Author: radiohalgan.com

Waxaa mar kale dib usoo cusboonaaday xiisadda doorashada ee Somaliland oo ay wlei isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo sidoo kale xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taas oo horay dib u dhaca uu ugu yimid. Musharraxa xisbiga mucaaradka ee Wadani, Cabdiraxmaan Cirro oo war cusub soo saaray ayaa sheegay inay dalbanayaan in la qabto doorashada, si aysan mar kale dib ugu dhicin. Cirro ayaa shaaca ka qaaday inay doonayaan doorasho nabad ah, si looga digtoonaado qalalaase horleh oo ay gashaa Somaliland, maadaama ay jiraan xaalado adag. Sidoo kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku eedeeyay…

Read More

Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland, ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa si adag uga hadlay habraaca wax ka beddelka ee ay shalay saxiixeen xildhibaanada labada aqal. Faroole ayaa kasoo horjeestay tallaabada Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in la qaaday, ayada oo aan heshiis lagu ahayn wax ka beddelka Dastuurka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in go’aanka shalay ay gaareen xildhibaannada uusan ahayn mid cadaalad ah, sida uu hadalka u dhigay. “Shalay waxaa Muqdisho kasoo baxay wax cadaalad ahayn oo waxaa lagu takrifalay jiritaanka dalka” ayuu yiri madaxweynihii hore ee maamulka Pununtland. Senatorka ayaa sidoo kale farriin…

Read More

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa shaacisay magacyada horjoogayaal kooxda Al-Shabaab looga dilay duqeyn ka dhacday xarunta u weyn ee kooxda ee gobolka Galguduud. Duqeyntaan oo iska kaashadeen NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu beegsaday xaruntaasi oo ku taalla Galhareeri, waxaana lagu dilay 30 Shabaab ah oo isugu jira dagaal-yahaano iyo horjoogayaal ay kamid yihiin Ajaanib. Qoraal kasoo baxay NISA ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in weerarka cirka ee lala beegsaday Al-Shabaab ay ku dhaawacmeen illaa 20 xubnood oo ka tirsan kooxda. Goobaha lagu bartilmaameedsaday hawlgalkan waxaa kamid ahaa xarunta Idaacadda Andulus, xarun lagu farsameyo Qaraxyada,…

Read More

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo wareysi gaar ah siiyay Telefishanka ku hadla Afka xukuumadda Somaliland ayaa ka hadlay heshiiskii 1-dii bishaan Addis Ababa uu kula saxiixday ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in heshiiskaasi uu Somaliland siinayo ictiraaf ay sanado badan raadineysay, islamarkaana aan si rasmi ah loo saxiixi doonin illaa Itoobiya ku dhawaaqdo inay Somaliland u aqoonsatay dal ka madax-banaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. “Mar baa lagu wada dhawaaqayaa (aqoonsiga iyo badda) heshiiska la wada saxeexayo ee rasmiga ah waxa ku qoran Somaliland waanu aqoonsan nahay isku goob ayaana lagu wada qorayaa,” ayuu yiri madaxweyne Muuse…

Read More

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay magaalada Riyaad laga furi doono dukaan lagu iibiyo khamriga oo ay ka iibinayaan koox la soo xulay oo aan Muslimiin ahayn, waana markii ugu horreysay oo la furo dukaan noocaas ah in ka badan 70 sano. Macmiilka ama qofka iibsanaya waxa ay ku koobnaan doonaan oo keliya shaqaalaha dublamaasiyadda, kuwaas oo sannado badan isticmaalayay xidhmooyin khamri ah oo tiimbareysan oo loo yaqaanno boorsooyinka diblomaasiyiinta. Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in dukaankan khamriga uu ka hortagi doono “ka ganacsiga sharci darrada ah ee khamriga”. Khamriga ayaa waxaa la mamnuucay 1952, ka dib markii mid ka mid ah…

