Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Xil Khaliif”Marka dilaaga la keeno ayaan raali galin bixinayaa”
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dhinaca kalena ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si weyn u duray warbaahinta dowladda, kadib markii ay maanta baahin weyday hadal-jeedintiisi baarlamaanka. Shariif oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda qorshaha dowladda madaxweyne Xasan ee wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka ayaa khudbadiisa uga hadlay dhowr arrimood oo taabanaya wax ka beddelka dastuurka iyo xaaladda guud ee amniga dalka. Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo saaray ku dhaliilay warbaahinta dowladda sida aysan ugu wada furneyn aragtiyada kala duwan ee xildhibaannada iyo siyaasiyiinta, taasi oo ka dhigeysa warbaahin ku shaqeysa rabitaanka shaqsi gaar…
Isniin, February, 19, 2024 (HOL) – Hay’adda Duulista rayidka ee Soomaaliyeed ayaa sheegtay in ay qaadayso tallaabooyin adag oo lagu dammaanad qaadayo sii socoshada bedqabka iyo amniga hawada Soomaaliya. Hay’addu waxay sheegtay in ay walaac ka qabto in Somaliland ay carqaladayn ku bilowday maamulka hawada Soomaaliya. Waxay sheegtay in ay suurtagal tahay in ay ku hoos qarsoon yihiin saamayn dibadda ah iyo dano gaar ah. “Dowladda Soomaaliya ayaa si joogta ah u soo saartay digniino iyo ogeysiisyo ku aaddan ilaalinta badqabka duulimaadyada, iyadoo ka dalbatay maamulka Somaliland inay la shaqeeyaan. Si kastaba ha ahaatee, digniinahaas ayaa lagu soo waramayaa in…
Dowladda Mareykanka ayaa qiimeynaysa in duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhan ah al-Shabaab oo ay ka fuliyeen Soomaaliya lagu dilay labo dhaqtar oo Cuba u dhashay, sida ay sheegtay kooxda Alshabaab. Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliyay Khamiistii meel ku dhow degmada Jilib ee koonfurta Soomaaliya, sida laga soo xigtay Taliska Mareykanka ee Afrika. War qoraal ah oo ay faafisay kooxda Al-Shabaab ayay ku sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo Mareykanku ka fuliyeen guri ku yaalla magaalada Jilib ay ku dileen dhakhaatiir u dhashay Cuba oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez. Waa markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan horumarrada laga gaaray adeegga iyo maamulka Hawada Soomaaliya, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, iyaga oo soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha duulimaadyada dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed horumarka ay sameeyeen, isaga oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta Hey’adda Duulista Hawada, si loo sii labo jibbaaro guulaha la gaaray. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga in ay baaritaan…
Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo martiqaad ka helay dhiggiisa Qadar ayaa kulan gaar ah oo ay wada qaateen waxa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka Labada Dal. Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka ayaa u mahad celiyay dhiggiisa Qatar isaga oo ku amaanay doorka uu ka qaadanayo garab istaagga Soomaaliya si loo xaqiijiyo amniga guud ee Dalka iyo in guullo muhiim ah laga gaaro dagaalka ka dhanka ah ‘AS’. Dhismaha & qalabaynta ciidamada Xoogga Dalka ayuu Dowladda Qadar u sheegay in kaalinteeda looga baahan yahay maadaama ciidamadu horumar muuqda ay sameeyeen muddooyinkii u dambeeyay sida uu hadalka…
Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya Haweenayda lagu magacaabo Catriona Laing ayaa codkeeda ku biirisay diidmada heshiis beenaadkii Itoobiya ay shaacisay in ay la gashay Somaliland 1dii Janaayo 2024. Catriona ayaa tilmaamtay in go’aankaas heshiiska lagu shaaciyay uu dhalisay dareen si gaar ah u taabtay xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya waxaana ay ku baaqday in lasoo farageliyo si looga hortago khatarta muuqata ee dhalan karta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayay ku amaantay jawaabaha & falcelinta uu ka sameeyay damaca gurracan ee Itoobiya iyada oo Catriona Laing ku sheegtay mid qiyaasan. Xaaladda ayay dhankale u rogtay…
Booqasho uu Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq uu ku tagay madaxa Ciidamada Gaarka ah ee Iran ee Quds, ayaa la sheegay inay hakad gelisay weeraradii ay kooxo ay Iran taageerto oo Ciraq ka howlgala ku hayaan ciidamada Mareykanka. Hadalkan ayaa wakaalada wararka ee Reuters waxa ay ka soo xigatay ilo Ciraaq iyo Iran ah oo sheegay in arrintan ay muujineyso in xukumadda Tehran ay dooneyso inay ka hor tagto colaad gobolka oo dhan ku fidda. Madaxa Ciidamada Quds ee Iran , Ismaciil Qaani ayaa la kulmay wakiillo ka kala socday dhowr ka mid ah kooxha hubeysan, kullankaas oo ka dhacay…
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ka fiirsanayso kordhinta cunaqabataynta ay horay usaartay Dalka Ruushka kaddib markii uu si toos ah u weeraray waddanka deriska la ah ee Ukraine weerarkaas oo dhaliyay khasaaro badan. Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in ay ka fakirayso tallaabada ku habboon dhiggeeda Moscow maadaama xukuumadda Madaxweyne Vladimir Putin ay ku eedaysay in ay ka dambaysay dilka hoggaamiyihii mucaaradka Dalkaas ee Alexei Navalny. Maraykanka ayaa sheegay in doonayaan kordhinta cunaqataynta Ruushka saaran taasi oo looga hortagayo dhaqaalaha badan ee Moscow ay ka hesho waxsoosaarka agabka kala duwan ee ay u iibgayso Dalal kala duwan oo Caalamka. Inkasta…