Author: radiohalgan.com

Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo ka hadlay Munaasabad ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ayaa sheegay in baahida loo qabo dhammaystirka Dastuurka si looga gudbo qabyo-qoraalka uu in muddo ah uu jira. Yabooh ayaa sheegay in ka maamul Gobolka Banaadir ahaan uu soo dhawaynayo Guddigii kala duwanaa ee Muqdisho ku yeeshay shirka ay uga arrinsanayeen Sidii Kumeel-gaarka looga saari lahaa Dastuurka Dalka. Maxamed Axmed Diiriye, Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa intaas ku daray in tallaabo bogaadin mudan tahay in laga shaqeeyo hagaajinta Dastuurka Dalka iyada oo muhiimad…

Read More

Saraakiisha ammaanka ee Maraykanka ayaa ku dhiiranaya inay si cad uga hadlaan, farsamada casriga ah ee sida xawliga ah ku socota, gaar ahaan aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey ama Artificial Intelligence, iyo halista ka iman karta marka ay adeegsadaan dalalka cadawga ku ah Maraykanka, gaar ahaan xilliyada lagu jiro doorashada madaxtinimada ee soo socota. Agaasimaha hay’adda dembibaadhista Maraykanka ee FBI Christopher Wray ayaa soo saaray digniin ku aaddan, inay jiraan isku dayo la doonayo in lagu farogeliyo codaynta muwaadiniinta Maraykanka, gaar ahaan cidda ay tahay inay u codeeyaan doorashada dhacaysa bisha November ee soo socota. Agaasimaha…

Read More

Soomaaliya ayaa billowday ololaha ay ku doonayso hanashada kursiga Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee loosoo gaabiyo AUC oo ay ku metalayso Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo musharraxad isusoo taagtay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Fowsiya Yuusuf ayaa rejo wanaagsan ka muujisay in ay gacanta ku dhigto kursigaan iyada oo sheegtay in ay xoogga saarayso haddii ay ku guulaysato Horumarinta Qaaradda Afrika kuna soo kordhin doonno waaya-aragnimadeeda Siyaasadeed. Muddo xileedka kursigaan ay ku haminayso Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan waa 2025-2028 waxaana ku tartamaya Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalka Kenya Raila Odigna oo qudhiisu wada ololaha uu ku gaarayo guusha uu…

Read More

Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Duubabka dhaqanka Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo ayaa sheegay in la dacwaynayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi sabab la xiriirta dhibaatooyinkii ka dhacay Gobolka Sool. Garaadka ayaa sheegay in la diiwaangelinayo Dadkii dhintay ee gaaraya 800 oo ruux, kuwii dhaawacmay, hantidii ku burburtay & dhammaan waxyeelladii ay gaysteen ciidamada ka amar-qaata Muuse Biixi Cabdi ee Sool laga gacan-maroojiyay. “Maamulka Muuse Biixi waxaa in loo dacwaynayaa dhimashadii Dadka gaaraya 800 oo ruux, Waa aynu diiwaangelinaa dadka dhaawacmay, goobta ay ku geeriyoodeen & xiliga ay waxgaareen loona sameeyo xarun iyo taallo lagu xardhayo magacyada oo…

Read More

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamo ka socda dalalka saaxiibka la ah dowladda ayaa howlgal Ka sameeyey deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga Degmada Ceeldheer iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Ciidanka kumaandooska Soomaaliya oo ka helaya gacan ciidamo shisheeye ayaana howlgalkan ka fuliyay deegaanno Al Shabaab xubno katirsan isku uruursanayeen , kuwaa oo la sheegay ciidanka in ay heleen xogtooda. Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay Al Shabaab inta howlgalku socday, waxa ayna saraakiisha xuseen in Al Shabaab jab xooggan gaarsiiyeen. Ciidanka dowladda oo kaashanaya ciidamo shisheeye…

Read More

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u digay dalalka reer Galbeedka, isaga oo sheegay in ay bilaabayaan dagaal loo adeegsado hubka nuclearka haddii ay ciidamo u diraan dalka Ukraine. Waxa uu sheegay inuu haysto hub uu ku weerari karo bartilmaameedyo ku yaalla Galbeedka. Isaga oo ku guda jira khudbadda sanadlaha ah ee xaaladda dalka, ayaa Putin uu yiri dalalka ree Galbeedka ahi “waa inay garowsadaan in annaguna aan haysanno hub duqeyn kara goobo xuduudihiinna ku yaalla. Arrimahan oo dhammi waxay keenayaan khatar ah in hub nuclear ah la adeegsado iyo burbur uu ku yimaadda ilbaxnimooyinka. Intaa ma ayna fahmin miyaa?” In…

Read More

Ugu yaraan 140 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay magaalada Qaza, ka dib markii ay ciidamada Israa’iil ay rasaas ku fureen, xilli ay dadkaasi doonayeen inay cunto ka qaataan gaadiidka samafalka ee cuntada geeya marinka go’doonsan ee Qaza. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanku ay hubinayaan “wararka is-khilaafsan” ee ka soo baxaya, sida weerarku u dhacay. Afhayeen u hadlay aqalka cad oo lagu magcaabo Olivia Dalton ayaa dhimashadan ku tilmaantay inay tahay wax laga naxo, oo si weyn looga walaaco. “Waa dhacdadii ugu dambaysay ee u baahan in la baaro” ayay u sheegtay weriyayaasha, xilli ay…

Read More

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay haweenay maanta seygeeda ku gubtay gudaha magaalada Muqdisho Bayaan kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ay gar-gaar u fidiyeen dhibanaha oo hadda xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayo mid kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho. Haweenayda ku eedeysan kiiskan ayaa lagu magacaaba Naley Maxamuud Saney, waxaana da’deeda lagu sheegay 26 jir. “Maantay oo taariikhdu tahay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Yaaqshiid waxa ay soo qabteen Edeysane Naley Maxamuud Saney 26 jir ah oo gubtay Saygeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska. Naley ayaa la horgeyn doona maxkamadda…

Read More

Booliska Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray dhacdooyinkii toddobaadlaha ah ee dalka ka dhacay oo ay ku jiraan dembiyo culus oo dhacay maalmihii lasoo dhaafay. Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in garoonka Aadan Cadde lagu qabtay dad badan oo loo tahriibinayey dalka Sacuudiga, kuwaas oo cabsiga loo taxaabay. Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in la qabtay labo nin oo dadkaas u tahriibinayey dalka Sacuudiga, howlgalkaan waxaa iska kaashaday booliska iyo hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda. “30 qof oo loo tahriibinayey dalka Sacuudiga iyo 2 qof oo waday ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, saakay…

Read More

Ugu yaraan 104 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay magaalada Gaza, kadib markii ay ciidamada Israel ay rasaas ku fureen. Weerarkan ayaa dhacay xilli ay dadkaasi doonayeen inay cunto ka qaataan gaadiidka samafalka ee cuntada geeya marinka go’doonsan ee Gaza. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanka ay hubinayaan “wararka is-khilaafsan” ee ka soo baxaya, sida weerarka uu u dhacay. Afhayeen u hadlay aqalka cad oo lagu magcaabo Olivia Dalton ayaa dhimashadan ku tilmaantay inay tahay wax laga naxo, oo si weyn looga walaaco Waa dhacdadii ugu dambaysay ee u baahan in la badho” ayay u sheegtay…

Read More