Read More

Xilliyada uu sicir-bararka sareeyo, kor u kaca kharashku wuxuu noqon karaa isha walaaca, balse isbadalo aad samayn karto ayaa wanaajin kara qorshahaaga maaliyadeed taas oo laga yaabo inay kuu sahasho in si fudud aad ugu gudubto waqtigaas. Xiliyada Sicir bararka qiimuhu wuu kordhaa, waxaana hoos u dhaca qiimaha lacagta, waxaadse u baahan tahay inaad markasta xaddido isticmaalkagii sareeyey ee sicir bararka ka hor. Maaraynta nolosha qoyska iyo mid kugu xeeranba waxay u baahan yihiin xiliyadan xeeladaysi ku dhisan gunti giijis dhaqaale oo wanaagsan. Tusaale ahaan inaa dhinto kharaskii aa dhal meel ku wada bixin jirtay oo kale. Sicir bararku waa…

Read More

Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay dhowr hoggaamiye oo sarsare oo ka tirsan Xuutiyiinta oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarrada ay ku qaadeen maraakiib ganacsi oo marayey Badda Cas. “Weerarada argagixisada joogtada ah ee Xuuthiyiinta ee maraakiibta ganacsiga iyo shaqaalahooda rayidka ah ee si sharci ah uga gudbaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waxay halis gelinayaan silsiladaha sahayda caalamiga ah iyo xorriyadda socdaalka, taasoo muhiim u ah amniga, xasilloonida, iyo barwaaqada caalamka,” ayuu yiri. Ku-xigeenka Xoghayaha Khasnadda Argagaxisada iyo Sirdoonka Maaliyadda Brian E. Nelson oo bayaan uu soo saaray. Shaqsiyaadka la cunaqabateeyey waxaa ka mid ah Mohamed al-Atifi, oo…

Read More

Ugu yaraan 70 qof ayaa dhimatay ka dib markii uu ku soo dumay god laga qodo dahabka dalka Mali, sida ay saraakiishu sheegeen. Tunnelka ayaa ku dumay goob ku taal koonfurta-galbeed ee gobolka Koulikoro tirada dhimashada ayaana laga cabsi qabaa iney siyaado. “Dhulku wuxuu bilaabay inuu gariiro,” Oumar Sidibe, oo ah sarkaal maxalli ah oo ka shaqeeya macdanta dahabka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP. Mr Sidibe ayaa yiri: “godka waxaa ku sugnaa in ka badan 200 oo dahab-qodoyaal ah, baaritaankii hadda wuu dhammaaday, waxaan helnay 73 qof oo meyd ah. ” Afhayeenka wasaaradda macdanta Baye Coulibaly ayaa u…

Read More

Tirada dadka la dilay ka dib markii la duqeeyay xarun Qaramada Midoobay ku leedahay Khan Younis ayaa kor u dhaaftay 12 qof sida uu sheegay agaasimaha heyadda UNRWA Thomas White oo bayaan uu soo saaray. Ugu yaraan 75 kale ayaa ku dhaawacmay, 15 ka mid ah ayaa xaaladoodu liidataa, ayuu yiri White. Qayb ka mid ah xarunta tababarka ee UNRWA, oo martigelinaysay kumannaan qof, ayaa lagu garaacay laba madfac oo sababay dab qabsaday, ayuu yidhi White. Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa ku guuleystay inay gaaraan goobta, galbeedka Khan Younis, ka dib markii loo diiday dhowr jeer, ayuu yiri White. Weerarada joogtada…

Read More

Lix qof oo Ghana u dhashay oo ay ku jiraan saddex askari ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay inay ku lug lahaayeen afgambigii dhicisoobay saddex sano ka hor. Tani waxay ahayd dacwadii ugu horeysay ee khiyaamo qaran ah oo Ghana ka dhacda tan iyo 1966-kii markii la afgambiyay hogaamiyihii xornimada ka dib Kwame Nkrumah. Lixda qof ayaa la qabtay sanadkii 2021-kii, xilli ay hub ku tijaabinayeen magaalada caasimadda ah ee Accra, si ay u afgembiyaan dowladda. Kooxdan oo uu ku jiro nin qori tuuri jiray ayaa qirtay in lagu waayay wax dambi ah intii lagu guda…

Read More