Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Saraakiil katirsan Ciidanka Israaiil ayaa cod dheer ku dalbaday in Xukuumadda Benjamin Netanyahu ay raadiso dhabbaha ugu fudud ee loo mari karo xabbad-joojin ka dhaqangasha deegaannada ay isku hor fadhiyaan Falastiiniyiinta. Netanyahu ayaa ka caga-jiida in uu xabbad-joojin ku lifaaqan dalabka Xamaas uu galo maadaama Dad badan ay ku caadidanayaan in uu iscasilo sabab la xiriirta in uu ku fashilmay soo furashada maxaabiistii la qafaashay 7dii Oktoobar 2023. Ciidamada Israaiil ee jooga furimaha Dagaalka ayaa sheegay in qaarkood ay qarka u saaran yihiin halis caafimaad darro oo ay ugu wacan yihiin hubka culus oo ay isku ridayaan dhinacyada hubaysan ee…
Waxaa xalay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Yaqshiid lagu dilay nin dhallinyaro ah oo la dhashay taliyihii hore ee hay’adda Nabad sugida Soomaaliya haddana ah xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Farey. Sida aan wararka ku helnay koox katirsan hay’adda Nabad sugida Soomaaliya ayaa lagu tuhmayaa in ay ka dambeeyeen dilka Cabdi Cabdullaahi Maxamuud oo isna katirsanaa ciidanka NISA, dilkan ayaana dhacay xalay saqdii dhaxe xilli dadka badi hurdayeen. Ciidanka nabad sugida Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabeen baaritaanno ku aadan dilkan, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in la xiray askar katirsan nabad sugida oo lagu tuhmayo in dilkan ka dambeeyeen.…
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya jug xoogan oo goordhow laga maqlay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Wararka ayaa sheegaya in tiro hoobiyeyaal ah oo gaaraya illaa 4 ay ku dhaceen gudaha suuqa gaar ahaan nawaaxiga Masjidka Abuu Hureyra, kuwaas oo dhaliyay khasaare u badan dhaawac. Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan loo adeegsaday hoobiyeyaasha ku dhintay ku dhowaad 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Dhaawacyada ayaa si deg-deg ah loola cararay qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, halkaas oo haatan lagu dabiibayo. Sidoo kale waxaa muddo kooban hakad uu ku yimid dhaq-dhaqaaqii suuqa,…
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa booqasho ku tegay dalka Sacuudiga, xilli ay socdaan dadaallo lagu raadinayo xabbad joojin ka dhaqan gasha marinka Gaza. Booqashada Blinken oo noqoneyda safarkii shanaad ee uu ku tago gobolka Bariga Dhexe tan iyo markii Israel ay weerar ba’an ku qaadan Gaza kadib weerarkii Xamas ee 7-dii October ee sanadkii tegay. Wararka laga helayo socdaalka Blinken ayaa sheegaya in uu madaxda Sacuudiga kala hadlo xaaladda Gaza, oo mareysa meel xasaasi ah xilli aan wax natiijo ah laga gaarin wada-hadallada labada dhinac ee Israel iyo Xamas. Blinken ayaa sida qorshuhu yahay waxa uu sidoo…
Qasriga looga arrimiyo Boqortooyada Ingiriiska ee Buckingham Palace ayaa Isniinti shalay aheyd ku dhawaaqay in Boqorka Boqrtooyada Midowday ee Ingriiska ee Boqor Charles laga helay nuuc ka mid ah cudurka Kansarka. War kasoo baxay Qasriga Boqortooyada ayaa lagu sheegay in Boqor Charles uu hakin doono howlihi uu u hahay shacabka si loo daweeyo, balse ay niyaddiisu wanaagsan tahay. Charles, oo 75 jir ah ayaa loo boqray boqortooyada bishii September ee sannadki 2022-ki, kaddib geeridi hooyadiis Queen Elizabeth. Warka kasoo baxay boqortooyada Ingiriiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Charles uu billaabay in uu qaato dawooyin dhowr ah oo loogu tala…
Iran ayaa sheegtay “in aysan ka laba labeyn doonin” inay jawaabto haddii Mareykanka uu weerar kusoo qaado dhulkeeda kadib markii Aqalka Cad uu diiday inuu meesha ka saaro weerar lagu qaado Iran. La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa Axaddii sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono inuu ka aarguto kooxaha Iran ay taageero ee ku sugan Iraq iyo Syria. Mar la weydiiyey haddii Mareykanka uu meesha ka saarayo suurta-galnimada inuu toos u weeraro Iran, Sullivan ayaa u sheegay NBC “xikmad iima yeelaneyso inaan ka hadlo waxa aan xukmineyno iyo waxa aan meesha ka saareyno.” Haddii (Iran) ay doortaan inay…
Waxaa gebi ahaanba baaqatay munaasabadda sanad-guurada Ciidamada Milateriga Somaliland, oo sanad kasta lagu qaban jiray gudaha Somaliland. Sanad-guurada sanadkaan ayaa ku beegnayd 2-dii bishaan, taasi oo keentay in la isweydiiyo sababta ay xukuumadda Somaliland u qaban xuskaan, oo ay ku soo bandhigi jirtay cududeeda ciidan. Xisbiga mucaaradka ee Waddani ayaa xukuumadda ku eedeeyay in baaqashada munaasabadda ay tahay fashil ku yimid xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi. “Faanka Ina Kaahin (wasiirka arrimaha gudaha) iyo 32 sannadoo ka bacdi in ay tahay markii ugu horaysay ee la qaban waayay xuska Ciidanka Qaranka, waa su’aal wayn oo ay tahay in uu iswaydiiyo,”…
Aabaha dhalay gabadhii dhawaan uu ninkeeda ku gubay magaalada Muqdisho, Sheekh Cabdicasiis Maxamed ayaa laamaha amniga uga mahad-celiyay soo qabashada ninkii gubay gabadhiisa, isagoo dalab culusna u diray dowladda. Waxa uu ka dalbaday madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya in loo qisaaso ninka gubay gabadhiisii oo xaamilo aheyd, oo haatan ku jira gacanta hay’addaha ammaanka. Sayid Cali Macalin Daa’uud oo maalmihii lasoo dhaafay ku raad-joogeen ciidanka NISA ayaa ugu dambeyn shalay galab waxay kasoo qabteen deegaanka Gaadaale oo hoostaga degmada Hobyo, xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay. Aabe Cabdicasiis ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uusan weli duugin gabadhiisa, ayna…
Abwaan Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (Abees) oo shalay magaalada Hargeysa lagu xiray ayaa maanta waxay Maxkamadda Degmada Hargeysa ku riday xukun lama filaan ah. Abwaan Abees ayey maxkamadda ku xukuntay sannad iyo lix bilood oo xarig ah, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah qoyskiisa. Xukunkan ayaa ah mid deg-deg ah oo aan la filayn xilligaan, maadaama oo inta badan eedaysanayaasha ay dacwadoodu qaadato muddo, islamarkaana baaristu ay dheeraato. Xariga Abwaan Abees ayaa saacadihii lasoo dhaafay hadal-hayn xooggan ka abuuray baraha bulshada, kadib markii uu warbaahinta kasoo muuqday aabihii oo ku eedeeyay in uu ku noqday waalid caaq. Aabaha…
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA Taliska Booliska Gobolka oo Beeniyay in Maxaa Biis ka Fagatay Sal dhiga Booliska Beledweyne.