Author: radiohalgan.com

Weerraryahanka Liverpool ee Darwin Nunez ayaa la barbar-dhigay halyeygii Arsenal ee Thierry Henry kaddib bandhiggiisii ugu dambeeyey iyo goolashii uu dhaliyey kulankii Bournemouth ee Vitality Stadium Darwin Nunez ayaa laba jeer shabaqa soo taabtay isagoo qaab qurux badan u dhaliyey laba gool oo aanu isku dhibin oo kubbado uu si fudud u taabtay uu shabaqa taabsiiyey. Halyeygii Liverpool ee Phil Thimpson oo la hadlay warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegay, in Darwin Nunez uu soo xasuusiyey Thierry Henry, waxaanu yidhi: “Arrinta wanaagsan ee Darwin uu haysto, waa in ay taageereyaashu jecel yihiin. Marnaba ma istaago oo isma dhiibo, mar walba waa uu…

Read More

Arsenal iyo Manchester United ayaa hoggaanka u haya kooxaha khasaaraha badan kasoo gaadhay suuqa iibka ciyaartoyda, iyadoo tobanka sare ay lix ka mid ah noqdeen naadiyada horyaalka Premier League. Shabakadda xogta iyo qiimaynta suuqa ee CIES Football Observatory, ayaa soo bandhigtay toban kooxood oo khasaare weyn uu kasoo gaadhay suuqa iibka ciyaartoyda intii u dhaxaysay 2014 illaa 2023, kuwaas oo lacagihii ugu badnaa ku kharash gareeyey ciyaartooyo cusub, isla markaana waxyar oo aan la tilmaami karin ka helay ciyaartoydii ay iyagu iibiyeen. Kala-goynta lacagta ay kooxdu kharash garaysay iyo lacagta ay ka heshay ciyaartoyda ay iibisay, ayaa waxa ay muujiyeen…

Read More

Xiddiga reer France ee Karim Benzema ayaa ugu dambayn ka baxay aamusnaanta oo ka hadlay mustaqbalkiisa uu mugdigu ku jiro, iyadoo la sheegayo inuu ka tegayo kooxdiisa horyaalka Sucuudiga ee Al-Ittihad ee xagaagii uu u wareegay 36 jirkan ayaa u saxeexay Al-Ittihad heshiis saddex sanadood ah markii uu ka tegay Real Madrid, isaga oo ka mid noqday xiddigo waaweyn oo uu Sucuudigu kulmiyey sida Cristiano Ronaldo, Neymar, Riyad Mahrez, Jordan Henderson, N’Golo Kante, Roberto Firmino, Fabinho iyo kuwo kale. Laacibkan ayaa la sheegay in uu raacayo dariiqa Jordan Henderson oo ka degay Ajax isla markaana kasoo xidh-xidhay Al-Ettifaq, waxaase ay…

Read More

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay ku qaldantay in ay saxeexdo in maamulka hawada laga soo wareejiyo hay’addi maamuli jirtay oo lagu wareejiyo dowlada Soomaaliya. Waraysi uu siiyay warbaahinta ku hadasha afka xukuumada Somaliland, ayuu ku sheegay in dowlada Soomaaliya ay kaga baxday heshiisyo dhawra oo ay hore u wadagaleen, kuwaasi oo ay ku jirtay in hawada la wada maamulo, kadib markii laga soo wareejiyay hay’adii hore gacanta ugu haysay. “Markii Ekow laga soo wareejinayay, Somaliland iyo Soomaaliya waxay ku saxeexeen aynu kala soo wareego Ekow oo inagu aynu qaybsano, halka Somaliland ayaa qaldantay, cidii markaa joogtay ayaa ilduuftay,…

Read More

Wafuud culus oo isugu jira madax iyo siyaasiyiin waawayn ayaa gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, si ay uga qeyb galaan caleemo saarka madaxweyne Deni oo dhawaan mar kale dib loo doortay. Sidoo kale, madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la sugayaa inay goor dhow ka dagaan magaalada Garowe. Waxaa horey magaalada Garowe u joogay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guud Laawe, madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo wafdi ka socday Jubbaland. Wafuudda maanta tagay Garowe waxaa kamid ah, raysal wasaarayaashii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble, Cabdiweli Cali Gaas, iyo siyaasiyiin kale.…

