Author: radiohalgan.com

Diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobe iyo shaqaale la socday ayaa u gacan galay kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay si khaldan ugu degtay deegaan ay maamusho kooxda, waxaa sidaas xaqiijiyey ilo-wareedyada Radio Halgan Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku degtay degaan u dhow degaanka Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galguduud, oo ay maamusho kooxda Al-Shabaab, sida ay xaqiijiyeen saraakiil amni oo la hadlay Radio Halgan 📻 Diyaaradda iyo shaqaale la socday, oo la sheegay inay gaarayaan illaa 4 qof, ayaa waxaa hadda gacanta ku haya kooxda Al-Shabaab, ayey sheegeen ilo-waeedyada. Illaa iyo hadda si rasmi ah looma caddeyn…

Read More

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa ka hadashay doorashadii soo dhammaatay ee maamul goboleedka Puntland, taas oo mar kale dib loogu doortay madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni. Ugu horreyn Ilhaan Cumar ayaa madaxweynaha cusub ee Puntland ugu hambalyeysay guusha uu ka gaaray doorashada, taas oo dhaxal-siisay inuu sii hoggaamiyo maamulka. “Hambalyo Madaxweyne Saciid Deni oo dib u doortay. Waxay marag madoon u tahay hogaamintaada inaad noqoto madaxwaynihii ugu horeeyay Puntland ee mar labaad ku guulaysta doorashada” ayay ku tiri war qoraal ah oo ay soo saaray Ilhaan Cumar., Sidoo kale waxay u rajeysay guul iyo inuu wax badan…

Read More

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka jawaabtay dalabkii shacabka, ayna ayiday in beri oo Khamiis ah la qabtao dibad-bax ka dhan ah dowladda Itoobiya, kadib xadgudubkii ay u gaysatay qaranimada Soomaaliya. Fiqi ayaa sheegay in heshiiska lagu gaaray Addis Ababab loogu saxiixay Abiy Axmed meeshii ugu muhiimsanayd ee badda Soomaaliya, ayna tahay xadgudub weyn. “Hadda meesha loo saxiixay waxay tahay meesha ugu istaraatiijisan badda Soomaaliya waa dhuuntii badweynta oo u bucda u ahayd oo hunguri u ahayd Soomaaliya” ayuu yiri Fiqi. Sidoo kale wuxuu wasiirku intaasi…

Read More

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo saaka ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka KMG ka ah ee SSC-Khaatuma Dagaalka aoo ahaa mid xoogan ayaa qarxay saaka aroortii hore, kadib markii ay isku dhaceen askar ka wada tirsan ciidamada dadka deegaanka ee SSC-Khaatuma. Ilo wareedyo lagul kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in ciidamada uu soo kala dhex-galay muran xoogan, kaas oo ka dhashay qoray Zuu ah oo ay horay uga qabsadeen Somaliland, waxaana kadib sidaas ku qarxay iska hor imaadka oo socday muddo ku dhow saacad.…

Read More

Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa war cusub kasoo saaray mooshin culus oo ay dhowaan u gudbiyeen guddoonka golaha, kaas oo ku saabsanaa heshiisyo amni oo ay si qarsoodi ah xukuumadda ula soo gashay Itoobiya iyo Imaaraadka. Xildhibaan Faa’iso Jayte oo ahrisay go’aanno ay soo saareen Xildhibaannada saxiixay mooshinkaas ayaa beenisay inay ka laabteen go’aankoodii hore ee mooshinka, waxayna tilmaamtay in doodoodu ay sii socon doonto, isla markaana ay ka war sugayaan guddoonka iyo in la horkeeno Baarlamaanka si xukuumadda wax looga weydiiyo heshiisyadaasi. Bayaan ay soo saareen Xildhibaannadan ayaa waxaa lagu…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeeray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow. Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Madaxweynaha Qaranka warbixin ka siiyay xaalada dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo sida ciidamada xoogga ay diyaar ugu yihiin sagaalka dalka loogu sifeenayo argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidanka, waxa uuna kulan guud uu la qaatay Taliyaasha Ciidamada Badda, Cirka, Taliye ku-xigeenka Ciidamada dhulka Xooga dalka Soomaaliyeed. Shirka…

Read More

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhawaaqa jug culus oo maanta duhurkii laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Dhawaaqa jugta culus ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa qarax lasoo dhigay Suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, kaasi oo markii dambe ay qarxiyeen ciidamada ammaanka. Qoraal kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa lagu shaaciyay in qaraxaas aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay, ayna ciidamada ammaanka dadka ka badbaadiyeen. “Saaka 10 Jan 2024 abaare 12:20 AM ayeey Khawaarijtu si dhagar ah, walxa qarxa usoo dhigeen Suuqa Marwaas gaar ahaan Kaalin Shidaal ee Degmada Xamarweyne.…

Read More

Tan iyo markii uu soo baxay heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya, ee qeybo kamid ah badda Soomaaliya loogu saxiixay Itoobiya, ayaa waxaa isa soo tarayay tallaabooyinka looga jawaabayo arrintaasi. Marka laga imaado qaraarka ay ku diiday heshiiskaasi dowladda federaalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa bilowday isku-day ka dhanka ah Abiy Axmed oo la doonayo in looga xayuubiyo billadda Nobel Peace Prize, oo kal hore la siiyay. Qurbajoogta Soomaaliyeed oo codkooda ku biiriyay sida ay uga soo horjeedaan weerarka qaawan ee ay dowladda Itoobiya kusoo qaadday madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, ayaa sameeyay codeyn dhanka khadka ah oo Soomaalida ku muujinayaan rabitaankooda…

Read More

Khilaaf culus ayaa ka dhex qarxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, kadib markii uu is hortaagay qorshe ay wadatay dowladda dhexe oo ku saabsan dagaalka Al-Shabaab. Ilo xog ogaal ah oo Caasimada Online uga waramay khilaafkaan ayaa sheegay in dowladda federaalka ay dooneysay inay ciidamo badan geyso deegaanada Koonfur Galbeed, si loo bilaabo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab. Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay inuu hor istaagay qorshahaas, isagoo si cad u diiday in dowladda federaalka ay ciidan cusub geyso gobollada uu xukumo, taas oo ka dhigan inuu hor istaagay dagaalka Al-Shabaab. Cabdicasiis Laftagareen ayaa sababta uu…

Read More

Jabhadda Xoreynta Oromiya oo dagaal kula jirta xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed uu hoggaamiyo ayaa si adag uga hor timid damaca Iyoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya. Jabhadda ayaa qoraal ay soo saartay isaga fogeysay inuu Abiy Axmed yahay nin qowmiyadda Oromada ku metela heshiisyada, ama tallaabooyinka uu qaadayo. Si gaar ah waxay u soo hadal qaadeen heshiiskii badda ee dhawaan Abiy Axmed uu la saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. War-saxaafadeed maanta soo baxay Jabhadda Oromia oo uu ku saxiixan yahay Afhayeenka Jabhadda ayaa lagu caddeeyay in mar kasta maamulka Abiy Axmed uu faafiyo dacaayad uu isugu ekeysiinayo inuu yahay mid…

Read More