Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Waxaa Arbacadi shalay sii xoogeystay dadaalka loogu jiro sidii Marinka Gaza loo gelin lahaa gargaarka bani’aadannimo ee sida aadka ah ay ugu baahanyihiin dadka gaajada darteed u go’i rabo ee reer Gaza. Midowga Yurub ayaa kordhiyay cadaadiska uu ku saarayo Israil in ay qaaddo xayiraadaha gargaarka bani’aadannimo. Dalalka reer Yurub ayaa isku dayaya in ay abuuraan dariiq sii maraya badda oo kasoo billaabanaya Qubrus kuna dhammaanaya Gaza, kaas oo lasoo marin doono gargaar bani’aadannimo. Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain David Cameron ayaa isna Arbacadi sheegay, in xulufada Isra’il ay sii luminayaan dul-qaadka. Koofur Africa oo horay Isra’il uga dacweysay Maxkamadda Caalamiga…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay shirwaynaha dacwada Salafiga Soomaaliyeed,isagoo sheegay in culimadu doorwayn ku leeyihiin dawladnimada, siyaasada iyo amniga, iyagoo si gaara uga masuul ah dacwada iyo ilaalinta diinteena suubban. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Al-shabaab dowladnimadeena caqabad wayn ku yihiin, isla markaana dowladdu kula jirto dagaal xoogan oo dhinacyo badan ah, sidaa awgeed waxaa culimada Soomaaliyeed looga fadhiyaa in ay doorkooda shariifka ka qaataan, isla markaana bulshadeena ka wacyi galiyaan afkaarta qaldan ee dhalinyareedan ay ku qaldaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu gacanta ku hayso dhismaha golaha culimada Soomaaliyeed oo wax…
Qoyska Luul C/casiis oo ah hooyo Soomaaliyeed oo dhowaan lagu gubay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey iney go’aansadeen aaska gabadhooda oo muddo ku dhow bil ku jirta qaboojiye. Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili maanta Maxkamada gobolka Banaadir ay xukun dil ah ku riday eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo lagu helay inuu si bareer ah u gubay Luul oo xaaskiisa aheyd. Qoyska gabadha ayaa horey u sheegay ineysan aasi doonin ilaa gabadhooda ay ka hesho cadaalad. Aabe C/casiis oo ah Luul aabaheed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney go’aansadeen iney aasaan meydka gabadhiisa maadaama maalmo la kadib la guda…
Liverpool ayaa tartan adag kala kulmaysa kooxaha Man City iyo Arsenal xilli tartanka horyaalka premier League xilli ciyaareedka 2023/24 uu marayo heerkii ugu dambeeyay. Dhammaan saddexda kooxood ayaa hadda haysta 11 kulan oo kale oo ay ciyaaraan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan iyadoo Reds ay hadda hal dhibic ka sarayso Cityzens halka ay laba dhibcood ka sarayso Gunners. Iyadoo loollanka loogu jiro hanashada horyaalka uu sii xoogeysanayo, Sky Sports ayaa sameysay sawir ay isku bar-bar dhigayso 11-ka kulan ee u hadhay 3-da kooxood. Liverpool ayaa haysata kulamo adag oo ay ugu horeeyaan kulamada ay la ciyaari doonto kooxaha Man City Man…
Barcelona ayaa wacday Mikel Arteta, sida uu sheegay Alex Pintanel ee Relevo. Catalans waxay ka warqabtaa in ay adkaan doonto saxiixa tababare Arteta dhamaadka xilli ciyaareedkan. Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha Barcelona iyo Agaasimaha kooxda ee Deco ayaa tageere u ah tababaraha Arsenal. Horraantii sanadkan, Arteta laftiisu wuxuu ku tilmaamay wararka xanta ah ee ku saabsan ka bixitaankiisa xagaaga ‘been abuur’. Waxyaabuhu way is badali karaan iyadoo ku xidhan sida ay Gunners u dhamaysato xilli ciyaareedka. Mikel Arteta ayaa seddex koob kula guuleystay Arsenal tan iyo 2019, isagoo si tartiib tartiib ah kooxda Premier League ka dhigay kuwo ku tartama…
