Author: radiohalgan.com

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa xalay yeeshay shir gaar ah oo ku qabsoomay khadka taleefoonka, kaas oo looga hadlayay arrimaha maaliyadda ee guud ahaan dalka. Shirkan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, waxaana ka qayb-galay wasiir Biixi Cige iyo wasiirada maaliyadda maamullada dalka. Inta uu socday shirka ayaa ayaa looga wada-hadlay arrimo badan oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda Dalka maadaama Dowladda Federaalka Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa, kuwaa oo cuuryaamiyay dhaqaalaha Soomaaliya. Haddaba maadaama dowladda Soomaaliya ay gashay waji cusub oo horumarin dhaqaale ah iyo sanad cusub oo la hiigsanayo meel sare, wuxuu Wasiirka…

Read More

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dhacdo xanuun badan, isla markaana argagax leh ay ka dhacday degmada Qoryooley ee gobolkaasi, kadib markii nin watay mindi uu gowracay xaaskiisa. Falkan ayaa si gaar ah xalay maqribkii uga dhacay xaafadda Wadajir ee degmadaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka. Ninka ayaa la sheegay inuu si arxan darro ah u dilay xaaskiisa, isaga oo gowracay kadibna jarjaray, sida ay muujiyaan sawirro laga soo qaaday marxuumadda oo lagu baahiyay baraha bulshada. Sidoo kale waxaa dhacdadan ka warbixiyay saraakiisha ammaanka ee degmada, kuwaas oo sheegay in gacanta…

Read More

Laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa weli baadi-goobayo nin xaaskiisa todobaadkii hore ku gubay gurigooda oo ku yaalla degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo baxsaday kadib dhacdadaasi argagaxa leh. Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis ayaa Jimcihii ku geeriyootay Isbitaalka Digfeer, ayada oo lahayd uur lix bilood ah, sida ay sheegeen ehelkoodu. Haddaba falkan foosha xun ee haddana ninkii gaystay uu fakaday ayaa rumeeyay hadal uu horay u yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliiya, Xasan Cabdi Barre oo horay u sheegay in Muqdisho amni ka jirin, illaa inta ay baxsanayaan dadka dilalka ka gaysta caasimada. “Illaa aan ka hilmaameyno hebelbaa…

Read More

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdadiid argagaxa laheyd ee lagu gubay marxuumad Luul Cabdicasiis oo seygeeda uu si arxan darro ah ugu dilay Muqdisho. Xildhibaannada ayaa dalbaday in si deg deg loo soo qabto eedeysanaha oo lagu magacaabop Sayd Cali Macallin Daa’uud, kaas oo baxsad ka ah laamaha amniga. Cabdiqaadir Sheekh Cali (Baraka) oo kamid ah xubnaha ka hadlay falkan ayaa sheegay in Booliska looga fadhiyo soo qabashada eedeysanaha, si cadaalad loo horkeeno. “Waxaa la rabaa haddii ay dhacdo dhacdo Booliska Soomaaliyeed waa in ay si deg deg ah uga hortegaan oo…

Read More

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Shabeelow ee koonfurta Mudug, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab oo dhinac ah. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay dagaalayamayaasha Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaankaasi, waxaana kadib iska hor imaad kala hortegay ciidamada huwanta ah. Wararka ayaa sheegaya in dagaal lagu hoobtay uu ka dhacay halkaasi, kaas oo khasaaraha ugu badan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha dagaalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay hayeen xogta weerarka, ayna iska difaaceen Al-Shabaabka soo weeraray deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug. Sidoo kale waxa ay intaasi…

Read More

Ilo wareedyo ayaa BBC u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu todobaadka soo socda hor imaan doono baarlamaanka dalkaas, isla markaana uu jawaabo iyo sharaxaad ka bixin doono su’aalaha ay waydiiyaan xubnaha baarlamaanku. Ilaha BBC-da la hadlay ayaa sheegay in sida uu qabo hab-raaca golaha shacabku, dadweynaha laga codsaday in ay su’aallohooda u gudbiyaan Ra’iisul Wasaaraha sabtidii todobaadkii hore. Ilo xog ogaal ah oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa intaasi ku daray in galinkii dambe ee isniinta ay ku ekeyd in su’aalaha la soo gudbiyo. Xubin ka tirsan golaha ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in…

Read More

Waxaa dil toogasho ah lagu fuliyay lamaane aroos ahaa oo lagu eedeeyey iney si xun u dileen labo caruur ah iyagoo ka tuuray daaqadda guri dabaq ah. Zhang Bo aabaha dhalay laba carruurta ah iyo Ye Chengchen ayaa horay loogu helay dambiga ah inay dileen gabar laba jir ah iyo wiil hal sano jir ah sanadkii 2020-kii. Ninkan ayaa xiriir jecel la bilaabay Ye, ka dibna waxa uu furay xaaskiisii hore, isagoo dilay labada caruur ah oo ay dhashay xaaska uu ay soo kala tageen Maxkamadda Sare ee Shiinaha oo xukunka dilka ah fulisay ayaa ku tilmaantay lammaanaha kuwa naxariis…

Read More

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa shir ku qabsoomay qadka Taleefoonka la qaatay wasiiradda Maaliyadda dowlad goboleedyada dalka ka jira. Shirkan ayaana looga wada-hadlay arrimo badan oo ku saabsan horumarinta maaliyadda dalka, maadaama dowladda Federaalka Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa, kuwaa oo cuuryaamiyay dhaqaalaha Soomaaliya. Halkan ka AKhriso War-saxaafadeed laga soo saaray shirkan.

Read More

Guutada Qassam oo ah garabka hubeysan ee kooxda Xamaas ayaa sheegatay weeraro dhowr ah oo lagu qaaday ciidamada Israel ee ku sugan magaalada Gaza War ay soo saareen Qassam ayay ku sheegeen inay ka qeyb qaateen dagaallo culus oo ka dhacay magaalada oo dhan. Dagaalyahannada Qassam ayaa sheegay in ay la beegsadeen dhowr baabuur oo ay wateen ciidanka Israa’iil oo uu ku jiro mid ka mid ah kuwa cagafta, gantaallada Yasin-105, iyadoo weerarkan uu ka dhacay duleedka xaafadda Sheekh Radwan ee magaalada Gaza. Kooxda ayaa sheegtay in ay ku garaacday galbeedka magaalada Gaza madaafiic “culus” oo hoobiyeyaal ah goob ay…

Read More