Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dowladda Ruushka ayaa u yeertay safiirka Maraykanka u jooga magaalada Moscow, waxayna ku hanjabtay inay dalkeeda ka eryi doonto diblumaasiyiinta Maraykanka ah si ay uga mudaaharaadaan wax ay ku sheegeen faragelinta Washington ee arrimaha gudaha. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu eedeeyay Mareykanka in uu maalgeliyo kooxaha aan faa’iido doonka ahayn ee Ruushka ka soo horjeeda iyo faafinta warar been abuur ah ka hor doorashadiisa madaxtinimo ee dhammaadka bishan. Danjire Lynne Tracy oo ah safiirka Mareykanka ee Ruushka weli kama hadlin arrintaan. Safiirka Mareykanka u fadhisa Ruushka waxay ka mid ahayd dhowr dublamaasiyiin ajnabi…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladdu ay Diiradda saarayso dib u habaynta Ciidanka Qaranka si ay ula wareegaan mas’uuliyadda ka saaran amniga Dalkooda. Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Ciidamo katirsan Kumaandooska gaarka u tababaran ee Gorgor oo ka qallin-jebiyay tababarkii ay qaadanayeen ayaa sheegay in mas’uuliyad ballaan ay ka saaran tahay amniga Dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in ciidamadaan kuwo kale ee howlgallada ku jira looga fadhiyo in ay Dalka ka saaraan ‘AS’ isla markaana ay gacanta ku dhigaan mas’uuliyadda ka saaran in ay amniga gacan adag ku qabtaan…
Xukuumadda Benjamin Netanyahu ayaa wixii ka dambeeyay 7dii Oktoobar 2023 oo ku beegan markii weerar cajiib ah oo argagax iyo cabsi badan geliyay Yuhuudda ay Xamaas ku qaadday saldhigyo iyo goobo amnigooda aad loo adkeeyo waxa ay Xukuumaddu bixisay lacag badan si ay uga hortago weerarro kale. Netanyahu oo bar-madow ku noqday weerarkaas maadaama Xamaas ay soo bandhigtay muuqaallada qaabka uu weerarkaas u dhacay, saraakiisha iyo ciidanka ay toogatay, Gaadiidka ay gubtay & xogo kale oo bannaanka soo dhigay sida ay ciidanka Yuhuudda u jilcan yihiin waxaa kordhay dalabaadka ay u dirsanayaan Maraykanka & dhinacyada kale ay maciin-bidi karaan. …
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dhinacyada ku dagaalamaya Jamhuuriyadda Suudaan ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka dhexdooda ka socda si ay ixtiraam ugu muujiyaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan ee maalmaha kooban ka dhiman tahay curashadeeda. Antonio Guterres ayaa dhinacyadaan hubaysan waxa uu xusuusiyay in aan laga maarmin joojinta Dagaallada socda si ay nabadgalyo ugu soomaan Shacabka ay ku dul-dagaalamayaan sida uu hadalka u dhigay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo si dhab ah uga hadlay xaaladda Suudaan. Xaalado bani aadamnimo oo aad u daran ayaa ka jira Dalka Suudaan, Dadka qaar ee ay toogtayn dhinacyada Hubaysan ayaa…
Dowladda Hindiya ayaa damacsan in ay Magaalada Muqdisho ka furato Safaarad ka shaqaysa xoojinta iskaashiga kala dhaxeeya Soomaaliya oo muddooyinkii dambe kor uga soo qaadmayay halkii uu joogay sanadihii lasoo dhaafay. Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Hindiya Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in wafdi ka socda New Delhi oo maalmihii lasoo dhaafay soo gaaray Magaalada Muqdisho ay qiimaynayeen dhinacyada amniga iyo qorshaha dib u furashada safaaraddooda Soomaaliya. Dalalka aanay dib u furan safaaradihii ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho ayaa ka shaqaynaya sidii ay dib ugu furan lahaayeen si loo xoojiyo cilaaqaadka kala dhaxeeya Soomaaliya waxaana ay soo dirsadeen mas’uuliyiin qiimayn ku…
