Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Waxaa gebi ahaanba baaqatay munaasabadda sanad-guurada Ciidamada Milateriga Somaliland, oo sanad kasta lagu qaban jiray gudaha Somaliland. Sanad-guurada sanadkaan ayaa ku beegnayd 2-dii bishaan, taasi oo keentay in la isweydiiyo sababta ay xukuumadda Somaliland u qaban xuskaan, oo ay ku soo bandhigi jirtay cududeeda ciidan. Xisbiga mucaaradka ee Waddani ayaa xukuumadda ku eedeeyay in baaqashada munaasabadda ay tahay fashil ku yimid xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi. “Faanka Ina Kaahin (wasiirka arrimaha gudaha) iyo 32 sannadoo ka bacdi in ay tahay markii ugu horaysay ee la qaban waayay xuska Ciidanka Qaranka, waa su’aal wayn oo ay tahay in uu iswaydiiyo,”…
Aabaha dhalay gabadhii dhawaan uu ninkeeda ku gubay magaalada Muqdisho, Sheekh Cabdicasiis Maxamed ayaa laamaha amniga uga mahad-celiyay soo qabashada ninkii gubay gabadhiisa, isagoo dalab culusna u diray dowladda. Waxa uu ka dalbaday madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya in loo qisaaso ninka gubay gabadhiisii oo xaamilo aheyd, oo haatan ku jira gacanta hay’addaha ammaanka. Sayid Cali Macalin Daa’uud oo maalmihii lasoo dhaafay ku raad-joogeen ciidanka NISA ayaa ugu dambeyn shalay galab waxay kasoo qabteen deegaanka Gaadaale oo hoostaga degmada Hobyo, xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay. Aabe Cabdicasiis ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uusan weli duugin gabadhiisa, ayna…
Abwaan Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (Abees) oo shalay magaalada Hargeysa lagu xiray ayaa maanta waxay Maxkamadda Degmada Hargeysa ku riday xukun lama filaan ah. Abwaan Abees ayey maxkamadda ku xukuntay sannad iyo lix bilood oo xarig ah, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah qoyskiisa. Xukunkan ayaa ah mid deg-deg ah oo aan la filayn xilligaan, maadaama oo inta badan eedaysanayaasha ay dacwadoodu qaadato muddo, islamarkaana baaristu ay dheeraato. Xariga Abwaan Abees ayaa saacadihii lasoo dhaafay hadal-hayn xooggan ka abuuray baraha bulshada, kadib markii uu warbaahinta kasoo muuqday aabihii oo ku eedeeyay in uu ku noqday waalid caaq. Aabaha…
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA Taliska Booliska Gobolka oo Beeniyay in Maxaa Biis ka Fagatay Sal dhiga Booliska Beledweyne.
aliye ciidan qeybta 27aad ciidanka dhulka Xooga Dalka somaaliyeed korneyl Faarax cali waa sugeOo sheegay in dhawaan Galbeedka Gobolka HiiraanKa Bilaaban Doonaan Xoreynta Cadowga Dalka looga xoreynayo fariina u Diray Bulshada.
Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye oo ahaa xildhibaankii shaqada geeyey oo damaanadiisa uu magaalada Muqdisho ku joogay ninkii xaaskiisa gubay ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlaayo soo qabashada ninkaas. Xildhibaanka ayaa ugu horeyn muujiyey inuu aad u rabay in lasoo qabto eedeysanaha, si cadaaladda loo hor-geeyo, wuxuuna u mahadceliyey ciidamada ammaanka. Si gaar ah ciidamada hey’adda NISA ayuu sheegay xildhibaanku inuu kalsooni badan ku qabay inay ninkaas soo qaba doonaan, iyagoo kaashanaya dadka deegaanka oo taageersanaa in la qabto gacan ku dhiiglahaan loo heysto dilkii xaaskiisa. Waxaan bogaadinayaa Hay’addaha Amniga oo ugu horeyso Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo gacanta ku soo…
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Sufuroow oo ku guuleestay in Heshiis Rasmi ah la kala dhaxdhigo beelo walalaaha ah oo ku dagaalnay Sohdinta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa dib ugu laabtay magaalada Beledweyne. Odayaasha dhaqanka beelaha Abgaal iyo Xawaadlle ayaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan uga mahadceliyay sida uu isugu xil qaamay Maalin iyo Waqtina uu u galshay in dagaalka la joojiyo beelaha Heshiis la kala dhaxdhigo. Guddoomiye Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow oo fulinaya amarka Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa muddo 15 Maalin ka maqnaa howlahaasi nabadeynta ah waxuuna tagay degmada Jalalaqsi Ceel-barag iyo dhul beereedka lagu…
Xaaska Thiago Silva ee aan hadalka la gaban ayaa ku baaqday in tababaraha Chelsea Mauricio Pochettino la ceyriyo ka dib guuldaradii ceebta aheyd ee ka soo gaartay kooxda Wolves. Blues ayaa waxaa dhulka ku jiitay kooxda martida u aheyd ee Wolves kuwaasoo afar gool ku dhaliyay garoonka Stamford Bridge. Ka dib natiijada xun ee Chelsea ay heshay, xaaska Thiago Silva oo lagu magacaabo Belle ayaa Twitter ku soo qortay: “Waxaa la joogaa waqtigii la bedeli lahaa, haddii waqti kale siiso, waxay noqon doontaa mid aan ka gaaris laheyn.” Ma ahan markii ugu horeysay ee ay xaaska xiddiga reer Brazil ay…
Kooxda Sucuudiga ee Al-Hilal ayaa dib usoo cusboonaysiisay xiisaheeda kabtanka Manchester United ee Bruno Fernandes oo ay hore ugu fashilantay bishii January. 29 jirkan ayaase ku adkaysanaya inuu sii joogayo Old Trafford. (Mail) Tababaraha Chelsea ee Mauricio Pochettino waxa uu halis weyn ugu jiraa in shaqada laga caydhiyo kaddib guul-darradii 4-2 ahayd ee ay Axaddii kala kulmeen Wolves. (Teamtalk) Guddoomiyaha Crystal Palace ee Steve Parish ayaa ka fiirsanaya inuu eryo Roy Hodgson kaddib guul-darradii xanuunka badnayd ee ay Wolves u xambaarisay Sabtidii, waxaanay hadda raadinayaan tababarihii ay ku beddeli lahaayeen. (Guardian) Arsenal waxay kula tartami doontaa Chelsea weeraryahanka Napoli iyo…
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in howlgalka ka dhanka ah ‘AS’ loo baahan yahay in la xoojiyo isaga oo bogaadiyay doorka culimada Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dhiirragelinta Dadka. Gen. Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in ciidamada Dowladda ay diiradda saareen howlgallada ay wadaan isla markaana ay sii kordhinayaan si loo xoojiyo isbaddelka amniga ah ee jira oo ku yimid wadashaqayn Bulshada & Ciidanka. Sulub ayaa carrabka ku dhuftay in la dagaalanka waxlaha maanka-dooriya Iyana loo baahan yahay in la kordhiyo maadaama falalka ka dhasha isticmaalka walxahaas ay qayb ka yihiin kuwa dhaawacaya amniga. Dowladda Federaalka…