Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa xilkii ka qaaday afhayeenkii ciidanka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali (Doodishe). Taliyaha booliska ayaa afhayeenka cusub u magacaabay G/Sare Qaasim Axmed Rooble oo horay muddo dheer u soo hayey xilkaas. Gashaanle Sadiiq Doodishe iyo afhayeenka cusub Qaasim Rooble ayaa Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo ay ku shaaciyeen inay ku kala wareegeen xafiiska. Shaqadii afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed waxaan hadda si rasmi ah ugu wareejiyey taliyaheyga G/Sare Qaasim Axmed Rooble, xafiiska afhayeenka oo muddo aan ku soo shaqeynayey waxaan galabta ku wareejiyey Korneyl Qaasim,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe. Dhankiisa afhayeenka…
Kooxaha chelsea iyo Liverpool ayaa isaga hor iman doona Wembley Axada iyaga oo ku dagaalami doona ku guulaysiga Carabao cup-ka xilli ciyaareedkan. Labada kooxood ayaa kulmay wax ka yar 2 bilood ka hor iyada oo Liverpool ku badisay 4/1 laakin sidoo kale is badashay maadama uuna Klopp kooxdiisa u arkin kuwo ugu cad-cad kulanka. Liverpool ayay ku habsadeen dhaawacyo iyada oo laga yaabo in ay kulanka ka maqnaadaan ugu yaraan 10 xiddig oo kooxda 1-aad ah. Chelsea ayaa dhinaceeda dib u helaysa kalsooni iyaga oo kulan lama filaan ah dhibco ka reebtay Man City. Hadaba warbixintan waxa aan ku soo…
Premier League hadii ay tahay hada ama wakhti hore, waxa jira xiddigo ka nasiib badan xiddigaha kale gaar ahaan marka ay gool dhaliyaan. Waxa jira xiddigo badan oo aan waligood guuldaro la kulmin markasta oo ay gool u dhaliyaan kooxdooda horyaalka premier League. Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa xiddigo aan waligood guuldaro la kulmin marka ay gool dhaliyaan premier League. 1.Gabriel Jesus Xiddiga Gabriel Jesus ayaa u kala ciyaaray kooxaha Arsenal iyo Man City walina wax guuldaro ah lama kulmin marka uu gool u dhaliyo kooxdiisa. Xiddiga ayaa ciyaaray 73 kulan oo horyaalka ah oo uu gool…
Kooxda Man United ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Fulham kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa horyaalka premier League. Man United ayaa Old Trafford ku marti galisay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa todobaadkii 26-aad ee horyaalka premier League. Xiddiga Calvin Bassey ayaa dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana uu ka dhigay ciyaarta 1/0 ay Fulham ku hogaaminayso ciyaarta. Kooxda Man United ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha laakiin United ayaa ku dhibaatootay in ay dhaliso goolka bar-barhaa. Daqiiqadii 89-aad ayay Man United dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Harry Maguire…
Tababaraha Kooxda Man United ee Erik Ten Hag ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Fulham kulan ka tirsanaa premier League. Kooxda Man United ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Fulham kulan ka dhacay Old Traford. Ten Hag ayaa difaacay kooxdiisa kadib guuldarada waxana uu sheegay in ay muujiyeen qaab ciyaareed fiican iyo awood. “Kooxdu waxay soo bandhigtay dabeecad weyn si ay dib ugu dagaalanto, waxaan u qalanay goolkii barbaraha”ayuu Ten Hag yidhi. “Waxa aan bilownay in aan raadino goolka guusha, waxaan muujinnay shakhsiyad weyn iyo dabeecad.” “Waa inaad aragto sawirka weyn. Sawirka weyn wuxuu u muuqdaa mid…
Manchester City ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay Bournemouth kulan ka tirsanaa horyaalka premier League. Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku bilaabatay cadaadis ay Man City saartay kooxda Bournemouth iyaga oo doonayay in ay guul gaadhaan. Daqiiqadii 25-aad ee qaybtii hore ee ciyaarta ayay Manchester City ku guulaysatay in ay la timaado goolka furitaanka waxaana u saxiixay Phil Foden kaas oo shabaqa dhex-dhigay Kubad uu Haaland ku laaday goolka. Xiddiga Bernardo Silva ayaa isna isku dayay in uu goolka labaad udhaliyo isla markaana uu darbo kale oo birta midig ah dhaafiyay. Qeybtii labaad ee ciyaarta daqiiqadihii hore ma aysan…
Qoraal ay soo saartay hay’adda ayaa lagu yiri”Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya u caddeynaysaa inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya. Ma jirto amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya”. Qoraalka kasoo baxay Hay’adda Duulista hawada ayaa kusoo aadaya xili dhawaan ay soo shaac baxeen Warar sheegaya in Qaarka mid ah Diyaaraha mara Qadka hawada soomaaliya lagala hadlay raadiye kuwa isgaarsiinta ah taasi oo lasheeg in uu Qalqal galiyay Adeegga duulista.