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wajahaya cadaadiskii ugu darnaa ee mustaqbalkiisa soo foodsaaray, ka dib markii uu lumiyey qayb muhiim ah oo ka tirsan dadka seeskiis siyaasadeed oo ay ku kala dhinteen mowqifka uu ka istaagey dagaalka Qasa. Madaxweyne Biden aya la soo baxay mayal adeyg iyo miiggaganaan aan looga baran madaxda Mareykanka, ka dib markii uu ku gacan saryaray talooyin iyo codsiyo uga imaaanayey taageereyaasha Xisbiga Dimuqraadiga oo doonayey in uu ka shaqeeyo sidii loo baajin lahaa masiibda bini’aadamnimo ee ka dhacday marinka Qasa. Mr. Biden oo si furcaddi ah ula saftay Israa’iil ayaa diidey in uu dheg jalaq…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 15-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xubanaha Guddiga Joogta ah ee Golaha Shacabka oo ka dooday dhacadadii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), ayaa waxaa uu Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka, Duulista, Garoommada, Dekedaha, Tamarta iyo Hawlaha Guud ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdullaahi Geel-qaad xubnaha guddiga uga warbixiyay dhacdadii labadii maalin ee la soo dhaafay ay shacab badan ku xayirnaayeen garoonka saacado badan sababo aan sharciga waafaqsaneen. Xubanaha guddiga ayaa ugu horeyn wax…
Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in mar kale xiisad dhinaca maamulka ay kasoo cusboonaatay gobolkaais, taas oo ka dhalatay isbeddal maamul oo uu sameeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Madaxweynaha oo wareegto soo saaray ayaa soo magacaayay guddoomiye ku xigeennada cusub ee gobolka iyo guddoomiyeyaaha degmooyinka Buurdhuubo iyo Belexaawo. Xiisad ka dhalatay isbeddelkan ayaa maanta ka taagan degmada Buurdhuubo, waxaana isku horfadhiyo ciidamo taabacsan maamulkii hore iyo kuwa Jubbaland. Nuur Shig Shigoow oo kamidah xubnaha diiday maamulka lasoo magacaabay ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in labada ciidan ay haatan is horfadhiyaan Xaaladda waa cakiran tahay annaga magaalada joogno,…
Somaliland ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku ridday afar nin oo ‘gaalo ah’ isla markaana maandooriyaha Khamriga ku sameynayay gudaha magaalada Hargeysa, kuwaas oo lasoo taagay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex. Raggan ayay Maxkamaddu sheegtay in iyaga oo gaalo ah ay soo xirteen labiska Islaamka, sidoo kalena ay ka dawarsanaayeen magaalada dhexdeeda. Shaki laga qaaday kadib ciidamada Booliska ayaa soo qabtay afarta nin, waxaana kadib lasoo taagay maxkamad, iyada oo lagu helay inay Khamri ku sameeyaan gudaha Hargeysa. “Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa saaka xukun ku riday 4 -nin oo dhawaan Ciidamada Booliska JSL garahaan Saldhiga Dhexe gacanta kusoo…
Maxkamadda ciidamada qalabka sida, qaybteeda 60-aad ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday askari horay dil ugu gaystay askari kale. Xukunka ayaa markii dhacay, kadib horay tiirka laga geeyay Cabdiraxiin Cismaan oo ahaa askariga horay dilka u gaystay, kaas oo lagu qisaasay fagaare ku yaalla Baydhaba. Maxkamadda ayaa sheegtay in askariga maanta la toogtay uu horay u dilay Marxuum Ibraahim Aadan Salaad Wiirow oo isna ka tirsanaa Ciidanka daraawiishta Koofur Galbeed, dilkaas oo ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Fagaaraha lagu toogtay ninkan ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada iyo ehellada labada dhinac, kuwaas oo…