Author: radiohalgan.com

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha la doortay ee golaha deegaanka degmada Warsheekh ahna Duqa Magaalada iyo Ku Xigeenadiisa oo ku soo baxay doorashii maanta ka dhacday degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay golaha cusub ee deegaanka degmada Warsheekh iyo hanaanka ay u dhacday doorashada, isagoo sidoo kale ku amaanay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose dadaalka ay ku bixisay hirgalinta hanaan doorasho oo daahfuran. Ugu dambeen Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Hirshabeelle ay ka go’an tahay dhameystirka iyo Maamul daadejinta dhamaan Degmooyinka Hirshabeelle si bulshada ay u doorato…

Read More

Maxammed Xasan Shiikh Maxammuud, oo ah wiil u dhalay Madaxweynaha Soomaaliya oo hore looga soo saaray waaran xadhig ah ayaa la sheegayaa in uu dib ugu laabtay Turkiga kaddib muddo uu baxsad ahaa. Waxaa jira codsi xukun maxkameed oo gaarsiisan ilaa iyo lix sano oo horay looga gudbiyay wiilkaan. Wiilka madaxweynaha ayaa la soo werinayaa in uu qirtay eedda ah ku dhufushada gaadhigiisa ee Emre Göcer oo uu ku dhintay shilkaas oo ka dhacay degmada Fatih ee Istanbul, taas oo sababtay in la soo saaro waaran ka soo baxay maxkamadda caddaaladda ee Istanbul ee Çağlayan. Waxaa se la soo sheegayaa…

Read More

Dhammaan indhuhu waxay hayaan Taiwan iyadoo jasiiraddan iskeed isku maamusha ayna ku nool yihiin 23 milyan oo qof ay maanta u dareereen codbixin. Ilaa 19.5 milyan oo reer Taiwan ah ayaa codkooda u dhiibanaya si ay u doortaan madaxweyne cusub iyo baarlamaan. Saddex nin ayaa u tartamaya inay noqdaan hoggaamiyaha xiga ee jasiiraddan is maamusha – William Lai Ching-te oo ka tirsan Xisbiga Horumarka Dimuqraaddiga (DPP), Hou Yu-ih oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Kuomintang (KMT) iyo Ko Wen-je oo ka tirsan Xisbiga Dadka Taiwan (TPP). Cid kastoo madaxweynenimo loo doorto waxay qaabeyn doontaa xiriirka Beijing iyo Washington…

Read More

Dalka Yemen waa mid ka mida dalalka ugu saboolsan caalamka kaas oo wali la daalaa dhacaya dagaallo sokeeye ilaa sanadkii 2014-kii, ka dib markii kooxaha Shiicadu ay la wareegeen maamulka magaalada caasimadda ah ee Sanca. Howlgal xagga cirka ah oo qaadeen xulafada uu Sucuudigu hoggaaminayo oo ka dhan ah Xuutiyiinta ayaa ugu sii daray xaaladda awalba xumayd taas oo sababtay xariyaado iyo saboolnimo. Hase yeshee Xuutiyiinta ayaa muuujiyey awooddooda iyagoo weeraro carqaladayn ah ka gaystay Badda Cas oo ay bartilmaameedsadeen maraakiib ganacsi ilaa bishii Novermber iyadoo Maraykanka iyo UK ay ka hortageeen. Iska hor imaadkan ayaa saamayn weyn ku yeelanaya…

Read More

Koobka Qaramada Qaarada Afrika ee Afcon ayaa maanta oo Sabti ah ka furmay dalka Ivory Coast gaar ahaan garoonka Alassane Ouattara Stadium ee xarunta dalkaasi kaaas oo soco doonaa ilaa 11 Febraayo. Xulalka Qaramada waxaa u safan doona ciyaaryahanno ka ciyaarada qaaradaha kala duwan ee dunida haba ugu bataan kuwa ka ciyaarada horyaallada Yurub, balse Sacuudiga ayaa hadda ah midka kuwa indhaha lagu hayo saamayntiisa koobkan. Saamaynta Sucuudiga ee kubadda cagta ayaa sii kordheysa, iyada oo ay xiddigaha ku soo jiitaan qiimaha sare mushaaraadka oo ay maalqabeennadu u soo bandhigaan, sidoo kale Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa la filayaa in ay…

Read More

Koobka Qaramada Afrika ee soo socda ayaa waxaa ka soo qeyb geli doona ciyaartoy heer caalami ah, laakiin adduun kale, Kevin De Bruyne ayaa ka ciyaari lahaa koobka Africa. Xiddiga Manchester City ayaa ku dhashay magaalada Dronen ee dalka Belgium sanadkii 1991-kii, waxaana uu ku sii dhawaanayaa inuu u safto dalkiisa 100-aad. De Bruyne ayaa laba koob adduun u soo ciyaaray xulkiisa Lakaiin waxa uu u ciyaari karaa xulka Burundi. Hooyada dhashay Anna oo 32 jir ah, waxa ay ku dhalatay dalka Bariga Afrika ku yaalla, waxaanay ku kortay iyada oo awoowgeed uu shirkado shidaal ku lahaa halkaas iyo Ivory…

Read More

Tababaraha Kooxda chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa ka hadlay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League. Chelsea ayaa 1/0 kaga badisay kooxda Fulham kulan ka dhacay Stamford Bridge waxana ay ku soo laabateen wadada guulaha. Kooxda Mauricio Pochettino ayaa gaadhay guusheedii 3-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier League kadib markii ay garaaceen kooxda Fulham. “Waxa aan gaadhnay 3 kulan oo xidhiidh ah waana mid fiican si aan kalsooni u helno”ayuu Pochettino yidhi. “Waxa amaan weyn leh ciyaartoyada sababta oo ah qaab ciyaareedkoodu waxa uu ahaa mid aad u fiican”ayuu sii raaciyay. Kooxda chelsea ayaa…

Read More

Warbixin ka soo baxday saxaafada Spain ayaa daaha ka qaaday mowqifka xiddiga Real Madrid ee Fede Valverde ee ku aadan finalka Spanish Super Cup. Valverde ayaa dhibaato soo gaadhay intii lagu jiray kulankii ay kooxdiisu la ciyaartay Osasuna, waxaana uu dhaawac ku baxay waqtigii dheeriga ahaa. Sida laga soo xigtay xogta laga helayo shabakadda “Relevo”, Valverde ayaa diyaar u ah inuu ciyaaro finalka Spanish Super Cup oo ay la ciyaarayaan Barcelona. Real Madrid ayaa la ciyaari doonta kooxda Barcelona maalinta Axada ee January 14, ciyaar ka tirsan Super Final-ka. Warkan ayaa ah mid u fiican kooxda Real Madrid marka la…

Read More