Author: radiohalgan.com

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa amaanay xiddiga da’yarka ah ee Conor Bradley kadib qaab ciyaareedkii uu soo bandhigay kulankii Fulham ee Carabao cup-ka. Xiddiga Bradley ayaa ku bilowday kulanka isaga oo badalay xiddiga Trent Alexander-Arnold kaas oo dhaawac ku seegay kulanka. Isagoo la hadlayay Sky Sports, Jurgen Klopp ayaa yiri: “Conor Bradley, cajiib, waa wiil fiican, waanad arki kartaa. Wuxuu ku jiraa kooxda saxda ah, qof kastaa wuu jecel yahay wuuna ixtiraamaa isaga oo doonaya inuu guulaysto, caawa waxay ahayd mid adag, Fulham runtii waa koox fiican”. Xiddiga da’yarka ah ayaa la filayaa in uu si joogto ah…

Read More

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Arda Guler ayaa ka hadlay kooxda uu doonayo in ay Real Madrid ku aado Final-ka tartanka Spanish Supercopa. Real Madrid ayaa iska xaadirisay Final-ka tartanka oo ka socda dalka Sucuudiga kadib markii ay ka badiyeen kooxda Atletico Madrid. Kadib guushii Real ee Atletico Madrid Arda Guler ayaa wax laga waydiyay kooxda uu jecelyahay in uu ku aado final-ka tartanka. Barca ama Osasuna? wax muhiim ah ma lahan sababta oo ah waxa aan nahay Real Madrid cid walba oo soo gaadha Final-ka waxan u ciyaari doonaa si aan u badino”ayuu yidhi. “Insha Allaahu wax walba aad…

Read More

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay xoojiyaan meelaha ay ka jilisan yihiin. Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo kale iyaga oo doonaya in ay u tartamataan koobabka qaybta dambe ee ciyaarta. Halkan kaga bogo wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga. Kooxda Real Madrid ayaa qiimaynaysa saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Erling Haaland sabab la xidhiidha wal-wal ay ka qabaan in xiddiga Kylian Mbappe uu ku biiri doono kooxda (AS). Xiddiga Jadon Sancho ayaa tijaabada caafimaadka u maray Dortmund waxana uu ku dhaw yahay in uu…

Read More

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay shaqada ka caydhiso tababare Mauricio Pochettino hadii ay kooxdu waydo u soo bixitaanka yurub xilli ciyaareedkan. Tababarihii hore ee Tottenham Hotspur ayaa u dhaqaaqay Stamford Bridge xagaagii, isagoo doonayay inuu kor u qaado Blues ka dib qaab ciyaareedkii xumaa ee xilli ciyaareedkii hore. Pochettino ayaa suuqa galiyay lacago badan markii uu yimid kooxda isaga oo lacag waali ah ka bixiyay xiddigo. Sida laga soo xigtay Telegraph, Chelsea ayaan diyaar u ahayn in ay caydhiso Pochettino kadib markii ay kooxdu dhibaatootay qaybtii dambe ee ciyaarta. Si kastaba ha ahaatee,…

Read More

Jurgen Klopp ayaa si kaftan ah uga raali galiyay Curtis Jones In uuna kulamo badan ciyaarsiin kadib markii uu door muhiim ah ka ciyaaray guushii Liverpool ee semi-finalka Carabao Cup. Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay Fulham kulan ka dhacay Anfield lugtii 1-aad ee Semi-final-ka tartanka Carabao cup-ka. Reds ayaa dhibaatootay qaybtii hore ka hor inta uuna Jones dhalin goolka 1-aad ahna goolka bar-baraha qaybtii dambe ee ciyaarta. Jones ayaa gool qurux badna u dhaliyay kooxdiisa waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ugu dambeeyay. Xiddiga 22 jirka ah ayaan si joogto ah ugu ciyaari jirin…

Read More

Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee Semi-final-ka tartanka Carabao cup-ka. Kooxda Fulham ayaa Liverpool kaga naxsatay gool waxana u dhaliyay xiddiga Willian kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 19-aad. Liverpool ayaa qaybtii dambe si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha ee ciyaarta. Daqiiqadii 68-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad ahaana goolka bar-baraha waxana u dhaliyay Curtis Jones kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1. Liverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii raadinayeen goolal ay ciyaarta ku dilaan. Daqiiqadii 71-aad ayay Liverpool dhalisay goolka…

Read More

Real Madrid ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay Atletico Madrid iyada oo 5/3 ku garaacday kooxda ay dariska yihiin iyaga oo iska xaadiriyay Final-ka Spanish Supercopa. Ciyaarta ayaa ahayd mid xiiso leh iyada oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah oo ay ku dagaalamayeen. Atletico Madrid ayaa daqiiqadii 6-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mario Hermanos iyaga oo hogaanka u qabtay ciyaarta. Kooxda Real Madrid ayaa daqiqiadii 20-aad iyo 29-aad dhlisay 2 gool oo deg-deg ah waxana u dhaliyay Antonio Rudiger iyo Ferland Mendy ka hor inta ayna Atletico Madrid dhalin goolka bar-baraha waxana…

Read More

Kooxda Arsenal ayaa war fiican ka heshay xaalada xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey. Partey ayaa ku soo laabtay tababarka kooxdiisa Arsenal xilli uu doonayo in uu ku soo laabto kooxda. Xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey ayaa laga yaabaa inuu Arsenal ku soo laabto ka hor dhamaadka bisha January. Partey ayaa kor u qaaday Tababarkiisa soo kabsashada dhaawaca uu kaga maqnaa kooxda bilowgii xilli ciyaareedkan. Xiddiga Partey ayaa laga yaabaa in uu ku soo laabto shaxda kooxdiisa kulanka Nottingham Forest horyaalka premier League.

Read More

Sida ay sheegtay QM Diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa gacanta ku dhigay Al-Shabaab kadib markii ay ku degtay dhul ay gacanta ku hayaan kooxda hubeysan. Dhowr qof oo la socotay ayaa lagu soo warramayaa inay qaadeen kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida oo sanado badan dagaalo ka waday Geeska Afrika. Diyaarada ayaa ku degtay meel u dhow degaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud markii ay soo wajahday cilad farsamo oo deg deg ah, sida lagu sheegay qoraalka. Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku sugan Muqdisho ayaa sidoo kale dhacdadan u xaqiijiyay Aljazeera. Sida…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khadka teleefonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Kuwait, Shiikh Dr. Maxamed Sabaax Al-Salem Al-Sabaax. Labada Ra’isul Wasaare ayaa wadahadlkooda inta uu socday ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Kuwait. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhiggiisa Kuwait ugu hambalyeeyay masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoo u rajeeyay in Allaah uu ku guuleeyo xilka. Waxaana uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kuwait.

Read More