Q/W Wariye Mohamed Ibraahim 1.Sugidda amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada oo Madaxweynaha lagu xasuusto sida uu hormuudka ugu ahaa howgalka Hirshabelle Argagaxisada looga saaray, Hirshabelle amniga oo Argagaxiso ka caagan ayaa hadda la wada arkaa. 2.Daadajinta maamulka si bulshada u doortaan maamulka aay iga leeyihiin waxaana deegaanno badan oo Hirshabelle kamid ah laga dhisay Golaha deegaanka oo madaxdii Madaxweyne Cali Guudlaawe ka horeysay ku fashilmeen. 3. Dib-u-Heshiisiinta Madaxweynaha Cali Guudlaawe iyo madaxda maamulka uu hormuudka ka yahay waxa aay soo hooyeen guulo waa weyn oo dhanka dib-u-heshiisiinta haddii aay ahaan laheyd beelaha dagaalamay iyo Mucaaradka Hirshabelle kasoo horjeeday oo lagu…
Guddoomiyaha Dhallinyarada Hirshabeelle Abdirisaq M Cabdulle ayaa ayaa barta Facebook ku leyahay ayoow ku qooray qoraalka hoose TAARIIQ CUSUB. Maanta caasimada Hirshabelle ee Jowhar waxay marti galineeysaa wafdi ka badan 200 oo madax iyo ururada bulshada rayidka ah isugu jira, waxaan halkaas uga furmi doona shirweeyne aay hageeyso wasaarada arimaha gudaha DG. Hirshabelle. Shirkan oo kle taariiqda Hirshabelle lama qaban waana guulaha maamulkan uu suurtagaliyay. Ka dhalinyara ahaan waxaa shirka nooga qeeybgalaya dhamaan madaxda dhalinyarada labada gobal iyo degmooyinka, waxayna halkaas aay kusoo bandhigi doonaan doorkooda hogaaminta ee bulshada uga jiraan. Kaftan. Waxaa la’iisheegay in madaxdii ugu sareeysay ee Hiraan…
Q/W Liban Qoono Madaxweyne Ku-Xigeenka Yuusuf Dabgeed ayaa diiday wax xil ah in loo magacaabbo Madaxdii Hiiraan State ee Jowhar tagtay waxa uunna ku sababeey Hiiraan State cusub in caawa Beledweyne ka dhalatay oo wax micna ah ku jirrin nimankaan in la qanciyo. Nour dheere oo wato 64 PKM iyo illaa 11 Tigniko ayaa xirtay Xaafad dhan, Istaafkiisa ayaanna taagtaag geliyay madax rabtay inneey wadada marraan markii Nour dheere loo dacwoodayne wuxuu dhahay cid aan aaminaa majirto ee wadda kalle raadsadda halkaan aniga ayaa xirtaye. Mouse Sallaad oo laggu heysto Isbaaradda uu dhigtay Duleedka Magaalada Beledweyne waxaanna laggu amray innuu…