Read More

Waxaa goordhaw soo idlaatay ciyaar aad u xiiso badneyd oo galabta ku dhexmartay garoonka Kubadda Cagta Muqdisho xulalka Banaadir iyo Galmudug. Ciyaarta galabta dhexmartay Xulalka Kubadda Cagta Banaadir iyo Galmudug ayaa aheyd kulan ka tirsan afar dhamaadka tartanka Kubadda Cagta dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir. Xulka Kubadda Cagta dowlad goboleedka Galmudug ayaana galabta u suurta gashay iney iska xaadiriyaan Final ka tartanka, kadib markii ay galabta ka guuleysteen dhigooda Banaadir. Ciyaarta oo aheyd mid adag ayaa waqtigii caadiga ahaa ee loogu tala galay ku soo dhamaatay goolal la’aan 0-0 ah, waxaana intaas kadib labada dhinac loo dhigay gool ku…

Read More

eeraleyda gobalka Hiiraan ayaa sheegay in xilli beerashadii sanadkan dalagyadii ay dhigteen inta badan uu saameeyay cayayaan, kaas oo khasaariyay dalagyadii ay filayeen in ay goostaan. Cabduqaadir Aadan Muxumed (Carbuudo) oo ka mid ah beeraleyda gobalka Hiiraan ayaa wariyaha VOA-da Baledweyne Xuseen Xasan Dhaqane uga waramay waxyaabaha uu ku arkay dhul beereedka wabiga ku teedsan ee ku yaalla inta u dhaxeysa magaalada Baledweyne iyo degmada Buuloburte.

Read More

Qarax ismiidaamin ah ayaa galabta ka dhacay Muqdisho xilli ay magaalada ka socotay ciyaar kubadda cagta ah oo u dhaxaysay gobollada Banaadir iyo Gamudug.Booliiska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey qaraxan, waxayna sheegeen inaan cidina waxba ku noqonin. Qofka keliya ee ku dhintay qaraxan ismiidaaminta ah ayaa ahaa qofkii isa soo miidaamiyey, sida ay booliiska sheegeen. Booliiska ayaa sheegay in qofkaasi uu isku qarxiyey goob shidaal xilli ay ciidamada amnigu cayrsanayeen. Qaraxa waxa uu ka dhacay agagaarka nawaaxiga isgoyska Cali Kamiin ee Muqdisho, oo u dhow garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium. Qaraxa ayaan saameyn ku yeelan cayaartii ka socotay garoonka, oo si…

Read More

Ra’iisal Wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa guuldarro kale kala kulmay qorshihii qaxoontiga lagu gayn lahaa dalka Rwanda, kaddib markii xunbaha Aqalka Sare ay u codeeyeen in muddo dib loo dhigo qorshahaasi.Tani miyey tahay dhammaadkii qorshaha dowlada ee Rwanda, muxuuse ka dhigan yahay codka diidmada xubnaha Aqalka Sare? Warbxin arrintan ku saabsan waxaa London ka soo direy Wariyaha VOA ee Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.

Read More

Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixyay habraaca wax ka beddalka Dastuurka ku meel-gaarka ah. Waxaa ogolaaday habraaca 180 xildhibaan, halka ay diideen 30 mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya. Hase-yeeshee waxaa arrintaan hareeyay walaac ay muujinayaan qaar ka mid ah xubnaha labada gole iyo siyaasiin dalka horey xilal uga soo qabtay oo sheegaya in aan la joogin waqti lagu mashquulo u codeyn iyo wax ka badel dastuur maadaama ay taagan tahay xiisad u dhaxeeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, dagaalka Al-shabaab iyo arrimo badan oo muhiim ay tahay in dowladdu ay xilligaan…

Read More