Author: radiohalgan.com

Kooxo hubeysan ayaa Gabar yar oo da’deeda lagu qiyaasay 13 jir saaka aroortii hore ugu kufsaday xero barakacayaal oo ku taalla duleedka magaalada Garoowe caasimada Puntland. Goob joogayaal ayaa sheegay in ragga hubaysan ee kufsiga geystay ay ku lebisnaayeen dareyska ciidamada Puntland kuwaasoo guriga ugu galay qoyska gabadha oo qoryo ku qabtay kadibna hortooda ku kufsaday. Halka lagu magacaabo Jiingadda oo ka tirsan xeryaha barakacayaasha ee dhinaca bari ka xiga magaalada Garoowe. Gabadha yar ee la kufsaday oo xaaladeeda caafimaad liidatay ayaa loola cararay isbitaal ku yaalla Garoowe, iyadoo kooxihii falkaas geystay ay baxsadeen, mana jiro war ka soo baxay…

Read More

Guddiga Gaarka ah ee Arrimaha Xabsiga Dhexe Xamar ee Golaha Shacabka BJFS. ayaa Maanta kulan kula yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Gudiyada ee Villa Hargeysa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan. Kulanka waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Gaarka ah xil.Gen.Bashiir Cabdi Maxamed Ameerika. Taliiyaha viidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa warbixin guud kasiiyay Guddiga Xaalada Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar, asagoona aad ugu dheeraaday marxalada ay ku sugan yihiin Maxaabista kuwa xukuman iyo kuwa xukun sugayaasha ah Tirada Maxaabiista kujira Xabsiga iyo guud ahaan xaalada Xabsiga Dhexe ee Xamar Waxuu sidoo kale sheegay inay jiraan caqabado u baahan in laga taageero sida…

Read More

Xafiiska Hantidhowrka guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu u xilsaaran yahay inuu baaris Hantidhowr ku sameeyo hay’adaha dowladda federaalka, Wasaaradaha, Waaxyaha iyo Shirkadaha ay dowladdu leedahay ama qaybta ka tahay. XHGS waxa uu sidooo kale masuul ka yahay inuu baaris Hantidhowr ku sameeyo dhammaan dakhliga iyo kharashaadka, Mashaariicda, Deeqaha, Heshiisyada, Hantida (hantida guurtada ah iyo midda ma-guurtada ah ee ay dowladdu leedahay), iyo deynta dowladda, si waafaqsan Sharciga Hantidhowrka guud ee JFS (𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢 𝐋𝐫. 𝟏𝟒, 𝟐𝟎𝟐𝟑) iyo Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢 𝐋𝐫. 𝟏𝟕, 𝟐𝟎𝟏𝟗). Hantidhowrka guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu u xilsaaran yahay inuu baaris Hantidhowr…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta Shir-gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle ayaa looga hadlay arrimaha amniga ee deegaanada Hirshabeelle, Howlgalada kooxda Khawaarijta alshabaab looga xoreynayo deegaanada Hirshabeelle, Baahinta garsoorka, Dar-dargelinta dhismaha gole-yaasha deegaanka, Warbixin mashaariicda Wasaaradda Beeraha ee hada socda iyo kuwa dhowaan bilaaban doona, iyo ka doodista nuqulka, qaab dhismeedka shirkadaha amni ee gaarka loo leeyahay. Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha uga warbixiyay amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta alshabaab ee wali ka socda deegaanada Hirshabeelle isagoo tilmaamay in loo diyaar garoobayo wajiga labaad ee howlgalada lagu ciribtirayo khawaarijta…

Read More

Lataliyaha madaxweynaha xiriirka dowlad goboleydyada dalkaMudane Mohamed Hasssan Ibrahim Qoono Waxaan bogaadinayaa guulaha diblomaasiyadeed ee madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud kasoo gaaray shir madaxdeedkii 37-aad ee Midowga Africa. Madaxweynaha waa ku mahadsan yahay sida adag ee uu uga hadlay damaca guracan ee dowladda Ethiopia kula kacday madaxbanaanida iyo qaranimada wadankeenna oo ah mid baalmarsan shuruucda caalamiga. Waxaan baaq masuuliyad wadareed ah u diraa dhammaan siyaasiyiinta iyo bulshada Soomaaliyeedba inaan ku taageerno madaxweynaha JFS difaaca dalka iyo inaan hal mowqif ka qaadano wax kasta oo danaha iyo madaxbanaanida Soomaaliya ka hor imaanaa. Lataliyaha madaxweynaha xiriirka dowlad goboleydyada dalkaMudane…

