Author: radiohalgan.com

Cidanka ammaanka Itoobiya ayaa is hortaag ku sameeyay Madaxweynaha Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wafidigiisa xilli uu u socday hoolka uu ka dhacayey shirka Midowga Afrika. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kula hadlay warbaahinta xaruunta Midowga Afrika ayaa falka ay ku kaceen ciidanka Itoobiyaku tilmaamay xadgudub. Madaxweyne Xasan Sheekh oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri, “Saaka markii aan isku diyaariyey in aan imaado kulanka albaabadu u xiran yihiin ee shir madaxeedka, ciidanka ammaanka ee Itoobiya ayaa is hortaagay halkii aan mari lahaa. Waxa ay ii diideen in aan Hoteelka ka soo baxo, oo aan gaadiidkeyga ku aado halka uu…

Read More

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Nabadda ee Qaramada Midoobay Jean Pierre Lacroix, iyagoo kawada hadlay muhiimadda ay leedahay nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya Iyo guud ahaan geeska Africa. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac waxaa kulanka kala qayb galay Danjiraha JFS ee Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa, La taliyaha Amniga Ra’iisal Wasaaraha XFS Kamaal Daahir Guutaale iyo Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya Maxamed Amiin Sheikh. Saalax Axmed Jaamac Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo weftigiisa ayaa shalay ka qeyb galay kalfadhiga 37-aad ee shir madaxeedka Midowga Afrika, isagoo…

Read More

Dibadbax xooggan oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Israaiil ayaa gilgilay Magaalada Tel Aviv kaddib markii Dadka isusoobaxa dhigaya ay sheegeen in Xukuumadda Benjamin Netanyahu ay ka dhega-furaysatay baaqda nabadda ah ee loo diray. Dadka ugu badan ee Dibadbaxa wada waa ehelka xubnaha maxaabiista ah ee Xamaas u xiran laga soo billaabo 7dii Oktoobar 2023 waxaana ay sheegeen in ay ka walaacsan yihiin nolosha xubnahaas ehelkooda ah. Waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Benjamin Netanyahu iyaga oo sidoo kale watay boorar lagu soo hardhay sawirka Ra’iisul Wasaaraha Israaiil oo lagu soo dhexdaray erayada ay ku tilmaamayaan in uu…

Read More

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay arrimaha ku geedaaman shirkii uu madaxweyne Xasan Sheekh maanta uga qeyb galay magaalada Addis Ababa, kaas oo Itoobiya ay isku dayday inay ka baajiso madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo u dhigtay caqabado badan, balse uu ka gudbay. Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska madaxweynaha Cabdulqaadir Dige ayaa goordhow qabtay shir jaraa’id oo arrimahaas uu ku faahfaahiyey, isagoo sheegay in madaxweynaha ay u suurta-gashay in si wanaagsan uu u gudbiyo khudbadiisa uu madaxda Afrika ugu sharaxay xadgudubka Itoobiya ay ku heyso Soomaaliya. “Madaxweyneaha ayaa khudbad uu ka jeediyey fadhiga loo dhan yahay ee Midowga Afrika wuxuu ka sheegay…

Read More

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka hadlay falkii xadgudubka ahaa ee ay dowladda Itoobiya kula kacday madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii  ay isku dayday inay ka baajiso shirkii Midowga Afrika iyadoo u dhigtay caqabado badan, balse uu ka gudbay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu horreyn cambaareeyay xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay wafdiga uu hoggaaminayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale wuxuu madaxweynaha ku boggaadiyay sida uu uga jawaabay falkaasi, wuxuu sidoo kale u mahadceliyay madaxweynaha Jabuuti oo garab istaagay Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa dhanka kale xusay in Abiy Axmed uu weerar ku yahay dadka Soomaaliyeed, isla markaana uu…

Read More

Siihayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa faahfaahin bixiyey caqabado uu maanta wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh kala kulmay dowladda Itoobiya, intii uu ku howlanaa ka qeyb galka shirka madaxda Midowga Afrika. Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay madaxweynaha ku xujeysay in ciidankiisa laga reebo, iyagoo sheegay inay ku darayaan askar Itoobiyaan ah oo amnigiisa sugeysa, kuwaas oo geynaya howlka shirka lahu qabtay. Xasan Sheekh ayaa diiday in ciidankiisa laga reebo oo askar Itoobiyaan ah uu raaco, iskuna aamino, wasiir Cali Balcad wuxuu sheegay in go’aanka Itoobiya uu ahaa in madaxweynaha Soomaaliya laga baajiyo shirka. Markii ay…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degen-yahay magaalada Addis Ababa ku qaabilay Safiirada dalalka Jaamacadda Carabta u jooga Ethiopia, waxayna ka wada hadleen arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyay ugana mahadceliyay safiirada dalalka Jaamacadda Carabta ee Ethiopia garab istaagga iyo taageerada ay u muujiyeen DFS oo ku guulaysatay inay noqoto dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharaxan mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2025-2026. Kulankan waxaa Madaxweynaha JFS kala qayb galay qaar…

Read More

Ciidamada Israaiil ayaa si cad u diiday in Dawo iyo Shidaal loo gudbiyo Isbitaalka Nasser oo kamid ah goobaha ugu badan ee lagu dawaynayo Dadka waxyeellada kasoo gaartay duqaynta & rasaasta xooggan ee ciidankaas ku beegsanayaan Shacabka Falastiin. Maamulka Isbitaalka Nasser ayaa ka qaylo-dhaamiyay arrintaan oo kahor imaanaysa axdiga lagu aasaasay Qaramada Midoobay waayo Israaiil waxa ay meel iska dhigtay shuruucda kahor imaanaysa in goobaha Caafimaadka la beegsado ama la xayiro. Sarkaal katirsan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostaga loona soo gaabiyo WHO ayaa sheegay in 10kii saac u dambeeyay ay gudbiyeen labo booyad oo waday shidaal aad u…

Read More

Madaxweynaha Dalka Faransiiska Emmanuel Macron oo ka hadlay Qadiyadda ku aaddan in Dalkiisa uu aqoonsado Dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya aanay waddankiisa mamnuuc ka ahayn arrintaas. Emmanuel Macron ayaa hadalkaan ka sheegay Magaalada Paris ee caasimadda Dalka Faransiiska maadaama ay jiraan hadal-hayn badan oo ka dhalatay in la helo Dowlad la aqoonsan yahay oo Falastiin leedahay sida ay soo jeediyeen Dalal badan. Macron ayaa carrabka ku adkeeyay in Faransiisku uu dhinac taagan yahay Falastiin & Israaiil oo ah labo Dowlad oo is dhinac taagan oo xuduud leh isla markaana dhinac weliba uu xushmad iyo qadarin…

Read More

Ciidamada ammaanka ee maamulka Somaliland, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta gacanta ku dhigay haweeney muqaal ku faafisay baraha bulshada, ayada oo aflagaadeyneysa Ilaahey, falkaas oo dhaliyay caro xoogan. Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in baadi-goob dheer, kadib lasoo qabtay haweeneydaasi oo lagu magacaabo Huda Cawaale Xirsi. “Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysane Huda Cawaale Xirsi oo dhawaan muuqaal ay faafisay caayaysay illaahay.!” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale Booliska ayaa tilmaamay in eedeysanaha si deg-deg ah loo horgeyn cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. Hawlgal iyo baadhid dheeriya Ciidanka Boolisku sameeyay ayuu…

Read More