Author: radiohalgan.com

Waxa la soo afjaray todobaad xiiso leh oo ka tirsan horyaalka premier League iyo waliba final-ka tartanka Carabao cup-ka. Kooxaha Arsenal iyo Man City ayaa badiyay si ay u sii wadaan baacsiga ay ugu jiraan hogaamiyayaasha Liverpool. Dhinaca kale Man United ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Fulham kulan ka dhacay Old Trafford. Kooxda Liverpool oo adeegsatay caruur ayaa ceebasay Liverpool kana qaaday koobka Carabao cup-ka. Kadib kulamada la ciyaaray waxa la soo saaray shaxda ugu fiican ee todobaadkan premier League iyo League cup-ka. Kooxaha Man City, Liverpool, Arsenal iyo Aston Villa ayaa shaxda ku leh min 2…

Read More

Liverpool ayaa Axadii u dabaal-dagtay ku guulaysiga koobka Carabao cup-ka oo ay ka qaaday kooxda chelsea. Kooxda Klopp ayaa sii dheeraystay hogaanka ay u hayso kooxaha ugu koobabka badan taariikhda England. Liverpool ayaa ku guulaystay koobkii 46-aad ee taariikhdooda iyaga oo ah kooxda ugu guulaysiga badan. Waxa ku xigta kooxda Man United oo ku guulaystay 46 koob taariikhdooda. Waxa ku xigta kooxda Arsenal oo 31 koob ku guulaystay taariikhdooda halka ay Man City iyo chelsea ku xigaan iyaga oo ku guulaystay min 25 iyo 26 koob. Halkan Hoose kaga bogo kooxaha ugu koobabka badan taariikhda kubada cagta England.

Read More

Q/W. Liban Qoono Lix masuul oo ku dhax yeertay Hall-kii shirka ee Jowhar. Dadku kalla xishood wanagsan kalla matalaad wacan kalla garasha fiican balse lix masuul oo ku hadashay magaca Gobolka Hiiraan aad ayaa loola yaabay oo waa lagu wadda qoslay (wagaaac). 1: Moumin Ellaay ayaa yirri Degmada (Mahaas) “Mudane madaxweyne anagu ma haysano saldhig dadka lagu xiro mid dhinac ka dumay oo laheyn Taliye saldhig ayaan heysanaa waxaan rabnaa in Taliye Saldhig hanna loo soo magacaabbo oo keliya Dowladda culeys saari ma karnee” 2: Hassan Barre ayaa jir Degmada (Moqokori) Mudane madaxweyne anagu 15 iyo shan sano Qawaariijta ayaa…

Read More

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo culus oo maanta ka socda aagga magaalada Camaarka ee koonfurta gobolka Mudug, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka. Howlgallada ayaa xoogooda waxa ay ka socdaan inta u dhexeysa deegaanada Camaara iyo Caad, halkaas oo ay weeraro kasoo abaabulaan xubnaha kooxda Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedka uu yahay ka hortegga weerarada Al-Shabaab kasoo qaadaan halkaasi, kuwaas oo u badan hoobiyeyaal. Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi kusii dareen inay ka war hayaan meelaha ku dhuumaaleysanaan maleeshiyada kooxda, balse ay soo afjari doonaan.…

Read More

Somaliland ayaa ku dhex luntay Muqdisho iyo Addis Ababa tan iyo 1-dii Janaayo ee sanadkaan, markaas oo hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu heshiis la galay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Heshiiskaas oo Hargeysa isku deyday inay ku bixiso qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya. Maalintii uu heshiiska dhacay kadib mowduuca wuxuu isku beddelay Itoobiya iyo Soomaaliya ama labada dowladood ee fadhiya Muqdisho iyo Addis Ababa. Dowladdaha caalamka ee heshiiskan ka hadlaya ama saxaafadda faaqideysa waxay dhamaan ka hadlayaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Abiy Axmed. Halkan kuma jiraan Muuse Biixi ama Somaliland. Mareykanka marka ay ka hadlayeen heshiiskan, waxay sheegeen…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah madaxda caalamka ee ka qeyb-gali doonta shirka Qaramada Midoobay ee arrimaha deeganka oo shalay ka billowday Nairobi. Waxaa shirkaan sidoo kale qeyb ka ah madaxda ku casuuman ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo labadii billood ee u dambeysay ay xiisad xooggan kala dhaxeysay Soomaaliya, kadib markii uu heshiis is-afgarad la saxiixday Muuse Biixi 1-dii Janaayo ee sanadkaan. Sidoo kale, madaxweynayaal iyo in ka badan shan kun oo wakiilo ah oo ka kala socda dowladdo, bulshada rayidka ah iyo shirkaddo gaar ah ayaa ka qeyb-gali doona shirkan oo socon doona illaa 1-da bisha…

Read More

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa shalay soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwada loo heysto eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysanaa in uu gubay Xaaskiisa Alle ha u naxariiste Luul oo u dhimatay dhaawacii kasoo gaaray. Marqaatiyaal uu keenay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa la horkeenay maxkamadda, kuwaasi oo ka jawaabay wixii ay goobjoog u ahaayeen ama maqleen ee la xiriira kiiskaan xasaasiga ah. Maxkamadda ayaa dhageysatay oo su’aalo waydiisay Sayid Cali Macallin Daa’uud, waxa uuna sheegay in xaaskiisa sababta uu u gubay inay tahay maseer darteed, islamarkaana murankii ka dhashay uu keenay dabka in uu qabad siiyo guriga balse…

Read More

Mucaaradka dowladda Xasan Sheekh ayaa si weyn u qeyla-dhaamiyay soddankii cisho ee lasoo dhaafay. Waxay ka hadlayeen howsha dastuurka ee uu guda-galay baarlamaanka Soomaaliya. Waxay sheegayeen inay jirto mudnaan kale oo taas ka horreysa, waxyaabaha ay farta ku fiiqayeen waxaa kamid ahaa difaaca badda. Qaarkood si adag ayay arrinta badda uga hadleen billowgeedii hore, sida; Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kuwaasi oo adeegsaday ereyadii ugu adkaa ee xubnaha mucaaradka u adeegsadaan Itoobiya. Warsame isagu weli wuxuu u muuqda mid mowduuca Itoobiya waqti badan gelinaya, isaga oo bixinaya tallooyin wax ku ool ah, laakiin asbuuc kale oo arrinta badda…

Read More