Author: radiohalgan.com

Mareykanka ayaa uga digaya maraakiibta inay ka fogaadaan Badda Cas ilaa amar dambe Waaxda Gaadiidka Mareykanka ayaa soo saartay digniin ku socota maraakiibta ganacsi ee Mareykanka, iyadoo kula talisay inay ka fogaadaan qeybta koonfureed ee Badda Cas ilaa amar dambe. Maamulka badaha ayaa ka digay in ay jirto si ay u socoto khatar sare oo wajahaysa maraakiibta isaga gudba badda cas ee koonfureed, oo ay ku jirto suurtagalnimada weerarada aargoosiga ah” ee fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen. “Waxaa lagula talinayaa maraakiibta ganacsi ee uu leeyahay Mareykanka inay ka fogaadaan aagga “ilaa ogeysiis dambe.” ayaa lagu yiri war ka soo baxay saraakisha…

Read More

Isagoo ka hadlayay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Gaza. Faisal bin Farxaan ayaa sidoo kale sheegay in Sacuudiga uu aqoonsan karo Israa’iil haddii ay dhacdo xabad joojin iyo abuurista dowlad ay leedahay Falastiin. Hadalka wasiirka ayaa ku soo aaday iyadoo dagaalka dagaalka Israa’iil iyo Xamaas uusan u muuqan mid qaboobaya. “Waxaan isku raacsannahay in nabadda gobolka ay ku jirto nabad ay hesho Israa’iil, balse taasi waxay keliya dhici kartaa nabad iyo dal ay helaan Falastiiniyiinta” ayuu yiri Amiir Faisal bin Farhan. Amiir Faisal ayaa sheegay in helidda…

Read More

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan looga hadlayay heshiiskii is-fagaradka ahaa ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, wuxuuna u dhaxeeyay wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo qaar ka mid ah wax garadka kasoo jeeda gobolka Awdal ee ku sugan Muqdisho. Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen labo senator oo iyagana kasoo jeeda gobolkaas, ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee ka dhanka ah heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee Badda Cas. Deeqa Xasan Xuseen oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee Aqalka sare iyo Senator Bilaal Idiris Cabdullaahi…

Read More

Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa maanta oo Talaado ah xukun ku ridday wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyay inuu dilay darawal mooto bajaaj ah, waxaana lagu xukumay 2 sano iyo bar xarig ah taas oo isla markiiba loo beddelay ganaax maxkamadeed oo u dhigma 27 kun liro oo lacagta dalkaasi ah, una dhiganta ku dhowaad kun doollarka Mareykanka ah, iyadoo la tixgalinayo shakhsiyaddiisa, xaaladdiisa bulsho iyo dhaqaale iyo qoomamo uu muujiyay intii ay dacwaddu socotay. Waxaa kale oo maxkamaddu go’aamisay in Maxamed Xassan laga celiyo laysinka darawalnimada muddo 6 bilood ah. Dhageysiga 1-aad ee dacwadda Maxamed Xasan…

Read More

Fiiro gaar ah: Sheekadan waxay xambaarsan tahay tiiraanyo iyo naxdin. Waa dhacdo aad u xanuun badan, ayna yar yihiin dadka la kulma qaddartan oo kale. Allaha u naxariistee Aasiya Cabdi ayaa geerideeda si weyn loogu baahiyay baraha ay bulshadu ku kulanto ka dib geeri xanuun badan oo ku timid iyada iyo xubno ka tirsan qoyskeeda. Aasiya waxa ay ku nooleyd magaalada Doolow ee gobolka Gedo, ka dib muddo badan oo ay xiriir wadaag ahaayeen wiil lagu magacaabo Maxamed Xasan Khaliif waxa ay ugu dambeyn ku heshiiyeen guur. Asiya oo maalmo fasax ah ku tagtay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxa…

