Author: radiohalgan.com

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa ka hadlay guusha xulkiisa Galmudug uu kasoo hooyay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socday magaalada Muqdisho. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa codsaday in sanadka dambe ee 2025 uu maamulkiisa marti-geliyo tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka. “Hambalyo Habmalyo dhallinyaro. Waxaan idin daawaday dhammaan daqiiqadihii ciyaarta, waxaad u ciyaarteen si cajiib ah, waxaad muujiseen akhlaaq wanaag iyo xirfad sarreysa,” ayuu Qoor-Qoor ku yiri qoraal kooban oo uu madaxweynaha soo dhigay bartiisa Facebook. Sidoo kale waxa uu qoraalka ku yiri “Koobkiina waad keenteen. Waa inoo dabbaal degga idinka Ilaahey.” Xulka Galmudug ayaa…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyeeyay xulka Galmudug iyo taageerayaashooda guushii ay maanta kasoo hooyeen ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho. Galmudug ayaa markii ugu horreysay maanta ku guuleysatay koobka ciyaaraha maamullada dalka, ayada oo dhiggeeda HirShabeelle uga adkaatay Gool laag, kadib markii ay ismari-waayeen. Madaxweynaha oo qoraal kasoo saaray guushaan ayaa wuxuu guusha Galmudug ku tilmaamay mid saldhig u ah ciyaar wanaag, tababar fiican, anshax wanaagsan iyo isku xirnaan. “Xulka Kubadda Cagta Galmudug, Macalimiin, maamul ciyaartooy iyo taageerayaalba, waxaan ugu hambalyeynayaa guusha hanashada Koobka Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir,” ayuu…

Read More

MW Cosobleayaa Yiri Madaxweyne Deniyow waxaan aaminsanahay qodob ka mid ah dastuurka Puntland inuu farayo madaxda Puntland iney la dagaasho dowladda federaalka, laakin waxa aad sameysay waa xeer dhaaf. Goor la wada hadlo oo la xisaabtamo wey imaan, laakin wexey aheyd inaadan ka tagin akhayaarnimada. Xasan Shekh waa madaxweynihii dalka, wuxuu huwan yahay karaamadii shacabka Soomaaliyeed, dunida meeshuu tagana waa loo istaagaa waxaana loo tumaa musikada astaanta u ah qaranka Soomaaliya. Adigoo gurigaaga laguugu yimid si looga qeyb qaato xafladda caleema saarkaaga markaad sida bilaa ixtiraamka ah ula dhaqanto madaxweynihii dalka umaadan gafin Xasan Shekh ee waxaad u gaftay guud…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyay xukuumaddiisa, taasi oo saameysay laba wasaaradood oo keliya. Wasiiradda wasaaradda beeraha iyo waraabka iyo wasaaradda howlaha iyo guryeynta ayuu ra’iisul wasaaraha xilka ka qaaday, halka uu u magacaabay wasiiro cusub. Taasi oo ay ka dhalatay fal-celin niyad-jab iyo lama filaan u muuqata oo bulshada Soomaaliyeed uga dareen celiyeen tallaabada uu maanta qaaday ra’iisul wasaare Xamza. Caasimada Online oo indhaha la raacday fal-celinta ay bulshada Soomaaliyeed ka bixiyeen markii wareegtadan lasoo dhigay bogga Facebook ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayaa qaarkood ku noqotay lama filaan maadaama ay dadka baddi…

Read More

Kalluumeysato la socotay labo markab oo ay burcad badeed ku afduubatay xeebaha Soomaaliya ayaa lagu soo furtay howlgalo kala duwan oo ay sameeyeen ciidamada badda. Ciidamada ilaalada xeebaha Seychelles ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 3 burcad badeed ah ayna sii daayeen 6-shaqaale ah oo la socday dooni kaluumaysi oo laga leeyahay dalka SriLanka oo lagu qabtay badda Carbeed. Sidoo kale, Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Hindiya ayaa soo badbaadiyay 17-qof oo lagu afduubtay markab kaluumaysi. Waxaa la dareensanyahay in ay sare u kaceen dhaq-dhaqaaqa burcad badeedda fadhigoodu yahay xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo khatar ku ah isku socodka…

