What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Sidoo kale waxa ay ku Talisay in taleefanka looga tago โmeel qallalan oo hawo lehโ isla markaana aan la gelinin wax jaajar ah. โWaxay qaadan kartaa ilaa 24 saacadood in si buuxda loo qallajiyo,โ Apple ayaa tiri. Marka aaladda ama taleefanka qudhiisa uu ogaado in biyo ay galeen waxa uu muujinayaa calaamad ama digniin muujineysa in aadan jaajar gelinin. Baraha bulshada ayaa lagu arkaa dad badan oo caan ah isla markaana tartanno ku sameynaya taleefannadooda iyaga oo biyo ku ridaya xilli shirkadda Iphone ay horay u sheegtay in noocyada taleefannadii dambe aysan biyo geli doonin waqti kooban haddii lagu hayo.…
Dowladda Turkiga ayaa ku guulaysatay duullimaadkii ugu horreeyay ee Diyaarad dagaal ah oo nooca casriga ah oo dalkaas lagu sameeyay oo loogu magac-daray KAAN waana tijaabo kale oo Xukuumadda Ankara ka gudubtay marka la eego dhinaca soosaarka Diyaaradaha Militariga. Diyaaraddaan waxaa soosaartay Shirkadda loosoo gaabiyo TAI (Turkish Aerospace Industries) ee sanadihii u dambeeyay ku dhaqaaqaysay horumarka la xiriira ka gungaarista in Dalka Turkiga uu gacmihiisa ku samaysan karo Diyaarad weliba halkii Lacag badan uu ku bixin lahaa iibkeeda. Dad badan oo Turki iyo Ajaanib isugu jira ayaa ka falceliyay tallaabadaan oo markale indhaha kusoo jeedisay Dalkaan iyada oo ay suuragal…
Xuutiyiinta Yemen ayaa war kasoo baxay waxaa lagu sheegay in duqayn culus oo ay u adeegsadeen Gantaallo xooggan ay ku beegsadeen Dekedda Eilat ee Israaiil ay ka dhisatay Dhulka Falastiin ay xoogga uga qabsatay. Kooxdaan ayaa goโdoon culus gelisay Dekeddaan oo ah marinka badda ee Yuhuudda wax looga gudbiyo balse waxaa caqabad iyo culays xooggan ku noqday Weerarrada Xuutiyiinta ay billaabeen bishii Nofeembar 2023. Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in weerarrada Xuutiyiinta ay halis badan geliyeen dhaqdhaqaaqa Dekeddaas maadaama dhowr jeer ay weerareen Maraakiib u socotay dhinaca Dekedda Eilat halka Maraakiibta qaar dhabba socodku ku dheer yahay ay u weecdeen.…
Ergeyga Joogtada ah ee Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay Tesfaye Yilma Sabo, ayaa walaac ka muujiyay warbixin dhawaan Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay uu gudbiyay golaha Ammaanka. Warbixintaas oo ku saabsanayd xad gudubyada Itoobiya ee ka dhanka ah madax bannaanida Soomaaliya, iyo fara galinta militari ee Itoobiya ay ka waddo xuduudada labada dal. Ergayga Itoobiya ayaa xaqiijiyay, Itoobiya ciidamadeeda dhulka inay wadaan dhaqaaqyo ciidan, si ay uga fogaadaan wax kasta oo khalkhal amni ah keeni kara oo ka dhalan kara xiisadda badda ee labada dal. โMOU ma ahan mid aan horay loo arag, kana soo horjeeda…
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya wiil dhalinyaro ah oo Xalay kooxo hubeysan ay ka afduubteen degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, islamarkaana la dilay. Kooxo hubeysan ayaa wiilkaan oo lagu magacaabi jiray Abuukar Axmed Kaabax ka afduubtay xaafad ka tirsan degmada Heliwa, kaasoo meydkiisa maanta laga helay xaafada Garasbaaleey ee duuleedka magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyarada caanka ka ah degmada Heliwaa, waxaana la tilmaamay in raga afduubtay ay gaarayaan tiro ahaan afar ruux, kuwaas oo ku afduubtay marxuumka gaari uu lahaa oo noociisu yahay Saruf. “Saqdii dhexe ee Xalay waxaan maqalnay rasaasta lagi dilay…
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiiskaan dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga ayaaa waxaa Shalay si wadajir ah u ansixiyay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaan saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo qayb ka ah dadaalada aan ku bixinayno dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliyaโ ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. Maxaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale sharaxaad dheeraad ah…
Booliska Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray dhacdooyin dilal iyo dhaawacyo isugu jira oo saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana shir jaraaโid qabtay afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali (Doodishe). Afhayeenka ayaa warbixintiisa ku bilaabay waxa laga ogyahay dilka ganacsade Abuukar Axmed oo rag hubeysan ay xalay ku soo afduubteen gaarigiisa xili uu ku sugnaa degmada Heliwaa, waxayna ku dileen deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho. โWaxaa la garanayaa raggii dilay Abuukar, baaritaano ay sameeyeen laamaha amniga ayaa lagu ogaaday, laguna soo helay meydkiisa, waxaana ragii dilay ku raadjooga heyโadaha amniga, markii soo qabashadooda lagu guuleystana waxaa la…
Dagaalyahano ka tirsan Al shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed sida ay sheegtay warbaahinta ciidanka qalabka sida. Maxamad Xasan Cali iyo Xassan Cali Xusseen oo ka tirsanaa ciidamada Jabahaadka Al-Shabaab ayaa goor dhaw isu dhiibay Ciidanka Kumaandoska Danab ee XDS Raggan ayaa u sheegay warbaahinta inay u adkeysan waayeen nolosha duruufta ah ee ku heysatay duurka Howdka ah. Waxay intaas ku dareen in si wanaagsan loo soo dhoweeyey, iyagoo ugu baaqay saaxiibadood weli ku jira Al shabaab iney ka soo baxaan shacabkoodana dhinac ka raacaan. saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in raggan ka tirsanaa al shabaab…
Buulo-burde(Radiohalgan.com,)- Wararka Aan ka heleeno Magaalada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan Waxaa ka socdo qaliin indhafiqis oo lacag la aan ah ay ay fulinayaan dhaqatiir qibrad leh kuwaso ka fulinayo degmadaย Buulo-burde. Dhanka kaleย waxana hogaaminaa dhaqatiirtaas Dr Mohamed Mumin Caanooy aan uga faideyno dadkeena Jalalaqsi,halgan ,iyo dhamaan badiyaha waxaana u soconaa muddo 10 casho ah. Waana arin lagu faraxo ka faa’ideysi wacan. Hoos ka daawo Muuqaalka Sawirrada
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn xoogan oo mar kale xalay ka dhacday gudaha degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lala beegsaday xubno iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab. Duqeyntan cusub ayaa lasoo wariyay in lala eegtay xarun iyo guri ay ku sugnaayeen dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan kooxda oo ku yaalla gudaha degmadaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in guriga la duqeeyay oo ku yaallo halka duqeyn tan ka horeysay todobaadkan ay ku garaceen diyaaradaha Mareykanka. Khasaare kala duwan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay weerarkan cirka ah, balse ma jiro wax hadal…