Author: radiohalgan.com

Trent Alexander-Arnold ayaa la xaqiijiyay in uu dhaawac ka soo gaadhay jilibka kulankii ay ka badiyeen Arsenal tartanka FA Cup-ka. Xiddiga reer England ayaa la xaqiijiyay in uu dhaawac jilibka ka soo gaadhay xiddiga kulankii ay kooxdiisu ka badisay Arsenal. Trent Alexander-Arnold ayaa lagu soo waramayaa in uu garoomada ka maqnaan doono muddo 3 todobaad ah kadib dhaawaca soo gaadhay. Xiddiga ayaa kooxdiisa ka maqnaan doona kulamo muhiim ah kadib dhaawaca la xaqiijiyay in uu soo gaadhay. Trent Alexander-Arnold ayaa kooxdiisa ka maqnaan doona 5 kulan kadib dhaawaca soo gaadhay ee jilibka. Kulamada uu Trent Alexander-Arnold ka maqnaan doono kooxdiisa…

Read More

Kooxda reer Talyaani ee AC Milan ayaa ku dhawaaqday, bayaan rasmi ah in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Filippo Terracciano. Kooxda reer Talyaani ayaa tiri: “AC Milan waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo saxiixa Filippo Terracciano kaas oo ka yimid kooxda Verona heshiis joogto ah.” “Waxa ay kooxdu intaas ku dartay”Daafaca reer Talyaani waxa uu saxeexay heshiis 4 sano ah oo uu kooxda ku joogi doono ilaa 30 June 2028”. Kooxda Ac Milan ayaa xaqiijisay in uu xiddiga kooxda u xidhan doono lambarka No.38. Xiddiga Terracciano ayaa ka ciyaari kara daafaca Midig iyo waliba khadka dhexe ee daafaca.

Read More

Weeraryahanka Man United ee Rasmus Hojlund ayaa ah weeraryahanka ugu xun taariikhda Man United marka la qiimeeyo 24-ka kulan ee ugu horeeya. Rasmus Hojlund ayaa ku jira halka ugu hoosaysa goolasha ama caawinta kadib 24 kulan oo uu ciyaaray weeraryahada soo maray taariikhda Man United. Kaliya xiddigii ku fashilmay Man United ee Wout Weghorst ayaa ah xiddiga ka rikoodhka xun xiddiga weerarka ugu qaalisan Man United suuqii xagaaga ee la soo dhaafay. Xiddiga 72 milyan ku fadhiya ee 20 sano jirka ah ayaa ku jira qaab ciyaareed aad u liita waxana uu ku dhibaatoonayaa goolka hortiisa. Xiddiga Hojlund ayaa dhaliyay…

Read More

Waxa fooda inagu soo Haya tartanka ugu xiisaha badan qaarada Africa kaas oo bilaaban doona maalmaha soo socda. Horyaalada ugu waaweyn qaarada yurub ayaa dareemi doona saamaynta koobka Africa ee dhawaan bilaaban doona. Horyaalka France ee Ligue 1 ayaa xiddigaha ugu badan waaayi doona sabab la xidhiidhka koobka Africa. xiddigo dhan 88 xiddig ayaa ka tagi doona kooxaha kala duwan ee horyaalkaas si ay uga qayb galaan koobka Africa. Waxa ku xiga horyaalka Premier League oo waayi doona 48 xiddig oo xulalkooda kala qayb gali doona koobka Africa. Waxa ku xiga horyaalka Talyaaniga ee Serie A kuwaas oo 37 xiddig…

Read More

Waxa lagu jiraa suuqa January iyada oo kooxuhu isku diyaarinayaan in ay sameeyaan saxiixyo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxdooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka. Suuqa January ayaa inta badan ah mid adag waxana ay kooxuhu ku dhibaatoodaan in ay dhamaystiraan saxiixyada ay doonayaan. Waxa jirta marar kooban oo ay kooxuhu baanka u jabiyeen saxiixyo suuqa January iyada oo heleen saxiixyo ay ka bixiyeen lacag badan. Xiddiga Philipe Coutinho ayaa wali ah saxiixa ugu qaalisan ee la sameeyay suuqa January kadib markii ay Barcelona baanka u jabisay saxiixa xiddiga suuqii January. Waxa ku xiga kooxda kooxda chelsea ee Enzo…

