Author: radiohalgan.com

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyay Meertada 6-aad ee Shirka Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada Adduunka oo ka furmay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya. Madaxweybaha ayaa ka hadlay sida isbeddelka cimiladu uu u saameeyey  Adduunka, khatarta uu ku leeyahay nolasha shucuubta iyo caqabadaha gaarka ah ee ka soo gaaray shacabka Soomaaliyeed. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay dareentay saameynta isbeddelka cimilada, ayna ku dhufteen dalka abaaro ba’an oo sameeyay qoysas badan. “Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka saameynta ugu badan ay ka soo gaartay isbeddelku cimiladu. Dhawaan waxaan ka soo…

Read More

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlayay doodda wax ka beddelka dastuurka ayaa dul istaagay qodob muhiim u ah dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo qeexayay gudniinka fircooniga, soo riditaanka ilmaha iyo guurka. Xildhibaanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in qodobka gudniinka dumarka ay haboon tahay in meesha laga saaro, gaar ahaan kan fircooniga ah, isaga oo dalbaday in dastuurka cusub uu qeexo qodobkaasi. Cabdow ayaa sheegay in dastuurka cusub ee laga doodayo lagu qeexo qodobka ka hadlaayo soo riditaanka ilmaha, taasi beddelkeedana lagu soo daro dastuurka in la fududeeyo guurka oo qiimo jaban oo cayiman laga dhigo.…

Read More

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Puntland ayaa xukuno kala duwan ku riday rag ka tirsanaa kooxda Daacish, kuwaas oo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali, sidoo kale maxkamadda ayaa siideysay oo xoriyadiisa dib ugu celisay wiil Soomaali ah oo ragaas la socday, kaas oo wax dembi ah lagu waayey. Guddoomiye ku-xigeenka maxkamada Korneyl Cali Ibraahim Cusaman oo u waramay Idaacadda VOA, ayaa faahfaahin ka bixiyey xukunada lagu riday raggaas oo isugu jira Marookaan, Itoobiyaanka iyo Soomaali. Guddoomiye Cali Ibraahim ayaa sheegay in maxkamaddu ay maanta xukun dil ah ku riday 6 nin oo u dhashay dalka Moroco, kuwaas oo maxkamaddu ku…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Kulanka labada madaxweyne ayaa diiradda waxaa lagu saaray iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada dal oo ay ugu horreyaan arimaha amniga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka. Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas William Ruto. Kulanka labada Madaxweyne ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda, shirka  Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay u ambabaxay…

Read More

Ciidamada dowladda oo isugu jira Boliiska gaarka ah ee Haramcad, Ciidanka Xooga Dalka & Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa si wadajira howlgal qorshaysan ku galay deegaano dhowr ah oo ku yaala dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanka Jilib Marko iyo Buulo Nagey. War kooban oo ka soo baxay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamada ay burburiyeen fariisimihii Al-Shabaab ee ku lahaayeen deegaannada ku yaala dhulka hawdka ee kala ah; Macalin Yuusuf, Nafaqow iyo deegaano kale ee ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. “Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ciidamada iyo…

Read More

Xaakin ku sugan magaalada New York ayaa Arbacadii diiday inuu hakiyo, amarka maxkamadeed ee sheegaya in madaxweynihii hore ee Trump uu bixiyo lacag gaadhaysa $454 million oo dollar, isaga oo racfaan ka qaatay. Xaakinka lagu magcaabo Anil Singh ayaa sheegtay in madaxweynaha hore ee Trump ay tahay inuu bixiyo dammaanad u dhiganta guud ahaan lacagta laga doonayo, si loo joojiyo amarka fulinta ee maxkamadda, kaas oo ah in lacagta laga qaado haatan. Xaakinka ayaa tixgelisay qaybo ka mida codsiyada Trump, kuwaas oo ah in la hakiyo in Trump laga mamnuuco inuu muddo saddex sannadood ah wax amaah ah ka doonto…

Read More

Saw ma aad maqli jirin, wargeys maalinle ah, toddobaad le ah ama bille ah, haatan dalka Faransiiska waxaa ka jira wargeyska keliya ee afartii sanaba mar soo baxa, dunida oo dhan. Maanta oo kale dukammaada Faransiiska waxaa daadsan, dadkuna ay dhugaynayaan majaladda siyaasadda sida qosolka ah uga hadasha ee La Bougie du Sapeur. Wargeyskan oo 20-bog ee warar kala duwan oo si maad loo falanqeeyey ku yaallaan ayaa soo keliya 29-ka Febraayo – sidaas darteed hal mar afartii sanaba ayaa maalintan lala kulmaa. Daabacaaddii ugu horreysay waxay ahayd 1980-kii, tanina waa tirsigii 12-aad. Waxaa aasaasay koox saaxiibo ah oo “qorshahoodu…

Read More

Rasaas xooggan ayaa ka dhacday dhowr goobood oo ka tirsan caasimadda Chad ee N’djamena, oo ay ku jirto bannaanka xafiisyada xisbi mucaarad ah. Arrintan ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii lagu dhawaaqay in doorashada la qaban doono bisha May. Dowladda Chad iyo mucaaradka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay waxa ka dambeeya rabshadaha. Wasiirka Isgaarsiinta ayaa sheegay in Xisbiga PSF ay weerareen Xarunta Hay’adda Nabad Sugida Qaranka. Xisbiga PSF ayaa sheegay in saraakiishooda ay tageen dhismaha si ay u raadiyaan meydka xubin la qabtay kadibna la dilay. Waxay sheegtay in askartu ay rasaas fureen. Xisbiga PSF waxaa madax ka…

Read More