Ciyaartoyda Manchester United ayaa filaya in Erik ten Hag la ceyriyo dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida laga soo xigtay Daily Mail. Wargayska Ingariiska ayaa ku waramaya in kooxda Man United ay aqbashay in ay ku dhawdahay in aysan suurtogal ahayn in Ten Hag uu sii joogo kooxda ilaa xilli ciyaareedka 2024-25. Imaanshaha Sir Jim Ratcliffe oo ah Milkiilaha saamiga yar ayaa lagu soo waramayaa in uu masuul ka ahaan doono saxiixyada iyada oo taas keenaysa in uu tababaruhu lumiyo awoodiisa. Daily Mail ayaa ku warameysa in rajada kaliya ee uu Ten Hag ku sii joogi karo kooxda ay tahay in uu…
Muuqaalada saaka laga soo duubay garoonka diyaaradha Muqdisho ayaa muujinaya jahwareerka ka taagan garoonka diyaaradha ee magaaladda Muqdisho. Boqolaal ruux oo shacab ah oo doonayay inay u dhoofaan gobolada dalka ayaa ku xaniban gudaha garoonka. Mid kamid ah dadkaas aya aah xildhibaan Cali Siciid Fiqi oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo BBC da u sheegay in uu dhawr saacadood ku xaniban yahay qaybta lagu sugo duulimaadka. “Saaka aroortii hal saac iyo bar ayaan imid garoonka diyaaradha, markaan imid ayaa nalgu yiri, ‘war maanta diyaarad in ay jireyso iyo in kale lama oga’…ilaa iyo hadeertaan oo ay mareyso tobankii…
Jimcahii lasoo dhaafay wiil dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed ku nool dalka Norway gaar ahaana magaalada Lørenskog ayaa sida la sheegay walaalkiis ku dilay iyaga oo ku sugan gurigooda. Wiilka ku eedaysan in uu dilka geystay ayaa walaalkiis Axmed Saciid Muuse oo ahaa 26 sanno jir waxay ahaayenen labadii da’ood ee isku xigtay. Xilliga dilku dhacayay labada waalid ee wiilasha ayaan labaduba joogin dalka Norway. Hooyada dhashay labada wiil oo ganacsato ah ayaa ku maqnayd Dubai halka Aabbaha dhalay wiilasha isna uu ku jiray Ingiriiska. Labada waalid ee dhalay wiilasha waa kuwo aan isqabin. Hadda wiilashase waxay la noolaayeen Hooyadood. Ciidamada…
Waxaa dhibaato badan iyo qisooyin xanun badan laga so sheegayaa marinka Gaza ee dagaalladu ay ka socdaan. Dhibaatada ugu daran ayaa waxay hadda soo food saartay carruurta reer Gaza. “Carruurta gaajadu hayso maxay ku dambayn doonaan, ma heli doonaan cid badbaadisa mise way dhiman doonaan, wiilkaygii Cali isaga mar hore ayuu dhintay”. Aabbaha dhalay Cali oo ah wiil yar oo Falastiini ah oo dhawaan nafaqo darro iyo fuuq-bax ugu dhintay isbitaalka keliya ee ku yaalla waqooyiga Gaza, ayaa codsaday in la caawiyo carruurta kale ee lagu daweynayo halkaas, iyadoo Qaramada Midoobey ay ka digayso macaluul haddii aan loo kordhin gargaarka.…
Kani waa majaajileystaha jilaaga ah ee reer Nigeria John Okafor, oo loo yaqaano Mr Ibu, oo aan inta badan u baahnayn in uu afka furo si uu dadka uga qosliyo. “Hal mar ayaa la ii doortay ina an dhaqtar ka jilo filin, markii aan imid goobta anigoo sida dhakhtar u lebisan, dhammaan shaqaalihii ayaa qosol la dhacay, xitaa aniga oo aan waxbaa dhihin,” ayuu yiri isaga oo dib u xasuusanaya. Jilaagan oo 62 jir ku dhintay ayey geeridiisu murugo ku reebtay qoyskiisa, asxaabtii iyo taageerayaasha shirkadda filimada ee Nigeria ee Nollywood oo si fiican looga daawado guud ahaan Afrika. Waxa…
