Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa goordhaw shaaca ka qaaday iney wadaan baaritaano lagu baadi goobayo ninkii dhawaan Xaaskiisa oo xaamilo aheyd ku gubay magaalada Muqdisho. Qoraalka kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka ay Muqdisho iyo gobolada dalka ka wadaan howlgalo lagu baadi goobayo Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ah ninka dhawaan nolosha ku gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis. ”Baadi goobka eedeysanaha ayaa ka socda caasimada iyo gobolada dalka oo la rumeysanyahay inuu u baxsaday, qofkii helaa xogtiisa, waxaa ka codsaneynaa inuu la wadaago barta ciidanka ammaanka ee ugu dhow, lambarka gaaban ee 991 ama baraha bulshada. Howgalo…
Xukuumada Somaliland ayaa xisbiyada mucaaradka ku eedaysay in ay nidaam qabiil ku raadiyaan kursiga madaxweynaha. Wasiirka Arrimaha Guddaha ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa mucaaradka ku eedeeyay in anay wax masuuliyad ah iska saarin ilaalinta jiritaanka Somaliland. Waxa uu sheegay in dadka xukuumada kasoo horjeeda oo uu mucaaradka ula jeedo, ay dariiq qabyaaladeed kursi kuraadinayaan, isla markaana anay wax masuuliyad ah iska saarin ilaalinta Somaliland, taariikhda dhismaha Somaliland na anay waxba ku lahayn. Waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan ay isku dayi doonaan in madaxweynaha xiga ee Somaliland uu Kulmiye kasoo baxo, isla markaana anay dariiq qabyaaladeed u adeegsan doonon…
Waaxda Socdaalka iyo Dhaqan-Galinta Kastamada (ICE) ee dalka Maraykanka ayaa sii daysey natiijada warbixinta howlgalo qaatay labo toddobaad oo ay kula dagaalamayeen dambiyada ka dhana caruurta iyo kuwa khatarta ku ah nabad galyada Maraykanka. Howlgalada oo ka dhacay labaatan iyo shan magaalo iyo dhulka miyiga ah guud ahaan Maraykanka, ayaa lagu bartilmaameedsaday shaqsiyaad danbiyo galay oo si xor ah u watay dhadhqaaqooda. Basle markii danbe lagu helay dambiyo lidi ku ah amaanka Maraykanka. In ka badan 171 qof ayaa lagu qabtay howlgalka, boqol iyo saddex ka mida ayaa lagu helay danbiyo dilal ah iyo kufsi caruur, dadka la qabtay waxaa…
Dowladda Ruushka ayaa ku baaqay kulan deg deg ah uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesho duqeymaha Mareykanka uu ku hayo kooxaha maleeshiyadka ah ee dowladda Iiraan ay taageerto. Kooxaha uu Mareykanku beegsanayo ayuu fadhigoodu yahay dalalka Ciraaq iyo Suuriya, kuwaas oo lala xiriirinayo in toddobaadkii hore ay askar Mareykan ah ku laayeen dalka Urdun. “Waxaan kaliya dalbanay fadhi deg deg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesho khatarta nabadda iyo badbaadada ee ay abuureen weerarrada Mareykanka ee Suuriya iyo Ciraaq,” ayuu yiri Diblomaasiga Moscow ee Qaramada Midoobay, Dmitry Polyansky. Ruushka oo xubin ka ah golaha joogtada…
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle. Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare oo kahadlay Waxqabdka Heey adah. Gudoomiye kuxigeenka dhanka siyaasada Gobalka Shabeelaha dhexe oo sheegay in uu jiridoono Isla xisaabtan Joogta ah 3/2/ Feb/ 2024/ Jowhar Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle oo uu wehlinaayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Xubno kakala socoday Maamulka Dagmadda Jowhar, Kan Gobolka Shebeelaha Dhexe iyo Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyadda Hirshabelle ayaa Makiinado Cagaf ku wareejiyay iskaashatooyiin Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay bixinta Cagafcagafyada beeraha ayaa ah horumarinta wax soosaarka Beeraha.
