Author: radiohalgan.com

Macallin dhigayey Jaamacad laga barto caafimaadka oo ku taal dalka Bangladesh ayaa la xiray, maalmo ka dib markii uu xabad ku dhuftay arday imtixaan u fadhiyey. Dhacdadan oo ka dhacday magaalada Sirajganj ee waqooyiga galbeed ee Bangladesh ayaa aad loola anfariirey markii la ogaadey in booliska ay ku qaadatay labo maalmood in ay xiraan ninka falka geystey. Raihan Sharif ayaa la xiray, dabeedna shaqada laga joojiyey markii ardaydii jaamacaddu ay ku dhaqaaqeen mudaharaad looga soo horjeedo weerarka lagu dhawacay saaxiibkood. Macluumaad dheeri ah lagama hayo sababta ka dambeysey dhacdan iyadoo ardayga dhaawacana uu isbitaal jiifo, macalinkana uu xabsi ku jiri…

Read More

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa shir-gudoomiyay shir looga arinsanayay u diyaar garawga bisha Barakeysan ee Ramadaan. Shirka waxaa ka soo qayb galay Taliye xigeenka Koowaad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S.Guuto Cusmaan C/lahi Maxamed (Kaniif), Saraakiisha Hoggaamada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, fadhiyada Madaxa Banaan, saraakiisha qeybaha ee Boliiska Gobolka Banaadir Taraafiko iyo Taliyaasha saldhigaya Gobolka. Hal ku dhiga shirka ayaa ahaa Nabad ku afurka Bulshada Caasimadda inta lagu guda jiro bisha ramadaan iyo ka hortaga falalka  Al shabaab. Inta uu shirka socday taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu faray saraakiisha ciidamada in laga shaqeeyo sidii bulshada Soomaaliyeed…

Read More

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Magaalada Nairobi kulamo gaar gaar ah kula yeeshaday Masuuliyiinta Dalalka iyo Bangiyada Caalamiga ah ee taageera Dowladda Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Nairobi oo uu uga qeyb galayo shirka horumarinta Maaliyadda ee IMF iyo Dowladda Soomaaliya ayaa maanta kulamo doceedyo mühim ah oo gaar gaar ah la kala qaatay madaxda Ururada iyo Bangiyada taageerada Dowladda Soomaaliya sida  Wakiilka Midowga Yurub, Wakiilka Bangiga Adduunka iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Afrika. Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaliya Karin Johansson iyo Wasiirka Maaliyadda XFS Hon. Biixi Imaan Cige ayaa ka wada…

Read More

Qaraxyo dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa ka dhacay magaalada Odesa ee koonfurta dalka Ukraine, xilli uu madaxweynaha dalkaasi Volodymyr Zelensky uu kula kulmayay ra’iisul wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis. Ciidamada badda ee Ukraine ayaa sheegay in shan qof ay dhinteen. lama soo sheegin cid ka tirsan labada wafdi oo wax ku noqday. Mitsotakis ayaa sheegay in labadooduba ay maqleen dhawaqa seeriga iyo qaraxyada. Ruushku waxa uu sheegay in uu bartilmaameedsaday goob lagu farsameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo dhinaca badda ah oo ku taalla meel ganacsi oo ku taal magaaladaas intii uu socday weerarkaas. Madaxweyne Zelensky ayaa ku eedeeyay Ruushka “in…

Read More

Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, ayaa daah furay hanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka Soomaaliga Hanaankan cusub ayaa ah mid si digital ah loogu hubinayo xogta muwaadinka, hanaanka dirista baasaboorka iyo habka qaadashada intaba. Adeeggaan cusub oo ah mid la jaanqaadaya habka casriga ah ee bixinta baasboorada, ayaa looga maarmi doonaa in lagu qoro gacanta codsiyada baasaboorka iyo xogta muwaadinka. Waxaa uu meesha ka saari doona culeyskii ka iimaan jiray foomamka gacanta lagu buuxiyo, isaga oo soo gaabiniya waqtiga hubinta iyo daabaacadda intaba. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa si joogta ah horumarin…