Read More

Garsoore Soomaaliyeed ayaa caawa markii ugu horraysay dhexdhexaadin doona ciyaar ka tirsan Koobka Qaramada Qaaradda Afrika 2023-ka. Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa caawa dhex dhexaadin doona ciyaarta adag ee u dhaxeysa Tunisia iyo Namibia, taasi oo ka dhaci doonta dalka Ivory Coast. Cayaartan ayaa abbaaro 18:00 xilliga dalkaas ka dhacaysa Garoonka Amadou Gon Coulibaly ee magaalafa Korhogo ee dalka Ivory Coast. Cumar ayaa khibrad ballaaran u leh garsoorenimada, iyadoo cyaaartanna aad loo wada sugayo. Iyadoo kooxaha Tunisia iyo Namibia ay isu siyaarinayaan kulanka, indhaha caalamka ayaa waxay ku wajahan yihiin Cumar oo laga doonayo inuu si caddaalad ah garsoore uga…

Read More

Beryahan waxaa aad u soo badanaya rag Soomaaliyeed oo dhallinyaro u badan, kuwaasoo oo baraha bulshada isku weydaarsanaya sheekooyin la xiriira inay u socdaan dalka waqooyiga Afrika ku yaalla ee Morooko si ay calafkooda uga raadsadaan. Qaar ka mid ah ragaas oo da’doodu kala duwan tahay ayey BBC la xiriirtay muddo bil iyo xoogaa laga joogo si ay u ogaato waxa ka jira arrintaas. Cabdiraxaman Nuur Qanyare oo ah 72 jir, howlgab ah oo ka yimid Ingiriiska, ayaa sheegay inuu dagay waddankaas sanadkii 2014 kii. Hadda waa ganacsade ku leh goob ay ku soo dagaan dalxiisayaasha. “waxaan Marrocco u doortay…

Read More

Dukumiintiyo ay hayso Britain ayaa muujinaya in Britain ay ku baaqday in la sameeyo khad cas oo loogu talagalay xaqa ay Israa’iil u leedahay in ay is difaacdo, iyo in la xakameeyo si looga hortago in ay sii kororto aargoosiga hawlgallada Falastiiniyiinta. Dukumentiyadan oo uu dhawaan daaha ka qaaday Ra’iisal Wasaaraha Britain, ayaa sidoo kale muujinaya wada hadallo caro leh oo dhex maray mas’uuliyiin reer Yurub ah iyo hoggaamiyihii Falastiin Yaasir Carafaat, kaas oo uu ku muujiyay dareenkiisa “Niyad jabka ah” ee Israa’iil iyo inuu aaminsan yahay in aysan ku jirin cabsi ah in ay dilaan. Dukumeentiyadu waxay ka sheekeynayaan…

Read More

Rio Ferdinand ayaa ku booriyay Arsenal inay wax walba u sameeyaan sidii ay u dhamaystiri lahaayeen saxiixa xiddiga Alexander Isak inta lagu jiro suuqa January. Newcastle ayaa ku qasbanaan karta in ay iibiso xiddigaha kooxdiida kadib markii ay xaqiijisay in ay khasaartay 150 milyan oo euro warbixintii dhaqaalaha ee ugu dambaysay. Isak ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkan isaga oo xiddiga reer Sweden u diiwaan gashan 10 gool oo Premier League ah 16 kulan oo uu saftay. Alexander Isak waxa uu ka daba baxayay daafacyada Man City waliba si joogto ah, hadii aan Arsenal ahaan lahaa wax walba waxan u samayn…

Read More

Chelsea ayaa dalab qaali ah oo dhan 73 milyan ka gudbisay weeraryahanka Sporting Lisbon Viktor Gyokeres laakiin waxa ay u baahan doonaan inay si weyn u kordhiyaan dalabkooda si ay u helaan xiddiga reer Sweden, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Portugal. Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa isha ku haysa inay xoojiso weerarkooda suuqa January ka dib markii ay soo bandhigeen qaab ciyaareed liita dhinaca weerarka xilli ciyaareedkan. Gyokeres ayaa ahaa xiddig diirada u saarnaa kooxda chelsea kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo qaatay Sporting. Xiddiga 25 jirka ah oo Sporting kaga soo biiray Coventry City…

Read More