Read More

Al shabaab ayaa baahisay in ay geeriyoodeen labo dhakhaatiir ah oo muddo sanado ah ay gacanta ku hayeen. Dhakhaatiirta oo u dhalatay dalka Cuba ayaa in kabadan afar sano kahor laga afduubtay gudaha dalka Kenya iyadoo markii danbe Al-shabaab ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan. War ay soo saareen ayey ku sheegeen in duqeyn ka dhacday degmada Jilib ay ku geeriyoodeen labadan dhakhaatiirta ah, inkasta oo aysan jirin ka madaxbanaan kooxda oo xaqiijin kara sida ay wax u dhaceen. Warsaxaafadeed kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen degmada Jilib lagu dilay labadan…

Read More

Magaalada Gaarisa waxaa ka dhacday munaasabad guur wadareed loogu sameeyey in ka badan afartan lamaaneyaal oo ah dad danyar ah, oo doobab iyo gabdho isugu jiray, kuwaas oo laga soo xulay qaybaha kala duwan ee Ismaamulka Gaarisa. Sida ay BBC-da u sheegtay Xaawo Cabdi Sahal (Xaawo deggan) oo ah Madaxa xafiiska ismaamulka degmada Gaarisa u qaabilsan arrimaha jinsiga, dhaqanka, isboortiga, dhallinyarada iyo arrimaha bulshada, talaabadan ayey u qaadeen sidii loo caawin lahaa dadka duruufuhu u suuragalin waayeen inay guursadaan sababo dhanka kharashka ah. Dadka la isku daray ee guurkoodu sida wadajirka ah ugu dhacay Gaarisa, waxay isugu jireen dad da’doodu…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo suxufiyiin kula hadlayey Addis Ababa ayaa sheegay in Itoobiya ay qiil u samaynayso heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland isagoo ku eedeeyey Itoobiya “ inay doonayso inay qaadato dhul Soomaaliyeed” Wuxuu intaa ku daray madaxweynaha Soomaaliya “in wakhtigan ay saraakiil sare ku sugan yihiin Somaliland kuwaas oo wada diyaar garów ay halkaa ka wadaan” si heshiiska loo dhaqan galiyo, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay sii murjinayso xiisadda. Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Cali Maxamed Xasan ‘Cali Mareexaan’ ayaa BBC-da u sheegay ‘in Somaliland soddonkii sano ee la soo dhaafayba ay…

Read More

Sida ay qortay warbaahinta Masar iyo qaar kamid ah wakaaladaha warar ee dunida, sanadkii 1995 tii, madaxweynihii hoe ee Masar Xusni Mubarak ayaa ka badbaaday iskuday dil isaga ku sugna gudaha caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Koox hubaysan ayaa wadada u galay waxayna rasaas ku fureen kolonyadii galbineysay, xilli uu u sii socday xarunta uu ka dhacayay shirka madaxda Afrika ee ka qayb galayay kulan ay Midowga Afrika lahaayeen. Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah falka ayaa ka dhacay meel u dhaw safaaradda Falastiin, oo aan sidaasna uga fogayn garoonka diyaaradaha. Wuxuu ku bilowday laba gaari oo wada halmar ku…

Read More

Shir madaxeedkii khudbadda ka jeediyey, kana soo tegay Madaxweyne Xasan Sheekh ee Midowga Afrika ayaa galabta lagu soo gabagabeyey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. War-saxaafadeedkii laga soo saaray gabagabada shirka waxaa nuqul ka mid ah looga hadlay khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo gaaray meel xasaasi ah. Madaxda Midowga Afrika ayaa bayaankaan ku sheegay inay aad uga walaacsan yihiin khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay saxiixii Muuse Biixi ee badda Soomaaliya ay ku soo damaacisay Itoobiya. “Walaac ka muujiyey xiisadda u dhaxaysa Jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, kadib saxiixii heshiiskii isfaham ee dhex…

Read More