Read More

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu ansixiyay magacaabista Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya. Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee Marwo Hodan Cismaan in ay noqoto Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, halkan Mudane Aadan Rooble uu noqonayo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya. Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xeerka Hey’adaha aan dowliga aheyn, Habraaca Diiwaan-gelinta Gaadiidka iyo Siyaasadda Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta.…

Read More

Koonfur Afrika ayaa Arbacadii codsi degdeg ah u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda si ay u weydiisato tallaabooyin degdeg ah oo dheeraad ah oo ka dhan ah Israa’iil, sida ku cad dukumeenti ay sii daysay ICJ. Codsiga degdega ah ee la soo gudbiyay Arbacadii, Koonfur Afrika waxay ku doodaysaa inay “ku qasban tahay inay ku soo noqoto Maxkamadda iyada oo la eegayo xaqiiqooyinka cusub iyo isbeddelka xaaladda Gaza – gaar ahaan xaaladda gaajada baahsan. Bayaanka ayaa sidoo kale ka codsanaya ICJ inay muujiso tallaabooyin ku-meel-gaar ah ama in wax laga beddelo tallaabooyinka ku-meel-gaarka ah” ee la soo saaray Janaayo.…

Read More

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in saddex ka mid ah shaqaalihii la socday lagu dilay, ugu yaraan afar kalena lagu dhaawacay weerarka Xuutiyiinta ay ku qaadeen markab ganacsi meel ku dhow Yemen. “Abaarihii 11:30 subaxnimo (waqtiga Sanca) ee 6-dii Maarso, ayaa gantaal nooca ballistic-ga ah (ASBM) laga soo riday aagagga ay argagixisada Xuutiyiinta Yemen ka taliyaan ee Iran ay taageerto, kaasoo lagu weeraray markabka M/V True Confidence, oo uu ka babanaayo calanka Barbados, Laybeeriya. isagoo u sii gudbaya Gacanka Cadmeed,” ayaa lagu warka lagu sheegay warka Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka “Gantaalka ayaa ku dhacay markabka, shaqaalaha caalamiga…

Read More

Waxaa Arbacadi shalay sii xoogeystay dadaalka loogu jiro sidii Marinka Gaza loo gelin lahaa gargaarka bani’aadannimo ee sida aadka ah ay ugu baahanyihiin dadka gaajada darteed u go’i rabo ee reer Gaza. Midowga Yurub ayaa kordhiyay cadaadiska uu ku saarayo Israil in ay qaaddo xayiraadaha gargaarka bani’aadannimo. Dalalka reer Yurub ayaa isku dayaya in ay abuuraan dariiq sii maraya badda oo kasoo billaabanaya Qubrus kuna dhammaanaya Gaza, kaas oo lasoo marin doono gargaar bani’aadannimo. Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain David Cameron ayaa isna Arbacadi sheegay, in xulufada Isra’il ay sii luminayaan dul-qaadka. Koofur Africa oo horay Isra’il uga dacweysay Maxkamadda Caalamiga…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay shirwaynaha dacwada Salafiga Soomaaliyeed,isagoo sheegay in culimadu doorwayn ku leeyihiin dawladnimada, siyaasada iyo amniga, iyagoo si gaara uga masuul ah dacwada iyo ilaalinta diinteena suubban. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Al-shabaab dowladnimadeena caqabad wayn ku yihiin, isla markaana dowladdu kula jirto dagaal xoogan oo dhinacyo badan ah, sidaa awgeed waxaa culimada Soomaaliyeed looga fadhiyaa in ay doorkooda shariifka ka qaataan, isla markaana bulshadeena ka wacyi galiyaan afkaarta qaldan ee dhalinyareedan ay ku qaldaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu gacanta ku hayso dhismaha golaha culimada Soomaaliyeed oo wax…

Read More