Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Abu Dhabi, Jannaayo 31, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta kaga qeyb galay Shirka ku saabsanaa Amniga Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen dalalka sida dhow u taageera amniga dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Qatar, Mareykanka, UK iyo Turkiga. Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo isku xirka kaalmada dhinaca amniga ee caalamka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo in laga fogaado wiiqidda guulihii adkaa ee laga soo hoyey dagaalka ka dhanka argagixisada,…
Xiddigo badan ayaa ka tagay kooxohooda bishan si ay u soo gutaan waajibaadka xulka qarankooda tartanka koobka Africa. Wakhtigan xaadirka ah kubada cagta waxa ay keentaa caanimo iyo waliba mushaharo aad u qaali ah. Iyada oo tartanka Africa marayo meel xiiso leh isla markaas la galay wareega Semi-final-ka tartanka koobka Africa. Waxa la soo saaray liiska 10-ka xiddig ee ugu mushaharka badan Koobka Africa ee haatan socda. Waxa tartanka ka qayb galay xiddigo caan ku ah kubada cagta kana mid yihiin Mohamed Salah, Riyad Mahrez, Sadio Mane & Victor Osimhen. Xiddiga xulka Algeria ee Riyad Mahrez ayaa ah xiddiga ugu…
weeraryahankii hore ee Mareykanka Taylor Twellman ayaa ku digtay chelsea isaga oo sheegay in ay ahayd in uu Pulisic horay uga tago kooxda chelsea. Pulisic ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya Ac Milan tan ilaa markii uu ka tagay kooxda chelsea. Twellman oo ah khabiir ciyaareed ayaa yidhi”Wan ku faraxsanahay xaqiiqada ah in uu Pulisic ka tagay chelsea”. “Laakiin waxa aya ahayd in uu ka tago wakhti ka horeeya wakhtiga uu ka tagay”ayuu sii raaciyay. “Haatan si xoriyad ah ayuu ugu ciyaarayaan Ac Milan waana arin fiican in la daawado qaab ciyaareedkiisa”. Pulisic, oo qayb ka ahaa xagaagii weynaa…
Suuqa kala iibsiga January ayaa maanta si oo khamiis ah si Rasmi ah u xidhmi doona iyada oo kooxaha reer yurub isku diyaarinayaan in ay sameeyaan saxiixyo. Saacado yar ayaa inaga xiga in uu suuqa January si Rasmi ah u xidhmi iyada oo xiddigo badna ku biiri karaan kooxo kala saacadaha soo socda. Kooxo ay ka mid yihiin Man City, Barcelona, Juventus, Bayern Munich iyo Tottenham ayaa ilaa haatan suuqa January saxiixyo cusub sameeyay. Halkan ku soo laabo si aad ula socoto saxiixyada dhacaya maanta: Saxiixyada dhacay saacadaha la soo dhaafay: 12:25 Facundo Pellistri – Waxa uu amaah uga tagay Man…
Cody Gakpo ayaa lagu soo waramayaa in uu tababarihii hore Man United Louis Van Gaal ku marti qaaday in uu Anfield ka daawado kulankii ay kooxdiisu ka badisay chelsea. Xiddiga reer Netherlands ayaa kaydka ku bilowday kulankii Anfield ee horyaalka premier League. Tababare Van Gaal ayaa lagu arkay qaybta martida ee garoonka intii ay socotay ciyaartu. Louis Van Gaal ayaa haatan ah tababaraha xulka qaranka Netherlands waxana uu Anfield ku yimid marti qaad uga yimid xiddiga Liverpool. Xiddiga Gakpo ayaa kaydka ka soo galay qaybtii dambe ee ciyaarta waxana uu kooxdiisa ku hogaamiyay guul muhiim ah.
Tababare Jose Mourinho ayaa doonaya in uu si lama filaan ah ugu soo laabto inkasta oo ay arintaas adagtahay sida laga soo xigtay Mailonline. Ilo wareed ku dhaw Jose Mourinho oo dhawaan laga caydhiyay shaqada AS Roma ayaa sheegay in uu Tababaruhu rumaysan yahay in ay wali u dhimantahay shaqo Old Trafford. Mourinho ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo maamulka cusub ee uu hogaaminayo Sir Jim Ratcliffe oo iibsadya saami kooxda ah. “Hamigiisu waa in uu ku soo laabto United”ayuu sharaxay saaxiib ku dhaw Mourinho. “Waxa uu dareenyahay in ay wali…
Tababaraha kooxda Barcelona Xavi Hernandez ayaa shaaca ka qaaday sirta ka dambeysa dhaawacyada is daba jooga ah ee soo gaaray Barcelona xilli ciyaareedkan iyada oo Ferran Tores ahaa xiddigii ugu dambeeyay ee ka dhaawacmay kooxda. Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Spain ayaa dhaawac ka soo gaaray horaantii ciyaartii Barca ay la ciyaartay Osasuna, fiidnimadii Arbacada, garoonka Montjuïc, ciyaar ka dhacday gobolka Catalonia kulamadii 20-aad ee horyaalka Spain. Xavi oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”“Dhaawaca Feran Torres waa ceeb, kaliya hal kulan ayuu nastay dhawaan, si joogto ah ayuu uga qeyb qaadanayay kulamada waxana uu ciyaaray daqiiqado badan”. Tababaraha ayaa…
Tababaraha kooxda chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa qiray in Liverpool ay u qalantay in ay gaadho guushii weynayd ee ay ka gaadhay kooxdiisa kulankii ka dhacay Anfield ee ka tirsanaa premier League. Afarta gool ee Reds waxaa u kala dhaliyay Diogo Jota, Connor Bradley, Dominic Soboslai iyo Luis Diaz, halka goolka qura ee Blues uu u saxiixay Christopher Nkunku. “Waxan u malaynayaa in ay Liverpool naga fiicnayd, Liverpool waxa ay u qalantay in ay hesho 3-da dhibcood”ayuu Pochettino ku bilaabay. Waxa uu sii raaciyay: “Waxaad u baahan tahay xoogaa nasiib ah mararka qaarkoo, waxa ay ahayd in rikoodhe naloo dhigo…
Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday sababtii ay Reds guusha wayn uga gaadhay kooxda Chelsea. Reds ayaa 4-1 kaga badisay kooxda chelsea kulan ka tirsanaa premier Legaue kana dhacay garoonka Anfield. Klopp oo la hadlaya BBC Sport ayaa yidhi”“Bilawga waxa uu ahaa mid aad u fiican, waxa aanu dhalin karaynay goolal badan waxana ay ahayd in aanu dhalino goolal badan”. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Ma dhalin kartid shan ama lix gool oo aad ka dhaliso Chelsea hadii aanad heer sare ahayn”. Kooxda Liverpool ayaa dib u soo celisay dhibcaha ay ku hogaaminaysay horyaalka ka…
Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Darwin Núñez ayaa loo diwaan galiyay rikoodh xun kulankii ay kooxdiisu ka badisay chelsea. Darwin Núñez ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulanka inkasta oo uuna wax gool ah dhalin. Xiddiga ayaa dhigay rikoodh xun intii ay socotay ciyaartu kadib markii uu dhawr mar garaacay birta goolka. Darwin Núñez ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay tan ilaa 2003/2004 ee 4 jeer birta ku dhufta kubad kulan kaliya horyaalka premier League. Sidoo kale Nunez ayaa 7 jeer birta kubada ku dhuftay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waxana uu 2 jeer ka badan yahay xiddigaha…