Read More

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay kulan ka yeeshaan xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska ay la gashay Somaliland. Kulanka oo dhacaya Isniinta maanta ah ayaa looga hadli doonaa dhacdooyinka Geeska Afrika. Muranka ayaa ka dhashay kadib markii Itoobiya ay horraantii bishan heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somaliland. Heshiisku wuxuu siinayaa Itoobiya oo aan bad lahayn inay hesho deked ciidan iyo ganacsi. Soomaaliya oo Somaliland u aragta qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa diiday heshiiskaas, waxaanay Itoobiya ku eedaysay inay ku xad-gudubtay madax-banaanideeda. Kulanka golaha amaanka oo ay dalbatay Soomaaliya ayaa la filayaa…

Read More

Ciidamada booliiska magaalada Hargeysa ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan in xalay dil araggax leh u geestay xaaskiisa, ninkan ayaana booliiska qabteen xilli uu isku dayayay in uu baxsado. War kasoo baxay taliska ciidamada booliiska Somaliland ayaa lagu sheegay in ay soo qabteen eedeysane Jamaal Daaha Cabdiraxmaan oo 54-sanno jir ahaa, ninkan ayaana booliiska sheegeen in uu dilay xaaskiisa oo lagu magacaabayay Sumaya Siciid Naasir. Ninkan ayaa la sheegay in dilka uu u geestay xaaskiisa u adeegsaday mindo af leh kaddib muran soo kala dhax gelay, waxaana booliiska sheegeen ninka dilka geestay iyo xaaskiisaba ay kasoo jeedaan dalka Yemen…

Read More

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden ayaa si adag uga hadlay weerar askar badan looga dilay loogana dhaawacay oo ka dhacay saldhig ciidankooda ku leeyihiin deegaan dhaca waqooyi bari dalka Urudun . Joe Biden ayaa ku hanjabay in jawaabo deg deg ah ka bixin doonaan weerarka dhinaca cirka ah ee lagu beegsaday ciidankooda, waxa uuna weerarkan ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen kooxo maleeshiyaad ah oo taageera ka hela dalka Iran. Weerarkan ka dhacay saldhiga ciidamada Mareykanka ku leeyihiin meel u dhaw xadka ay wadaagaan dalalka Urudin iyo Syria ayaa lagu dilay saddex askari, halka dhaawacyo kala duwan kasoo gaareyn in…

Read More

Iran ayaa iska fogeysay weerarka lagu dilay saddex ka mid ah ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa saldhiga Mareykanka ee Urdun Axadii, halka tiro 30 ka badana la dhaawacay waxayna bayaan ay soo saartay ku sheegtay in eedeymaha ka dhanka ah jamhuuriyadda Islaamiga ah ay tahay “mid aan sal iyo raad lahayn”. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Nasser Kanaani ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in kooxaha iska caabinta gobolka aysan ka amar qaadan Iran. “Waxaan aaminsanahay in gobolku uusan u baahnayn xiisad dheeraad ah ama dagaal cusub,” ayuu yiri. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu la xisaabtami…

Read More

Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyey in aanayjirin kulamo dhexmari doona madaxda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya illaa dawladda Itoobiya ay ka laabanayso go’aankii ay isafgaradka kula saxiixatay Somaliland. Agaasimaha Xiriirka madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige ayaa sheegay in kulamo dhexdhexaadin ah aysan ka dhici doonin Talyaaniga iyo meel kaleba. “Mowqifkan waxa uu waafaqsan yahay mowqifkeenii ahaa in aanay wax dhexdhexaadin ah dhici doonin illaa Itoobiya ay ka laabanayso MoU-da sharcidarrada ah, ayna ka xaqiijinayso gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya,” ayuu sheegay Cabdulqaadir Cali Dige. “MoU-du keliya xadgudub kuma aha xuquuqda dhuleed ee Soomaaliya, waxay…

Read More