Author: radiohalgan.com

Jaaliyadda Somaliland ee UK ku nool ayaa Sabtidii isugu soo baxday dibadbax ay ka hordhigeen aqalka baarlamaanka UK, kaasi oo ay ku kala qeybsanaayeen dadweynihii isugu yimid. Dibadbaxa oo ahaa mid lagu taageerayay heshiiska is afgaradka ee Somaliland la gaartay Itoobiya oo lagu siiyay dekad iyo saldhig ciidan ayaa waxaa dhinaca kale dibadbaxa taageerada barbar socday mid lagu diidanaa xad-gudubka Itoobiya oo ay dhigayeen jaaliyadda Somaliland oo laba u kala qeybsan. Dibad-baxayaasha Somaliland ee taageerayay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya oo sitay calamada Itoobiya iyo Somaliland ayaa dowladda UK ugu baaqayay inay aqoonsi siiyaan Somaliland oo 31 sano ka badan aqoonsi…

Read More

Ciidamo cusub ayaa maanta tababar heer sare ah loogu soo xiray magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku qaateen dugsiga tababarrada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye. Ciidamadan ayaa waxaa tababarka usoo xiray sii-hayaha wasiirka amniga gudaha ahna wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin. Ciidamadaan ayaa kamid noqon doona booliska Soomaaliyeed, waxayna ka qeyb qaadan doonaan dadaalada lagu xakameynayo dhagarta kooxaha argagixisada ay bulshada Soomaaliyeed u soo maleegaan. Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin oo la hadlay ciidankan tababarka loo soo xiray ayaa kula dar-daarmay in ay la dagaalamaan argagixisada iyo waxyaabaha maanka-dooriya,…

Read More

Sacuudiga ayaa goordhoweyd xaqiijiyay in maalinta berri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ayada oo meelo kala duwan oo Sacuudiga ah laga arkay bisha. Kadib warka kasoo baxay maamulka Xarameynka ayaa waxa caawa si rasmi ah taraawiixda looga bilaabaya Xaramka, bacda salaada Cishaa’i. “Bisha Ramadaan 1445/2024 ayaa laga arkay dalka Sacuudiga!. Ramadaan 1445/2024 wuxuu bilaabmayaa berri, 11 March 2024. Salaada Taraawiixda ayaa ka bilaaban doonta Labada Masjid ee Barakeysan Salaada Cishaha kadib,” ayaa lagu qoraal kasoo baxay Xarameynka. Labada masjid ee barakeysan ayey salaaddaha Taraawiixdu ka bilaaban doonaan caawa salaadda Cishaa’i kadib. Dalal uu kamid yahay Sacuudiga ayaa…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Dowladda Ingiriiska uqaabilsan Koonfur Galbeed Captain Alex iyo Saraakiil Ciidan oo ay Wehlinayeen Qaabilaada Madaxweyne Laftagareen oo ay ka qeybgaleen Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka Sareeye guuto Madeey Nuurkey Shekh iyo Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka Xooga Dalka Generaal Xasan Isaaq Cumar Madaxweynaha iyo Saraakiisha ayaa kulankooda kaga wada hadleen Xoojinta Amniga Deeganada Koonfur Galbeed, Kordhinta Taageerida Dowladda UK ee Tababarida. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka. Inta kulanka socday ayaa madaxda waxa uga wada hadleen Qalabaynta Ciidamada Qalabka sida iyo Wadaagida…

Read More

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay Golahiisa Wasiirrada oo ay kasoo dhex muuqdeen xubno katirsanaa mucaaradkiisa, mas’uuliyiin lasoo shaqaysay muddo xileedkiisii hore & siyaasiyiin aad loo hadal hayay. Halkaan ka aqriso Liiska Wasiirrada, ku xigeennada & Wasiiru Dowlayaasha Dowlad-Goboleedka Puntland. Xubnaha Wasiiradda: – 1-Waxaa Maxamed Cabdiwahaab Axmed loo magacaabay Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta. 2-Waxaa Ibraahin Cartan Ismaaciil loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR. 3-Waxaa Cabdi Faarax Juxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda. 4-Waxaa Maxamed Faarax Maxamuud loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda. 5-Waxaa Daa’uud Maxamed Cumar loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta,…

