Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa qoraal uu xalay soo saaray kaga hadlay kulanka maanta ee labada Gole ee Baarlamaanka. Ducaale ayaa ugu horeyn si weyn usoo dhaweeyay kulanka maanta ee ku aadan u codeynta habraaca ansixinta wax ka beddalka Dastuurka dalka. “Xildhibaannada laba Aqal ee Baarlamaanka Federalka ayaa Berri kulan yeelanaya, iyadoo Ajendaha uu yahay: “Akhrinta 3aad iyo U codeynta Habraaca Ansixinta Wax- Ka Bedelka Dastuurka”.” ayuu yiri qoraal uu soo saaray Xildhibaan Maxamed Abuukar Ducaale. 2- Marka Dastuur laga hadlayo kaliya miyaa loo baahan yahay inay…
Gudoomiyaha dagmada jalalaqsi nuur dhere iyo qeybo kamida maamulka iyo bulshada dagmada ayaa manta waxa ay so dhaweeyen wafdi Ka socdo damal Caafimaad oo dhawaan soo gaare dagmada jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Sido kale waxa ay si wada Jir ah u booqdeen isbitaalka guud ee dagmada jalalaqsi Isbitaalka guud ee dagmada ayaa dhawaan laga bilaabi doona adeegyada Caafimaad si bulshada dagmada jalalaqsi ay uga faa ideystaan. si looga hortago Xanuun sida Shuban Biyoodka iyo wax la mid ah . waxii warar ah oo ku soo kordho kala soco marwalba Isha wararka Radiohalgan.com
Waxaan u hambalyeeynayaa Xulka Kubada Cagta Hirshabeelle oo galabta ka adkaaday dhigooda Jubbaland sidoo kalana u gudbay fiinaalka tartanka Kubada Cagta Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Guusha wayn ee aad gaarteen iyo ciyaar wanaaga qurux badan ee aad soo bandhigteen waxa ay farxad galisay malaayiin taageerayaashiina ah, waxaana idinka sugeynaa hanashada koobka annagoo ku kalsoon xirfadiina iyo dadaalka dheer ee aad muujineysaan. HIRSHABEELLE🏆
Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) ayaa ugu baaqay in beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanno dhaca Xuduudka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe in aay dagaalka joojiyaan. “Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle waxaan beelaha walalaha ah ee dagaalamaya ugu baaqayaa in aay dagaalka joojiyaan, dagaal wiil kuma dhasho walaalayaal adinka oo ah dad Diris walaal ah in xilligan dirirtaan waa ceeb, waxaana idinka codsan waxii tabasho ah oo jira Miiska wada-hadalka in aad ku dhameysaan” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle Cabdiraxmaan Daahir Guure. Wasiirka ayaa ugu baaqay…
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka qeybgalay kulan qado sharaf ah uu u sameeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor . Kulankaan qado sharafta ah ee lagu casuumay Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay wafdiga Madaxweynaha oo ka koobnaa Wasiirro iyo lataliyaal iyadoo sidoo kale ay ka qeybgaleen masuuliyiin isugu jirtay labada gole ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland casuumada uu u sameeyay isagoo sheegay in Dowladaha Hirshabeelle iyo Puntland uu ka dhaxeeyo xiriir iskaashi oo dhan walba ah.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Maxamed Yaxya inuu noqdo Xiriiriyaha Qaramada Midoobay ee Pakistan, iyadoo ay ogolaatay dowladda martida loo yahay ee Pakistan. Yaxye waxa uu xilka la wareegay 21-kii Janaayo, waxaana uu sidoo kale noqon doonaa isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ee dalkaas. Maxamed Yaxya oo Soomaaliya u dhashay ayaa in ka badan 20 sano oo waayo-aragnimo ah u leh horumarinta iyo nabadaynta. Kahor magacaabistiisa, waxa uu ahaa Wakiilka Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ee Nigeria, isagoo mid ka mid ah hay’adaha UNDP ee qaaradda Afrika. Waxa uu ka soo shaqeeyay…
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo wareysi uu siiyey Al-Carabiya iyo Al-xadath, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ku talo jirin inay dagaal la gasho Itoobiya, balse aysan ka waaban doonin inay difaacdo dalkeeda haddii loo baahdo. “Ma lihin wax qorshe ah ama ujeeddo ah inaan dagaal la galno Itoobiya waqtigan xaadirka ah, laakiin haddii ay wax isbedelaan, waa inaan ka falcelinaa markaas,” ayuu yidhi madaxweynaha oo hadalkiisa kusii daray in heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland uu yahay mid xadgudub ku ah shuruucda iyo nidaamka caalamiga ah. Madaxweyne Xasan Sheikh waxa uu sidoo kale ku baaqay…
Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sharci jabin ku tilmaamay xeerka doorashooyinka ee Xeer Lr 91 oo uu madaxweynuhu dib ugu celiyay Golaha Guurtida. Golaha Wakiilada ayaa sheegay in talaabada uu madaxweynuhu xeerka dib ugu celiyay ay tahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Somaliland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay golaha. “Waxaanu halkan ku caddaynaynaa in qoraalka celinta xeerarka sare ku xusan ee uu Madaxweynaha JSL u gudbiyay Golaha Guurtidu uu yahay mid aan waafaqsanayn qodobka 78/3 oo caddaynaya in madaxweynuhu uu xeer ku celin karo kaliya Golaha Wakiilada”. Xisbiga Waddani ayaa isagu shalay aad uga soo horjeestay talaabada uu madaxweynuhu xeerka dib…
Share Waxaa goordhaw soo idlaatay ciyaar xiiso badan oo galabta ku dhexmartay garoonka Kubadda Cagta Muqdisho xulalka Hirshabeelle iyo Jubbaland. Xulalka Kubadda Cagta Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa wada ciyaaray kulan ka tirsan afar dhamaadka tartanka Kubadda Cagta dowlad gobolewdyada dalka iyo gobolka Banaadir. Kulanka ayaa 90-ka daqiiqo ee loogu talo galay waxa uu kusoo dhamaaday bar bar dhac ebar iyo eber ah, waxaana inta kadib labada dhinac lagu kala saaray gool ku laadyo cidii ku awood roonaado ay ugu gudbeyso Finalka tartankaan. Xulka Kubadda Cagta Hirshabeelle ayaana ku guuleystay gool ku laadka, kadib markii shabaqa ay ku hubsadeen 5 gool…
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyooday. Lix lalena way ku dhaawacmeen qarax galabtay ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Qaraxaan ayaa ka dhacay goob lagu qayilo oo kutaala xaafadda Tuurta ee magaalada Boosaaso. Lama oga cidda ka dambeysay qaraxaan lala beegsaday goobtaas. Qaraxaan ayaa wuxuu ahaa miino goobta lagusii qariyay sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah oo ay la xirirtay HOL. Dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badnaa dad shacab ah oo halkaas ku sugnaa. Sidoo kale waxaa jiray askar ciidanka Puntland katirsan oo badi halkaas fariista. Qaraxan ayaa yimid maalin kaddib markii laamaha…