Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaasi oo uga qeyb-gali doono shir muhiim ah. Madaxweyne Xasan ayaa ka qeyb-galaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya, wuxuuna mudada uu joogo halkaasi uu kulamo muhiim la yeelan doonaa hoggaanka dalka Turkiga, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa horay uga qeyb-galay meertada 6-aad ee shirka Qaramada Midoobay oo ka dhacay magaalada Nirobi ee dalka Kenya, kaasi oo diirada lagu saaray isbaddalka cimilada adduunka ee xilligaan. Socdaalka madaxweyne…
Muuse Biixi, hoggaamiyaha waqtiga ka dhamaaday ee Somaliland waxaa qodobka khaa’inu waddan ugu xukuman qof walba oo xil ka qabtay ama haddaba ka haya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dadka reer Waqooyiga ah ee dowladda dhexe ee Soomaaliya u shaqeeya looma ogola inay qoysaskooda booqdaan, ama xitaa haddii ay geeri dhacdo inay ka qeyb-galaan tacsida. Qofkii Muqdisho xil ka haya oo Hargeysa tega waa xadhig oo waxa uu nidaamka Somaliland u yaqaana qof ku kacay khiyaano qaran, tani waxay isa seejisay waalid iyo caruur badan, waxayna dad badan ku qasabtay ku noolaanshaha goobo ka fog ehelkooda ama in aanay xasillooni…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Farmaajo ayaa laba sano kadib saaka kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayada oo tan iyo markii uu xilka ka degay aan lagu arag gudaha Soomaaliya, isaga oo ku noola magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyey waxaa ka taagna xaalado siyaasadeed oo ay ku kala duwanayeen mucaaradka iyo muxaafidka, ayada oo arrinta wax ka beddelka…
Saraakiisha ammaanka ee Maraykanka ayaa ku dhiiranaya inay si cad uga hadlaan farsamada casriga ah ee sida xawliga ah ku socota, gaar ahaan aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey ama Artificial Intelligence iyo halista ka iman karta marka ay adeegsadaan dalalka cadawga ku ah Maraykanka, gaar ahaan xilliyada lagu jiro doorashada madaxtinimada ee soo socota. Agaasimaha hay’adda dembibaadhista Maraykanka ee FBI Christopher Wray ayaa soo saaray digniin ku aaddan, inay jiraan isku dayo la doonayo in lagu farogeliyo codaynta muwaadiniinta Maraykanka, gaar ahaan cidda ay tahay inay u codeeyaan doorashada dhacaysa bisha November ee soo socota. Agaasimaha…
Shirkadda Korontada ee ay dowladdu maamusho ee Ghana (ECG) ayaa Khamiistii korontada ka jartay baarlamaanka dalkaas, kaddib markii ay ku yeelatay deyn gaaraysaa illaa 23 milyan oo lacagta Ghana ah oo u dhiganta ($1.8m). Maqnaanshaha korontada ee xilligii la jaray ayaa qasbay in ay hakad gasho doodii ku saabsanayd khudbaddii sannadeedkii Madaxweynaha. Video ay warbaahinta gudaha lagu baahiyey ayaa muujinayey xildhibaannada oo ka falcelinaya markii korontadu ka tagtay. Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in koronto-dhaliye la shiday uu dib u soo celiyay korantada qolka doodda dhowr daqiiqo ka dib, arrintaas ataa fadeexad iyo ceeb ku noqotay Ghana
Habeen arbaco ah, 22 kii bisha Febarury ayaa koox hubaysani waxay wadada ku joojiyeen Abubakar Axmed oo ah nin dallinyaro ah oo maalmo ka hor maydkiisa laga helay duleedka Muqdisho. Qiyaastii 11 kii fiidnimo ee xiliga Soomaaliya, ayaa waxaa wada ku taalla degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir waxaa istaajiyay ciidamo ku la bisan dharka booliska Soomaaliya, sida uu qoyska la wadaagay nin dhallinyaro ah oo la socday Abubakar. “Rag hubaysan oo dharka booliska wata oo jidka taagan ayaa waxa ay u istaajiyaan sida qolo amniga sugaysa oo kale,..labada dhinac ayaa laga kala istaagay, labadaba waa la dajiyay waxaan dareemeynaa bartilmaameedku…
Ololaha madaxtinnimada Guddiga Midowga Afrika (AUC) ayaa billowday, iyadoo Soomaaliya ay muddo dheer kadib si rasmi ah isugu dayeyso u qabashada jagadan. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan booskan usoo sharraxday xildhibaanad Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo hore usoo noqotay raysal wasaare ku xigeen iyo wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya. Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabatay magaalada Muqdisho, ayay Fowsiya si rasmi ah ugu shaacisay musharraxnimadeeda guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika. Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028. Fowsiya, oo ah siyaasi muddo dheer kusoo dhex jirtay siyaasadda Soomaaliya, ayaa haddii ay ku guuleysato noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xilkan qabta. Musharraxa…
Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ka hadlay tartanka loogu jiro hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan. Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka iyada oo hal dhibic ka hoosaysa kooxda Man City oo ku jirta kaalinta 2-aad waxana ay laba dhibcood ka hoosaysaa kooxda hogaanka haysa ee Liverpool. Arteta ayaa tilmaamay horyaalka premier League lagu kala bixi karo farqiga goolasha xilli ciyaareedkan. Markii la waydiiyay in goolashu muhiim u yihiin kooxdiisa xilli ciyaareedkan Arteta ayaa yidhi”Haa, Xaqiiqdii”. “Ugu horayn waxa aan doonaynaa in aan badino kulamada kadib aanu dhalin goolal badan”ayuu sii raaciyay. “Tartanka Horyaalka Premier…
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday sababtii ayna Arsenal ula saxiixan xiddiga Ruben Neves kadib markii uu xiddiga khadka dhexe sheegay in uu aad ugu dhawaa ku biirista Gunners xagaagii hore. Gunners ayaa xiiso u qabtay xiddigii hore ee Wolves sanadkii hore laakiin heshiiska ayaan dhicin iyada oo Neves uu ku biiray kooxda Al-Hilal ee ka ciyaarta horyaalka sucuudiga. Xiddiga oo la hadlaya wargayska Ojogo ayaa u sheegay in uu aad ugu dhawaa ku biirista Arsenal ka hor inta uuna ugu dambayn ku biirin horyaalka sucuudiga. “Waxa aan aad ugu dhawaa ku biirista 3 kooxo oo ay Arsenal ka…
Liverpool ayaa ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah ku jirta xilli ciyaareedkan iyada oo hogaanka u haysa horyaalka premier League. Reds ayaa xitaa caruurteeda kaga badinaysa kooxaha waaweyn kadib markii ay wiilasheeda ku garaacday Blues final-kii Carabao cup-ka. Si kasta ha ahaatee waxa jirta hal koox oo Liverpool ka ilaashatay shabaqeeda ilaa haatan xilli ciyaareedkan. Liverpool ayaa ugu yaraan gool ka dhalisay koox kasta oo ay la ciyaartay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan. Laakiin Man United ayaa ah kooxda kaliya ee Liverpool u diiday in ay soo taabato shabaqeeda xilli ciyaareedkan.