Author: radiohalgan.com

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka socda dibadbax weyn oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, kadib heshiiskii ay wada galeen maamulka Somaliland iyo Itoobiya. Banaanbaxa oo ay ka qayb-galayaan kumanaan shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa haatan ka bilowday isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Dibad-baxayaasha ayaa ku qaylinaya erayo ka dhan ah Itoobiya oo ku kacday xadgudub ka dhan ah madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa xiran waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo lasoo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Goobaha waxbarashada iyo ganacsiyada ayaa…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Xoghaya ayaa ka wada hadlay, “Xaaladda gobolka iyo xasillooni darrada ay abuurayso damaca iyo xadgudubka Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida iyo gobanimada Soomaaliya,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sii yiri, “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la weadaagay aragtida iyo siyaasada dowlada federal Soomaaliya oo ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam, taas oo ay barbar socoto in dadka iyo dowladda Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu…

Read More

Radiohalgan.com(Radiohalgan.com)- Lataliyaha Madaxweynaha Xiriirka Dowlad Goboleydyada Mudane Mohamed Hassan Ibrahim (Qoono) ayaa yiri Waxaan maanta kulan la qaatay odayaaaha dhaqanka ee kaso jeeda gobalka Hiiraan,waxaana kawada hadalnay xaaladaha gobalka, guud ahaan maamulka Hirshabelle iyo doorashada kuso food leh maamulkaas. Kulanka wuuxuu ujeedkiisu ahaa dib u heshisiin, wada hadalka labada gobal iyo in si wada jir ah loo aado doorashada nagu so aadan ee maamulkaas. Waa in ay si dhaqsa ah isugu yimadaan duubabka dhaqanka, odayaasha, wax garadka kaso jeeda labada gobal si loo wada hadlo, loona sameyo dib u heshisiin waarta iyo maamul loo dhanyahay. Gababadii odayaaaha dhaqanka ayaan isla…

Read More

Magaalada Hargaysa waxaa dhawaan ku geeriyooday Caasho Omaar Warsame oo ahayd gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee ku guuleeysatay inay xubin ka noqoto golaha deegaanka ee magaalada Hargaysa kadib doorashadii guud ee laga qabtay Soomaaliya sanadkii 1964-tii . Caasho Omaar Warsame oo da’ahaan jirtay hadda markii ay geeriyoonaysay dhowr iyo sagaashan sano ayaa sidoo kale waxaa ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee dumar ah ee siyaasadda Soomaaliya doorashoku soo gasha. Sida uu BBC-da u sheegay Jaamac Ismaaciil cige (Jaamac shabeel) oo ay dhashay Caasho Omaar Warsame waxaa ay xubin ka ahayd xisbigii hanti wadaaga SPU-da, markii ay ku guuleeystay xubinamada…

Read More

Safiirka Sacuudiga u fadhiya UK ayaa sheegay in ay daneynayaan in la caadiyeeyo xiriirka kala dhaxeeya Israa’iil kadib dagaalka Qasa, balse heshiis kasta waa in uu horseedaa abuuritaanka dowlad Falastiini ah. Amiir Khalid bin Bandar ayaa BBC-da u sheegay in heshiisku “soo dhowaa” markii ay boqortooyadu hakisay wadahadaladii uu Maraykanku garwadeenka ka ahaa ka dib weeraradii dhimashada badnaa ee Xamaas ay ku qaaday Israa’iil 7-dii October. Sacuudi Carabiya ayaa wali aaminsan in ay xiriir la sameysato Israa’iil in kasta oo Qasa uu ka jiro “khasaare baaxad leh”, ayuu yiri, Safiirka ayaa sidoo kale ka digay in ay jirto “guul darro…

Read More

Maxkamad kutaalla dalka Liberia ayaa xukun adag oo xabsi daa’in ah ku riday wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda dalka Liberia Gloria Maya Musu-Scott , oo lagu helay in ay si ula kac ah u dishay qof ehelkeeda ah. Gloria Maya Musu-Scott oo sidoo kale horey usoo noqotay xaakim ayaa maxkamadda ku heshay in ay ku lug laheyd dil bareer ah oo loo geestay shaqsi lagu magacaabo Carlo Musu oo 29 jir ahaa. Siyaasiyadan  caan ku aheyd u halgamidda xuquuqda haweenka dalka Liberia ayaa hadda ku jirta xabsi kuyaalla dalkaasi, waxaana la filayaa in xukunkan adag ee lagu riday ka qaadato…

Read More

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka socda dibadbax weyn oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, kadib heshiiskii ay wada galeen maamulka Somaliland iyo Itoobiya. Banaanbaxa oo ay ka qayb-galayaan kumanaan shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa haatan ka bilowday isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Dibad-baxayaasha ayaa ku qaylinaya erayo ka dhan ah Itoobiya oo ku kacday xadgudub ka dhan ah madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa xiran waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo lasoo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Goobaha waxbarashada iyo ganacsiyada ayaa…

Read More

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee loo soo gaabiyo ICJ, ayaa maanta oo Khamiis ah bilaabeysa dhageysiga dacwad ka dhan ah ciidamada maamulka Israa’iil ee xasuuqa ka wada magaalada Gaza. Dacwaddan waxaa gudbisay dowladda Koonfur Afrika oo ka carrootay tacadiyada Israa’iil u geesaneyso shacabka Falastiin, waxa ayna ku eedeysay Israa’iil in dambiyo dagaal gashay ayna jabisay heshiisyada caalamiga ah ee dhowrista xaquuqda shacabka. Dowladda Koonfur Afrika ee dacwada u gudbisay maxkamadda ICJ ayaa ayaa ugu baaqday garsoorayaasha maxkamadda in ay Israa’iil ku amraan, in ay si deg deg ah u joojiso howlgallada millatari ay kawadaan magaalada Gaza. Maamulka Israa’iil ayaana…

Read More

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa amaanay xiddiga da’yarka ah ee Conor Bradley kadib qaab ciyaareedkii uu soo bandhigay kulankii Fulham ee Carabao cup-ka. Xiddiga Bradley ayaa ku bilowday kulanka isaga oo badalay xiddiga Trent Alexander-Arnold kaas oo dhaawac ku seegay kulanka. Isagoo la hadlayay Sky Sports, Jurgen Klopp ayaa yiri: “Conor Bradley, cajiib, waa wiil fiican, waanad arki kartaa. Wuxuu ku jiraa kooxda saxda ah, qof kastaa wuu jecel yahay wuuna ixtiraamaa isaga oo doonaya inuu guulaysto, caawa waxay ahayd mid adag, Fulham runtii waa koox fiican”. Xiddiga da’yarka ah ayaa la filayaa in uu si joogto ah…

Read More

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Arda Guler ayaa ka hadlay kooxda uu doonayo in ay Real Madrid ku aado Final-ka tartanka Spanish Supercopa. Real Madrid ayaa iska xaadirisay Final-ka tartanka oo ka socda dalka Sucuudiga kadib markii ay ka badiyeen kooxda Atletico Madrid. Kadib guushii Real ee Atletico Madrid Arda Guler ayaa wax laga waydiyay kooxda uu jecelyahay in uu ku aado final-ka tartanka. Barca ama Osasuna? wax muhiim ah ma lahan sababta oo ah waxa aan nahay Real Madrid cid walba oo soo gaadha Final-ka waxan u ciyaari doonaa si aan u badino”ayuu yidhi. “Insha Allaahu wax walba aad…

Read More