Author: radiohalgan.com

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay xoojiyaan meelaha ay ka jilisan yihiin. Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo kale iyaga oo doonaya in ay u tartamataan koobabka qaybta dambe ee ciyaarta. Halkan kaga bogo wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga. Kooxda Real Madrid ayaa qiimaynaysa saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Erling Haaland sabab la xidhiidha wal-wal ay ka qabaan in xiddiga Kylian Mbappe uu ku biiri doono kooxda (AS). Xiddiga Jadon Sancho ayaa tijaabada caafimaadka u maray Dortmund waxana uu ku dhaw yahay in uu…

Read More

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay shaqada ka caydhiso tababare Mauricio Pochettino hadii ay kooxdu waydo u soo bixitaanka yurub xilli ciyaareedkan. Tababarihii hore ee Tottenham Hotspur ayaa u dhaqaaqay Stamford Bridge xagaagii, isagoo doonayay inuu kor u qaado Blues ka dib qaab ciyaareedkii xumaa ee xilli ciyaareedkii hore. Pochettino ayaa suuqa galiyay lacago badan markii uu yimid kooxda isaga oo lacag waali ah ka bixiyay xiddigo. Sida laga soo xigtay Telegraph, Chelsea ayaan diyaar u ahayn in ay caydhiso Pochettino kadib markii ay kooxdu dhibaatootay qaybtii dambe ee ciyaarta. Si kastaba ha ahaatee,…

Read More

Jurgen Klopp ayaa si kaftan ah uga raali galiyay Curtis Jones In uuna kulamo badan ciyaarsiin kadib markii uu door muhiim ah ka ciyaaray guushii Liverpool ee semi-finalka Carabao Cup. Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay Fulham kulan ka dhacay Anfield lugtii 1-aad ee Semi-final-ka tartanka Carabao cup-ka. Reds ayaa dhibaatootay qaybtii hore ka hor inta uuna Jones dhalin goolka 1-aad ahna goolka bar-baraha qaybtii dambe ee ciyaarta. Jones ayaa gool qurux badna u dhaliyay kooxdiisa waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ugu dambeeyay. Xiddiga 22 jirka ah ayaan si joogto ah ugu ciyaari jirin…

Read More

Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee Semi-final-ka tartanka Carabao cup-ka. Kooxda Fulham ayaa Liverpool kaga naxsatay gool waxana u dhaliyay xiddiga Willian kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 19-aad. Liverpool ayaa qaybtii dambe si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha ee ciyaarta. Daqiiqadii 68-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad ahaana goolka bar-baraha waxana u dhaliyay Curtis Jones kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1. Liverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii raadinayeen goolal ay ciyaarta ku dilaan. Daqiiqadii 71-aad ayay Liverpool dhalisay goolka…

Read More

Real Madrid ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay Atletico Madrid iyada oo 5/3 ku garaacday kooxda ay dariska yihiin iyaga oo iska xaadiriyay Final-ka Spanish Supercopa. Ciyaarta ayaa ahayd mid xiiso leh iyada oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah oo ay ku dagaalamayeen. Atletico Madrid ayaa daqiiqadii 6-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mario Hermanos iyaga oo hogaanka u qabtay ciyaarta. Kooxda Real Madrid ayaa daqiqiadii 20-aad iyo 29-aad dhlisay 2 gool oo deg-deg ah waxana u dhaliyay Antonio Rudiger iyo Ferland Mendy ka hor inta ayna Atletico Madrid dhalin goolka bar-baraha waxana…

Read More

Kooxda Arsenal ayaa war fiican ka heshay xaalada xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey. Partey ayaa ku soo laabtay tababarka kooxdiisa Arsenal xilli uu doonayo in uu ku soo laabto kooxda. Xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey ayaa laga yaabaa inuu Arsenal ku soo laabto ka hor dhamaadka bisha January. Partey ayaa kor u qaaday Tababarkiisa soo kabsashada dhaawaca uu kaga maqnaa kooxda bilowgii xilli ciyaareedkan. Xiddiga Partey ayaa laga yaabaa in uu ku soo laabto shaxda kooxdiisa kulanka Nottingham Forest horyaalka premier League.

Read More

Sida ay sheegtay QM Diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa gacanta ku dhigay Al-Shabaab kadib markii ay ku degtay dhul ay gacanta ku hayaan kooxda hubeysan. Dhowr qof oo la socotay ayaa lagu soo warramayaa inay qaadeen kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida oo sanado badan dagaalo ka waday Geeska Afrika. Diyaarada ayaa ku degtay meel u dhow degaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud markii ay soo wajahday cilad farsamo oo deg deg ah, sida lagu sheegay qoraalka. Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku sugan Muqdisho ayaa sidoo kale dhacdadan u xaqiijiyay Aljazeera. Sida…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khadka teleefonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Kuwait, Shiikh Dr. Maxamed Sabaax Al-Salem Al-Sabaax. Labada Ra’isul Wasaare ayaa wadahadlkooda inta uu socday ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Kuwait. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhiggiisa Kuwait ugu hambalyeeyay masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoo u rajeeyay in Allaah uu ku guuleeyo xilka. Waxaana uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kuwait.

Read More

Britain ayaa sheegtay in maraakiibteeda dagaalka iyo kuwa Mareykanku ay iska caabiyeen weerarkii ugu ballaarnaa oo ay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen marinnada maraakiibta caalamiga ah ee badda cas. In ka badan labaatan gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa la soo riday. Wax dhaawac ah ama burbur ah lama soo sheegin. Shirkadaha xamuulka qaada ee ugu waaweyn caalamka ayaa aagga ka wareejiyey maraakiibtooda si ay uga fogaadaan badda cas. Falaagada ay Iran taageerto ayaa sheegaty in ay sii wadi doonaan illaa iyo inta ay Israa’iil ogolaanayso in sahayda gargaarka bini’aadantinimo si buuxda loo geeyo marinka Qasa. Xuutiyiinta oo ay…

Read More

Caabuq ayaa sababay in xoghayaha Difaaca dowladda Mareykanka Lloyd Austin la dhigo isbitaal 1-dii Bishaan, kadibna loo wareejiyo qeybta daryeelka gaarka ah ee isbitaalka la dhigay. Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa shalay uun ogaaday in wasiirka ugu muhiimsan xukuumadiisa laga helay kansarka borostaatada, sida uu sheegay Aqalka Cad. Mr Austin, oo 70 jir ah, ayaa la kulmay cambaareyn kadib markii ay soo baxday in saraakiil sar sare aysan muddo saddex maalmood ah waxba kala socon in la dhigay isbitaalka. Kadib wuxuu ka bixiyay raalligelin ah in xaaladdiisa aan si wanaagsan loo ogeysiin bulshada. Xoghayaha difaaca ayaa waxaa keliya ka…

Read More