Read More

Goolhayaha Kooxda Man United iyo xulka qaranka Cameroon ee André Onana ayaa seegaya bilowga koobka qaarada Africa ee bilaaban doona todobaadka dame. Goolhaye André Onana ayaa seegi doona kulanka ugu horeeya ee uu xulkiisu ciyaari doono koobka qaramada qaarada Africa. Sida laga soo xigtay i sport, Onana ayaan ciyaari doonin kulanka furitaanka ee xulkiisa tartanka koobka Africa. Shabakada kor ku xusan ayaa sheegtay in Onana uu muhiimada siinayo xirfadiisa kooxda Man United. Onana ayaa ciyaari doona kulanka Todobaadka dambe ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Tottenham kulan ka tirsan horyaalka premier League. Sidaas darteed xiddiga ayaa seegi doona kulanka…

Read More

Xiddigii hore ee Liverpool Sadio Mane, oo 31 jir ah, ayaa guursaday ‘18-sano jir saaxiibtiis muddada dheer ah’ Aisha Tamba xaflad gaar ah oo ka dhacday Senegal. Aroosku wuxuu dhacay 7-dii January isaga oo ka dhacay Keur Massar – lix maalmood ka hor bilowga Koobka Qaramada Afrika ee 13 January. Wararka ka imaanaya Pulse Sports ayaa sheegaya in Aisha ay xidhiidh dheer la lahayd xiddiga 31 jirka ah ilaa markii ay caruurta ahayd iyada oo sidoo kale la sheegay in xiddigii hore ee Liverpool uu qaaday masuuliyada gabadha iyo waxbarashadeeda. Wargayska Mailonline ayaa sheegaya in uu Mane sidoo kale qaaday…

Read More

Garsoorka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sannad iyo badh xadhig ah ku xukumay Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye, oo kamid ahaa shakhsiyaad ay Somaliland sheegtay inuu la shaqeynayay sirdoonka Soomaaliya. Hay’adda Sirdoonka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland (NIA) ayaa magaalada Hargaysa ku qabatey Cabdiraxmaan 17-December 2023. Qoraal lasoo dhigay barta X ee hay’adda NIA ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan uu hay’adda NISA ee Soomaaliya “u qaabilsanaa khalkhal galinta amniga iyo siyaasadda”. Hay’adda NIA ayaa bishii December ee sanadkii hore sheegtay in ay qabteen labo nin oo ay ku sheegeen in ay yihiin sirdoodnka Soomaaliya gaar ahaan shaqsiyaad…

Read More

Fannaankan asalkiisu Soomaaliga yahay ee heysta dhalashada Canada, Keynaan Cabdi Warsame, ayaa sanadkii hore soo saaray heesta “Qaxooti” taasoo uu ugu talogalay qaxootiga adduunka. Guddiga Recording Academy oo bixiya abaal-marinnada dhanka fanka ayaa u qoondeeyay abaalmarinta Special Merit Award, taasoo uu ku muteystay fankiisa ku wajahan isbeddelka bulshada. Sida ay qorayaan qaar ka mid ah warbaahinta Canada, Kenyaan ayaa loo magacaabay qofka sanadkan ku guuleystay Abaalmarinta Heesta ugu Wanaagsan ee Isbeddelka Bulshada, taasoo uu ku muteystay heestiisa Qaxooti ee sanadkii hore soo baxday. Abaalmarintan ayaa waxaa bixiya Recording Academy — waana isla guddiga xirfadleyaasha muusikada ee sanad walba bixiya abaalmarinta…

Read More

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyay ee is casila, kadib khilaafkii ka dhashay heshiiska muranka badan ka dhaliyay Geeska Afrika. Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa sheegay in uu is casilay, waxaana uu tilmaamay in ay ahayd in golaha wasiirrada lagala tashado heshiiska ay Somaliland la gashay Itoobiya oo ah dal daris ah oo aan bad lahayn. Soomaaliya oo u aragta Somaliland inay ka tirsan tahay dhulweynaha Soomaaliya ayaa si caro leh uga jawaabtay heshiiskii 1-dii Jannaayo, waxayna ku tilmaantay faragalin arrimaha gudaha Soomaaliya lagu sameeyay. Mareykanka iyo Midowga Afrika…

Read More