Read More

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo saaka aroortii hore ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo illaa iyo hadda lagu howlan yahay damintiisa. Dabka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga kacay qaybta Cabdalla Shideeye ee suuqa, wuxuuna kusii fiday goobo kale oo horleh. Qaar kamid ah ganacsatada suuqa oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dabka uu yahay mid xoogan, isla markaana uu gaystay khasaare baaxad leh. Sidoo kale waxaa haatan soconaya gurmad ay wadaan gaadiidka dab damiska dowladda hoose ee Xamar iyo kuwa shirkadda Hormuud…

Read More

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu garaacay magaalada Muqdisho, kuwaas faahfaahin hordhac ah laga helayo khasaaraha ay geysteen iyo goobaha ay ku dhaceen. Sida aan ka soo xiganay saraakiil amni afar Hoobiye ayaa laga soo tuuray aagga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Saddex ka mid ah waxaa la xaqiijiyey inay ku kala dhaxeen degmooyinka Boondheere iyo Cabdicasiis, waxaana la soo weriyey khasaare aan badneyn. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay hoobiyihii koowaad oo ku dhacay gudaha xerada gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku taalla degmada Cabdicasiis. Kan labaad waxaa la sheegay inuu ku dhacay aagga xarunta NISA ee Habar-Khadiijo…

Read More

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kooban soo saaray ayaa si adag uga hadlay dhacdadii garoonka Aadan Cadde ee ka dhalatay dhibaatada loogu gaystay shacab todobaadkii hore ka dhoofayay gudaha garoonka wuxuuna sheegay in haatan laga laabtay u yeertis wasiirka gaadiidka Fardowso Cismaan Cigaal. Fardowso ayaa saaka looga yeeray baarlamaanka, si wax looga weydiiyo dhibaatadaas, gaar ahaan lacago 9 dollar ah oo lagu soo rogay dadka ka dhoofaya garoonka. “U yeerid iyo hor imaasho Golaha guud ee Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda JFS iyo jawaabidda su’aallo ordaaheedyo sida uu qabo qodobka 69/2 ee dastuurka KMG iyo qodobada Xeer…

Read More

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ka jawaabay hadal kaftan u muuqda oo guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe uu ka qoray masuuliyiin uu ku jiro Fiqi. Guddoomiye Feysal ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in Axmed Macalin Fiqi, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdiraxmaan Odawaa ay soo xirteen dharay ‘bililiqeysteen sanadkii 1991-kii markii ay burburtay dowladnimada Soomaaliya. Feysal ayaa soo qaatay sawir ay maasuuliyiintaan galeen sagaashameeyadii, isagoo yiri “Dharakii Daroodku ka Carareenmarkii Siyaad Barre ka baxay Mogadishu 1991 Yaye gaashadeen. Kuwaa maanta leh waanu talininan. Waa yeeydi oo Siyaad Barre shiigay. Tuulo ma maamuli karaan.” Wasiir Axmed Macalin…

Read More

Itoobiya ayaa ka fiirsanaysa inay meesha ka saarto qorshe ay ku aqoonsanayso maamulka ka go’ay Somaliland, iyadoo cadaadis caalami ah lagu saarayo in la qaboojiyo xiisadda gobolka ee ka dhalatay hindisahan, sida ay sheegeen dad xog-ogaal u ah arrintan oo la hadlay wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa dalka Mareykanka. Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa heshiis hordhac ah la gashay Somaliland bishii January, heshiiskaas oo ka dhigaya iney noqoto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsanaya madax-bannaanida Somaliland, taas beddelkeedana muddo 50 sannadood ah laga siiyo marin Gacanka Cadmeed. Heshiisku waxa uu buuq iyo sawaxan ka dhex dhaliyay dalalka dariska ah,…

Read More