Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Guutada 3aad ee qeybta 27aad ciidanka xoogga dalka ayaa gacanbta ku dhigay rag ka tirsan Al-Shabaab oo kiinooyin ku aasay degaano hoos yimaada gobolka Sh/dhexe. Raggan ayaa la qabtay markii ay qaraxyo lagu aasay dhulka la beegsadeen kolonyo uu la socday taliyaha Guutada 3aad ee qeybta 27aad Ciidanka xoogga dalka G/sare Ibraahim Yuusuf Nuur kuwaasoo marayey degaano u dhexeeyey magaalada Jowhar iyo degaanka Xawaadley. Ciidamada ayaa qabtay raggan ka dib markii labo qarax la beegsadeen ciidamada, midkood waxaa uu ahaa qarxiyaha miinooyina halka kan labaadna uu ahaa ilaalo hubeysan. Dhinaca kalem Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan ururka 47-aad guutada 8-aad…
Ku dhawaad 10 qofood oo la socotay gaari BL ah (Home) iyo Mooto Bajaaj ayaa caawa ku geeriyootay qarax ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho. Qarax ahaa miinada nooca soo booda ayaa qabsaday shacabkii la socday gaariga BL-ka ah iyo mooto Bajaaj-ta, waxaana halkaas ku geeriyooday oo Caasimada Online ay meydadkooda aragtay 9-qof, waxaana intaas ka badan karta tirada dhimashada. Sidoo kale dad kale oo ku dhaawacmay qaraxaas ayaa laga qaaday goobta, waxayna dad goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen in qaraxaasi uu ahaa miino ka soo booday laamiga geeskiisa. Khawaarijta Al-Shabaab ayaa qaraxa caawa dadka lagu laayey dhigtay isgoyska Soos…
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka dooday arrimaha Soomaaliya, waxayna diblomaasiyiintii khudbadaha ka jeediyey ka hadleen xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya iyo arrimaha waxka bedelka dastuurka ee Soomaaliya ka socda. Kulankaasi waxaa diblomaasiyiinta khudbadaha ka jeediyey ka mid ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing, Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya, iyo wakiillada dawladaha Maryakanka, Britain iyo Shiinaha. Wakiillada dawladaha Maraykanka, Shiinaha iyo Britain ayaa mar kale ku celiyey inay dawladahoodu taageerayaan madaxbannaanida dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Laing ayaa khudbaddeeda ku sheegtay…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray go’aankii maanta warbaahinta dowladda loogu diiday inuu ka baxo hadalkii uu kulanka baarlamaanka ka jeediyey madaxweyne hore, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed, sidoo kale Farmaajo wuxuu fariin u diray Xasan Sheekh. Sheekh Shariif ayaa maanta kulankii baarlamaanka ka jeediyey dood adag oo uu kaga soo hor jeeday in baarlamaanku shaqada dastuurka guda-galaan, iyadoo aan laga gaarin heshiis siyaasadeed, hadalkiisana kama bixin TV-ga iyo Raadiyaha Qaranka oo toos u tebinayey doodii xildhibaanada ee ka socotay kulanka. Farmaajo ayaa sheegay in dhacdadaan ay hor-dhac u tahay “qorshaha qarsoon iyo natiijada gurracan…
Jowhar: 19, Febaraayo, 2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen Markuu arkay: Qodobka 51-aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle. Markuu Arkay: In ay muhiim tahay dar-dargelinta Agaasinka Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle. Markuu tixgaliyay: Aqoonta iyo Waayo aragnimada uu mudanahaan u leeyahay arrimaha warfaafinta iyo xiriirka bulshada. Waxa uu Mudane Maxamed Shuuriye Nuur u Magacaabay Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle. -DHAMAAD-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan horumarrada laga gaaray adeegga iyo maamulka Hawada Soomaaliya, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, iyaga oo soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha duulimaadyada dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed horumarka ay sameeyeen, isaga oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta Hey’adda Duulista Hawada, si loo sii labo jibbaaro guulaha la gaaray. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga in ay baaritaan…
Shir Madaxeedka Midowga Africa ayaa gacanta la’iskula tagay kadib markii ay dawladda Ethiopia oo marti-gelinaysa ay ku guul-dareysatay hab-agaasinka, iyo marti-soorka madaxda midowga Africa. Video-Clip laga soo qaaday xarunta midowga Africa ayaa muujinaya buuq, fawdo iyo gacan ka hadal dhex-marayey wafuudda qaar ee ka qayb-galaya shirka, taasi oo muujinaysa habacsanaanta iyo fashilka ay wajahayso Xukuumadda Addis ababa. Warbaahinta Gudaha Itoobiya(Amaharic News Agency) ayaa sheegtay in shirka Midowga Africa intiii uu socday ay rabshada ka dhaceeen halka falanqeeye Itoobiyaan ah oo lagu magacaabo,AndargachewTse uu ku sifeeyey sanadkaan in uu Itoobiya uu yahay sanad uga xun si guud, si gaar ah habka…
Boliiska degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa qoraal ka soo saaray geerida Agaasimihii Waaxda Diyaaradaha ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Marxuum Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan (Dahable) oo meydkiisa laga helay hoyga oo ka degan yahay Waaxda Jeneraal Daa’uud, gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow. War-muritiyeedka xalay kasoo baxay saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ayaa lagu yiri: “Caawa fiidkii abaare 06:30 PM ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaa soo gaartay xogta in meydka muwaadin uu yaalo gurigii uu dagaanaa oo ku yaalla Waaxda Jeneraal Daa’uud gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.” Booliska ayaa intaas ku daray “Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan,…
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa qorsheynaya inuu Aqalka Cad ku soo dhaweeyo Madaxweynaha Kenya William Ruto bisha May ee soo socota. Booqashadan ayaa ku soo aadeysa ka dib markii Biden uu ka noqday sanadkii la soo dhaafay, ballan qaad uu ku tagi lahaa Africa. Xoghayaha warfaanita ee Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre ayaa ku dhawaaqday booqashada uu Ruto ku imaanayo Mareykanka 23-ka bisha May ee soo socta. Waxay sheegtay in ujeeda booqashada ay tahay sii xoojinta iskaashiga labada waddan ee dhinaca amaanka iyo nabadda, balaarinta xiirka dhaqaale ee labada wadan iyo difaaca mabaa’diida dimuquraadiyadda. Warka ku saabsan booqashada Ruto ayaa soo…
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo suxufiyiin kula hadlayey Addis Ababa Sabtidii, ayaa sheegay in Itoobiya ay qiil u samaynayso heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland isagoo ku eedeeyey Itoobiya inay doonayso inay qaadato dhul Soomaaliyeed. Wuxuu intaa ku daray madaxweynaha Soomaaliya “in wakhtigan ay saraakiil sare ku sugan yihiin Somaliland kuwaas oo diyaar garów halkaas ka wada,” si heshiiska loo dhaqan galiyo, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay sii murjinayso xiisadda. Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Cali Maxamed Xasan “Cali Mareexaan” ayaa BBC-da u sheegay in Somaliland soddonkii sano ee la soo dhaafayba ay Itoobiya kala hadlaysay arimo badan oo khuseeya labada…