Author: radiohalgan.com

LataliyahaMadaxweynaha Xiriirka Dowlad Goboleydyada Mudane Mohamed Hassan Ibrahim (Qoono) ayaa Shalay Senator Muuse Suudi Kulan wada qatay Kulankas ayaa lagu gorfeeyay arrimaha Badan ee Ka mid ahayeen Hirshabeelle Iyo Siyaasadda Guud ee Soomaaliya is Xog wareysi dheer kadib Wada shaqeyn iyo Isku Duubnida Reer Hirshabeelle iyo gobolka Banaadir. Kulankaas ayaa ku soo dhamaaday guul is fahan labada Oday ah. Dhanka kale LataliyahaMadaxweynaha Xiriirka Dowlad Goboleydyada Mudane Mohamed Hassan Ibrahim (Qoono) ayaa ah Musharax Madaxweynaha Dowlad Hir-shaballe .

Read More

Gudoomiyaha dhalinyarada Hirshabelle Abdirisaaq Maxamed Cabdullahi ayaa maanta la kulmay gudoomiyaha dhalinyarada gobalka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan. Gudoomiyaha dhalinyarada G. Banaadir ayaa soo dhaweeyn u sameeyay gudoomiyaha dhalinyarada Hirshabelle, waxaana aay ka wada hadleen sidii loo hormarin lahaa dhalinyarada islamarkaana aay u wada shaqeeyn lahaayeen.

Read More

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan oo khudbad muhiim ah ka jeediyay kulanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uyuu kaga hadlay dhaqdhaqaaqyada daandaansiga ah oo ku aaddan hawlaha ciidan ee Itoobiya ay ka waddo xudduudaha Soomaaliya. Danjire Abuukar Baalle ayaa iftiimiyey arrimaha xasaasiga ah ee ka dhashay faragelintanta Ethiopia, taas oo khilaafsan dhaqanka dowladnimada iyo xeerrarka caalamiga ah, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida muhiimka ah ee loo qabo in golaha ammaanku ogaado dhaqamada sharci darrada ah ee Ethiopia ka wado bariga Afrika. Waxa uu sheegay in muhiimadda weyn ee ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo doorka ay Qaramada…

Read More

Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso tababarihii hore ee Manchester United Ole Gunnar Solskjaer si uu u noqdo badalka Thomas Tuchel. Macalinka reer Germany ee Tuchel ayaa cadaadis xoogan kala kulmaya kooxda Bavarian ka dib markii laga badiyay seddex kulan oo xiriir ah oo ay la ciyaareen Bayer Leverkusen, Lazio iyo Bochum. Hadda, waxaa la soo wariyay in Bayern ay u weecan karto Solskjaer oo ah musharrax waqti gaaban ah. Sida laga soo xigtay Sky Germany, Bayern Munich ayaa isha ku haysa in ay si ku meel gaadh ah ula soo wareegto tababaraha. Solskjaer ayaa shaqo…

Read More

Tartanka Koobka Africa ee sanadka dambe ayaa is badal lagu samaynayaan sida ay sheegayaan wararku. Tartanka oo dhawaan dhamaaday ayaa loo balansan yahay in uu ka dhoco dalka Morocco sanadka dambe. Sida laga soo xigtay PurleyFootball, FIFA iyo CAF ayaa wada gaadhay heshiis hordhac ah oo ku saabsan tartanka. FIFA iyo CAF Ayaa ku heshiiyay in tartanka Koobka Africa ee sanadka 2025 ee lagu qaban doono dalka Morocco la qabto xagaaga. Tartanka Koobka Africa ee sanadka 2025 ayaa lagu wadaa in la qabto bartamaha bisha July ilaa bartamaha bisha August. Xulka Ivory Coast ayaa difaacan doona koobka kadib markii ay…

Read More

Waxa meel xiiso leh maraya tartanka gool dhalinta horyaalka premier League iyada oo ay xiddigo badan ku tartamayaan. Tartanka Gool dhalinta ayay ku tartamayaan xiddigo badan kuwaas oo wacdaro ka dhigaya xilli ciyaareedka. Xiddiga Man City ee Erling Haaland ayaa hogaaminaya gool dhalinta horyaalka Premier League isaga oo leh 16 gool. Waxa ku xiga xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah oo leh 15 gool ilaa haatan xilli ciyaareedka. Waxa ku xiga xiddiga Bournemouth ee Dominic Solanke kaas oo dhaliyay 14 gool ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Read More

Dhibaatada dhaawaca ee Liverpool ayaa mar kale ka sii dartay iyadoo Diogo Jota iyo Curtis Jones la xaqiijiyay in ay seegi doonaan Final-ka Carabao cup-ka ee ay la ciyaari doonaan Chelsea. Labada xiddig ayaa dhaawac uga baxay kulankii ay Liverpool ka badisay kooxda Brentford kulan ka tirsanaa horyaalka premier League. Klopp waxa haatanba ka maqan xiddigaha Dominik Szoboszlai, Alisson iyo Trent Alexander-Arnold kuwaas oo dhaawac ku seegaya kulanka chelsea ee Carabao cup-ka. Kooxda ayaa sugaysa baadhitaanka buuxa ee Jones iyo Jota laakiin wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ay labada xiddiga seegi doonaan Final-ka Axada. Wararka ka imaanaya Portugal ayaa…

Read More

Maamulka Telefishanka Qaranka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrin uu shalay kula kacay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed. Telefishanka Qaranka ayaa shalay aan tebin khubad uu Shariif ka jeediyay baarlamaanka, taasi oo uu madaxweynihii hore uga hadlay dhowr arrimood oo taabanaya wax ka beddelka dastuurka iyo xaaladda guud ee amniga dalka. Maamulka Telefishanka Qaranka Soomaaliya (SNTV) ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku sheegay in cilad farsamo oo dhinaca internet-ka ah ay sababtay inuu hakad ku yimaado tabintii tooska aheyd ee telefishanka, xilligaasi oo uu Shariif khudbad ka hor jeedinayay mudaneyaasha Golaha Shacabka. (Maamulka SNTV waxaa…

Read More

Dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin ayaa loo soo xiray Dil bareer ah uu u gaystay Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed dilkaas oo ka dhacay laamiga Xoosh ee degmada Dharkenlay 21 kii November ee sanadkii 2023. Baaris dheer dabadeed Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Tobankii bishii February ee Sanadkaan. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Ex Dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin Ismaaciil Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed. Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada…

Read More