Author: radiohalgan.com

Kulan ku qabsoomaya Muuqaalka Fogaan-aragga ayuu maanta Ururka Jaamacadda Carabta ka yeelanayaa xadgudubka ay Itoobiya ku samaysay Madaxbannaanida, Wadajirka & damaceeda gurracan ay ku doonayso in ay ku qaadato qayb kamid ah biyaha Soomaaliya. Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Hossam Zaki ayaa sheegay in shirkaan oo dhacaya maanta oo Arbaco ah 17ka Janaayo 2024 looga arrinsanayo khilaafka & xiisadda salkeedu yahay xadgudubka Itoobiya ay ku samaysay Soomaaliya. Ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhowr dhinac ka fiirinaya tallaabooyinka iska soo horjeeda ee Muqdisho iyo Addis Ababa ay wadaan, go’aanka adag Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadatay damaca gurracan ee Itoobiya…

Read More

Wararka ka imaanaya Waqooyiga Magaalada Gaza ayaa kusoo warramaya in uu halkaas ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Yuhuudda iyo dhalinyarada wax iska caabbin ee diidan dhibaatooyinka ay ku hayaan Dadka Magaaladaas ku nool. Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in ciidanka Yuhuudda muddo ka badan 72 saac ay wajahayaan dagaal xooggan oo aan kala joogsi lahayn waxaana dagaalladaas ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti Qaar kamid ah Dadka kooban ee Magaalada Gaza ku haray ayaa Warbaahinta u sheegay in xabbaddu iyo duqayntu aanay kala joogsi lahayn iyaga oo arkay maydadka & dhaawacyada Dad rayid ah oo ku…

Read More

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo nolol iyo geeri lagu waayay xilli uu ku sugnaa dalka Kenya ayaa waxaa haatan arrintiisa ay yeelatay weji cusub, waxaana soo farogeliyay xildhibaano ka tirsan dowladda Somalia. Senator Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo kamid ah xildhibaanadaas oo kasoo jeeda Jubbada, gaar ahaan gobolka Gedo ayaa si adag uga hadlay xaaladda wasiir Janan. Fartaag ayaa farriin u diray dowladda Kenya, isaga oo ka codsaday inay si deg-deg ah usoo dayso Janan oo haatan xaaladdiisa walaac xoogan laga muujinayo, maadaama la waayay. “Waxaan ugu baaqeynaa dowladda Kenya oo uu ugu horreeyo wasiirka gaashaandhigga Aadan Barre…

Read More

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo dhan ah Itoobiya ayada oo goordhow hawada Soomaaliya ka celisay Diyaaradda Ethiopia Airlines, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah . Wararka ayaa sheegaya in amarka uu kasoo baxay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, taas oo dib u celisay diyaaraddan oo wafdi Itoobiyaan ah u waday magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland. Diyaaradda ayaa ugu dambeyn ku laabatay magaalada Addis Ababa oo markii hore ay ka soo kacday, sida uu xaqiijiyay maareeyaha hay’adda duulista Axmed Macallin oo la hadlay Shabelle Tv. Axmed Macallin ayaa sheegay in…

Read More

Mareykanka ayaa war cusub kasoo saaray heshiiska muranka badan dhaliyay ee ay kowdii bishan wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya. Aqalka Cad ee Mareykanka oo haatan soo farogeliyay heshiiska labada dhinac ayaa caddeeyay inuu kasoo horjeedo, maadaama uu xadgudub ku yahay Soomaaliya. “Waxaan taageereynaa Soomaaliya iyo madax banaanidooda dhuleed, waana in la ixtiraamo ” ayuu yiri John Kirby oo ah isuduwaha xiriirka golaha amniga qaranka Maraykanka. John Kirby ayaa shaaca ka qaaday inheshiiskaas uu horseedi karo xasillooni darro iyo in la carqaladeeyo dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo waxa loogu yeero argagixisada. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in aqoonsi ay…

Read More

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow oo aay wehliyaan xubno maamulka kamid ah iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha degmada Matabaan Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda Hirshabelle iyo qeybaha bulshada ayaa degmada Matabaan kusoo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin. Ujeedka socdaalka guddoomiyaha gobolka ayaa salka ku haaya dib u habeynta Maaliyadda gobolka Mashaariic laga fuliyo degmada Matabaan iyo u kuurgalka xaaladda bulshada degmada Matabaan ku nool ku suganyihiin, waxuuna kulamo kala duwan la qaadaan doonaa guddoomiyaha gobolk Hiiraan maamulka degmada Matabaan iyo qeybaha bulshada.

Read More

Itoobiya ayaa ka meer-meeraysa inay ka qayb gasho shirka ay iclaamisay dowladda Jabuuti ee ay yeelanayaan Madaxda dalalka IGAD, kaasoo looga hadlayo heshiiskii muranka dhaliyay ee ay wada-saxiixdeen Aby Axmed iyo Muuse Biixi. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo warqad u dirtay IGAD ayaa ka gaabsatay ka qeyb galka shirkaas, iyadoo ku marmarsiyootay inay howlo kale ku mashquulsan yihiin, waxayna codsatay in waqti kale looga dhigo. Itoobiya ayaa waxaa heysta wejigabax diblumaasiyadeed oo ku qasbaya inay ka dhuumato fagaarayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Shir Madaxeedka deg deg ah ee madaxda IGAD ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Kambala ee…

Read More

Wuxuu 45 sano baadari ka ahaa kaniisad ku taal dalka Australia. Gould David wuxuu ku dhawaaqay maalmo kahor inuu qaatay diinta Islaamka. Wuxuuna la baxay magaca Abdul Rahman. Barashadiisa iyo fahamkiisa Islaamka wuxuu kasoo bilowday Perth oo ah magaalo uu u tagay tacsida seedigiisa oo dhintay. Wuxuuna kiraystay hotel fogaan 150 mitir u jira masjidka oo laga maqli karo aadaanka iyo salaadaha. Wuxuu go’aansaday inuu socdaal gaaban ku bixiyo Masjidka. Waxaana halkaas kusoo dhaweeyey imamka Masjidka oo guddoonsiiyay nuqul kamid ah Qur’anka Kariimka ah. “Waan sujuuday oo aan Rabbiga Weyn isku dul-dhigay si aan u haleelo jidkiisa dhabta ah kadibna waxaan…

Read More

Xiisad siyaasadeed oo meel xun gaartay ayaa soo kala dhax gashay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib markii Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ku xad-gudbay Qarannimada Soomaaliya heshiis sharci-darro ahna la galay Somaliland. Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ku dhawaaqay in shir deg deg ah oo looga hadlayo xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya la qabanayo, shirkan oo qaab fogaan arag ah ku qabsoomaya ayaa waxaa hoggaamineysa dowladda Morocco. Ku xiigeenka xoghayaha guud ee ururka jaamacadda carabta, Hossam Zaki, ayaa sheegay in ururku shirkaasi qaban doono 17-da bishan Janaayo, sida ay ku soo warrantay wakaaladda wararka dalka Masar ee MENA. Hossam Zaki, ayaa sheegay in shirkan…

Read More

Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ku mideysan IGAD, shirkan ayaana diirada lagu saari doonaa xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaana si weyn uga carrootay heshiis wax u dhimaya madax-bannaanida iyo midnimada umadda Soomaaliyeed, kaa oo Adis Ababa ku kala saxiixdeen madaxweynaha maamulka Somaliland iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa ku booriyay madaxda dowladda Soomaaliya in aan lagu maaweelin shirka ay leeyihiin Madaxda IGAD ee ka dhacaya Kampala. Qoraal uu soo…

Read More