle Cabdi Daahir Guure Karoore oo u warramay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe. Karoore ayaa marka hore shaaca ka qaaday in dagaalkaas oo u dhexeeyo beelaha Abgaal iyo Xawaadle ay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab. Wasiirka ayaa ku eedeeyay kooxda inay isku direyso labada beelood, isla markaana ay hurineyso dagaalkooda, si ay uga dhex faa’iideysato. “Nimankii Shabaabka ee laga adkaaday ayaa sameynaya inay beelaha isku diraan, si culeyska la soo saaray ay isaga yareeyaan, waxayna ku mashquulsan yihiin in dadkii ay ka dhex…
Dowladda Itoobiya oo war cusub soo saartay ayaa ka dalbatay IGAD qabashada shir aan caadi ahayn oo looga hadlayo xiisadda gobolka ka taagan ee ka dhalatay heshiiska badda Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo codsigan soo saartay ayaa farriinteeda toos ugu dirtay Jabuuti oo haatan haysa hoggaanka shir guddoonka Urur Goboleedka IGAD. Warsaaxaafadeedka wasaaradda arrimaha Itoobiya ayaa lagu sheegay in xukuumaddooda ay dooneyso inay sharaxdo arimaha gobolka ee taagan, gaar ahaan heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland. Lama oga in IGAD ay aqbali doonto codsiga Itoobiya, maadaama ay horay iyaduna u diiday shirkii ka dhacay Kampala ee ay dalabkiisa…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo gogosha wadahadal ee arrimaha Soomaaliya ee Puntland ay dhigtay, taasi oo shalay madaxweyne Deni uu sheegay in dowladda federaalka ay aqbashay. Farmaajo, oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook, ayaa madaxdii hore ee dalka iyo kuwa hadda xilka haya ugu baaqay inay ka qeyb-galaan shirkaas, inkasta oo aanu caddeyn in isaga uu ka qeyb-galayo iyo in kale. Farmaajo ayaa sidoo kale uga baaqay xildhibaanada labada aqal in inta shirkaasi socdo ay ka fogaadaan tallaabooyinka aan la isku waafaqsanayn ee la xiriira laalidda dastuurka iyo wax ka beddelka hannaanka maamul ee…
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo wareysi gaar ah siiyay Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi iyo Hanoolaato ayaa ka hadlay arrimo la xiriira xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiiska badda. Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Abiy Axmed uu ku dhiiran karo dagaal, uuna ka digayo arrintaasi, maadaama ay dhibaato ku keeni karto gobolka Geeska Afrika. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ra’iisul wasaare Abiy Axmed ay wax kasta ka suurtoobaan, sidaas daraadeedna loo baahan yahay feejignaan iyo diyaar garow xoogan. Sidoo kale wuxuu farriin u diray dadka Soomaaliyeed oo uu…