Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Hoggaayimaha mudada dheer ee mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyay in uu u tartamayo xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika, xilligaas oo ay Soomaaliya u sharaxday Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Raysal wasaare xigeen iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibeda ee Soomaaliya. Raila oo horey tiro shan jeer ah oo uu tartamay ku guuldareystay in uu noqdo madaxweynaha Kenya hadda waa sagaal iyo toddobaatan jir. Waxa uu doonayaa in uu bedeli Muusa Faki Maxamed, Raysal wasaarihii hore ee Chad, oo saddex iyo lixdan jir ah, kaas oo muddo xileedkiisa labaad ku eg yahay horraanta sanadka soo socda. Raila oo markii uu shaacinayay murashaxnimadiisa…
Markii labaad todobaad gudihiis ah ayaa sida ay BBC ka soo xigatay mas’uul ka tirsan qaybta duullimaadyada rayidka ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, waxay rumaysan yihiin in Somaliland ay “si aan sax ahayn ula xiriirtay” dayaarad rakaab oo maraysay hawada Soomaaliya. Mas’uulkaas ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay arrintaas “aad uga walaacsan tahay maadaama ay ka dhalan karaan khataro la xiriira bedqabka duullimaadyada”. Wuxuu intaa ku daray in arrintaas ay maanta kulan ka yeesheen wasiirka wasaaradaas iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kuwaasoo marka arrintaas laga yimaado sidoo kale ka shiray geerida Cabdinaasir Muuse Dahable oo ahaa sarkaal ka shaqaynayey hay’adda…
Wuxuu ahaa rikoor ay gaartay Sweden kaas oo la xiriira orodka maratoo-ka ee ka dhacay magaalada Seville ee dalka Spain. Suldaan Xasan oo ah wiil asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, isla markaana heysta dhalashada dalka Sweden ayaa 2.07.35 ku dhameystay kaalinta 10-aad ee orodka markii ugu horreysay ee uu garoonka ka soo muuqday taasoo kor u qaadday rikoorkii hore ee u yaallay Sweden in hal daqiiqo ka badan. Suldaan ayaa hadda galay kaalinta afaraad ee abid Sweden. Waxay ahayd billow aad loogu riyaaqay marka ay noqoto Suldaan, waxaana lagu ammaanay tababar dheer oo uu waqti badan ku soo bixiyay.…
Donald Trump ayaa soo saaray astaantiisa shirkadda kabaha, maalin ka dib markii xaakim reer New York ah uu ku amray inuu bixiyo $354.9 malyan oo ganaax ah. “Waxaan doonayay inaan tan sameeyo muddo dheer,” Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa yiri, isagoo daaha ka qaaday waxa uu ugu yeeray kabaha rasmiga ah ee Trump ee uu kaga dhawaaqay munaasibadda Sneaker Con ee ka dhacday Philadelphia ”. Waxa is qabsaday dhawaaq dheer iyo sidoo kale sawaxan, ka dib ku dhawaaqistiisa. Ka qaybgalayaasha ayaa ka badnaa taageerayaashii horay loogu arki jiray bandhigyada Trump. Kabaha dhaldhalaalaya, kuwa dahabka ka’ah xagga sare oo uu dhabarka…
Guutada 3aad ee qeybta 27aad ciidanka xoogga dalka ayaa gacanbta ku dhigay rag ka tirsan Al-Shabaab oo kiinooyin ku aasay degaano hoos yimaada gobolka Sh/dhexe. Raggan ayaa la qabtay markii ay qaraxyo lagu aasay dhulka la beegsadeen kolonyo uu la socday taliyaha Guutada 3aad ee qeybta 27aad Ciidanka xoogga dalka G/sare Ibraahim Yuusuf Nuur kuwaasoo marayey degaano u dhexeeyey magaalada Jowhar iyo degaanka Xawaadley. Ciidamada ayaa qabtay raggan ka dib markii labo qarax la beegsadeen ciidamada, midkood waxaa uu ahaa qarxiyaha miinooyina halka kan labaadna uu ahaa ilaalo hubeysan. Dhinaca kalem Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan ururka 47-aad guutada 8-aad…
Ku dhawaad 10 qofood oo la socotay gaari BL ah (Home) iyo Mooto Bajaaj ayaa caawa ku geeriyootay qarax ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho. Qarax ahaa miinada nooca soo booda ayaa qabsaday shacabkii la socday gaariga BL-ka ah iyo mooto Bajaaj-ta, waxaana halkaas ku geeriyooday oo Caasimada Online ay meydadkooda aragtay 9-qof, waxaana intaas ka badan karta tirada dhimashada. Sidoo kale dad kale oo ku dhaawacmay qaraxaas ayaa laga qaaday goobta, waxayna dad goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen in qaraxaasi uu ahaa miino ka soo booday laamiga geeskiisa. Khawaarijta Al-Shabaab ayaa qaraxa caawa dadka lagu laayey dhigtay isgoyska Soos…
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka dooday arrimaha Soomaaliya, waxayna diblomaasiyiintii khudbadaha ka jeediyey ka hadleen xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya iyo arrimaha waxka bedelka dastuurka ee Soomaaliya ka socda. Kulankaasi waxaa diblomaasiyiinta khudbadaha ka jeediyey ka mid ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing, Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya, iyo wakiillada dawladaha Maryakanka, Britain iyo Shiinaha. Wakiillada dawladaha Maraykanka, Shiinaha iyo Britain ayaa mar kale ku celiyey inay dawladahoodu taageerayaan madaxbannaanida dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Laing ayaa khudbaddeeda ku sheegtay…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray go’aankii maanta warbaahinta dowladda loogu diiday inuu ka baxo hadalkii uu kulanka baarlamaanka ka jeediyey madaxweyne hore, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed, sidoo kale Farmaajo wuxuu fariin u diray Xasan Sheekh. Sheekh Shariif ayaa maanta kulankii baarlamaanka ka jeediyey dood adag oo uu kaga soo hor jeeday in baarlamaanku shaqada dastuurka guda-galaan, iyadoo aan laga gaarin heshiis siyaasadeed, hadalkiisana kama bixin TV-ga iyo Raadiyaha Qaranka oo toos u tebinayey doodii xildhibaanada ee ka socotay kulanka. Farmaajo ayaa sheegay in dhacdadaan ay hor-dhac u tahay “qorshaha qarsoon iyo natiijada gurracan…
Jowhar: 19, Febaraayo, 2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen Markuu arkay: Qodobka 51-aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle. Markuu Arkay: In ay muhiim tahay dar-dargelinta Agaasinka Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle. Markuu tixgaliyay: Aqoonta iyo Waayo aragnimada uu mudanahaan u leeyahay arrimaha warfaafinta iyo xiriirka bulshada. Waxa uu Mudane Maxamed Shuuriye Nuur u Magacaabay Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle. -DHAMAAD-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan horumarrada laga gaaray adeegga iyo maamulka Hawada Soomaaliya, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, iyaga oo soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha duulimaadyada dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed horumarka ay sameeyeen, isaga oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta Hey’adda Duulista Hawada, si loo sii labo jibbaaro guulaha la gaaray. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga in ay baaritaan…