Ka dib wada hadalladii Madaxwayne Xasan Sheekh iyo Madaxwyanayaashii hore dhex maray ee ku dhamaaday inay heshiisiiyaan Madaxweyne Deni iyo Federaal ka ayaa isla xalay fiidkii waxaa wadahadal khadka taleefanka ah uu dhexmaray Madaxwayne Siciid Deni iyo labada Madaxwayne ee hore Mudane Maxamed Farmaajo iyo Mudane Shariif Sh. Axmed iyo Mudane Siciid Deni oo ku sugan Qardho ayaa soodhaweeye dhexdhexaadinta ay wadaan madaxdii hore ayna haboon tahay in lasii wado wuxuuna codsaday in safarkiiisa uu ku maraayo gobollada Puntland uu dhameysto oo dib ay u yeeshaan wada hadalladaas. Madaxwaynayaashii hore ayaana aqbalay codsiga Madaxweyne Siciid Deni. Sidoo kale Madaxwayne Xasan…
Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay war kasoo saaray dhacdadii argagaxa lahayd ee 26-kii bishii hore ka dhacday degmada Dharkenley, taas oo uu seygeedii ku gubay marxuumad Luul Sheekh Cabdicasiis oo shalay ku geeriyootay isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho. Booliska ayaa sheegaya inay eedeysanaha oo baxsaday, laguna magacaabo Sayd Cali Macallin Daa’uud ay ka raadinayaan Muqdisho iyo gobollada dalka. “Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu 26 Jan 2024 gubay xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi Jaziira, isla markaana baxsaday. Baadi goobka eedeysanaha ayaa ka socda Caasimada iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inuu u baxsaday” ayaa…
Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Isbaanishka ayaa sheegay in dhowr boqol oo muhaajiriin magangalyo doon ah ay ku xayiran yihiin garoonka diyaaradaha ee Madrid ee dalka Spain, ayna ku sugan yihiin xaalada xun, maadaama ay seexdaan “meel cariir ah oo aan munaasab ahayn”. Muhaajiriintan oo inta badan ka yimid dalalka Senegal, Somaaliya iyo Morocco, ayaa qaar badan oo ka mid ah waxa garoonka diyaaradaha ee Madrid ay ka sameysteen teendhooyin yar yar oo ay seexdaan, halka kuwo kalana ay ku nool yihiin xaalad ciriiri ah, ayaga oo dhex jiifta meelo aan nadiif ahayn. Dadka muhaajiriinta oo qaar badan oo…
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in ay baadi goobayaan Eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo la sheegay in todobaadkii hore uu Muqdisho ku gubay xaaskiisa. Warka ka soo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu yiri, “Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu 26 Jan 2024 gubay xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi Jaziira, isla markaana baxsaday.” Sidoo kale warka ka soo baxay Booliska Soomaaliya ayaa lagu sii yiri, “Baadi goobka eedeysanaha ayaa ka socda Caasimada iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inuu u baxsaday.” Dhanka kale Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in qofkii hela xogta…
Sheekh Xuseen Cali Jabuuti oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee waaweyn oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho, kana yimid dalka dibadiisa ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeediyey Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho. Khudbadda Shiiqa waxaa dhageysanayey oo Masjidka Salaadii Jimcaha ku soo dukaday masuuliyiin badan oo ka tirsan hey’adaha dowladda, qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha dowladda, saraakiil ciidan iyo dad kale oo isugu jiray culimo, aqoonyahano iyo ganacsato. Sheekh Xuseen Jabuuti ayaa khudbadiisa uga hadlay seddax qodob oo muhiim ah oo dadka Soomaaliyeed hadii ay sameeyaan ay kaga fogaa karaan waxyaabo aan fiicneyn oo hadda…